May 18, 2004
KEEBAA DARAN,GUMEEYSIGII HORE IYO ADOONSIGA C/QASIM EE
LABADA WABI ?
A.Dirir
burashadley@hotmail.com
Dunidu waxay soo martay heerar kala duwan , waxaana mar
hore jiri jiray in dadka la adoonsado loolana dhaqmo sida xoolaha oo
kale.
Arrintaasna baabi'inteedana waxaa qayb weyn ka qaatay
nin Ingiriiska u dhashay oo magaciisu ahaa Wilyam Wilber Fooris oo ka
codsaday wadamaadii Gumeystayaasha ahaa ee Yurub in ay joojiyaan
dhaqankaas cadawga ku ahaa sharafta aadamigu uu leeyahay. Taasina
aakhirkii way hirgashay,waxaana la mamnuucay ka ganacsiga xoolaha
caqliga leh ee aan ula jeedo dadka.
Dawladda Talyaaniga oo markeedii horeba laga qadiyey
qaybsigii Afrika ayaa waxaa loo oggolaaday in Somaaliya ay qaadato ,
taasoo keentay in ay si ay u muujiyaan in ay yihiin dawlad garaadkeedu
sareeyo ayaa iyadoo ku dayaneeysa Ingiriiiska ay Somaaliya ka mamnuucday adoonsiga
iyo ka ganacsigiisaga oo Koonfurta ka jirtay gaar ahaana Jubba iyo
Shabeelle.
Marka Talyaaniga oo siyaasaddaas fulinaya ayaa wuxuu
taageeray halgankii Nasiib Buundo uu ka waday degaamadaas oo aakhirkii
dhalisay in la dejiyo dadkii la adoonsan jiray degaanka Jowhar.
Waxaana la wada garan karaa in isticmaarku inkastoo uu
dulli ahaa hadana uu lahaa dhinacyo wanaagsan, kuwasoo ay ka mid yihiin
in uu barary umadihii uu gumeeysan jiray tabo badan oo ayan horay u
aqoon kana mid yihiin adeegsiga warshadaha, daryeelka cilmiyeeysan ee
caafimaadka iyo kuwo kaloo la mid ahba.
Marka , talyaaniga waxyaabaha kale ee uu sida gaarka ah
Somaalidu u baray waxa ka mid ah isagoo tallaal iyo miro beereedyo
cusub dalka keenay sida muuska, Bambeelmo ( Grape fruit ) iyo
khasabkaba.
Si arrintaas uu u fuliyo ayuu Talyaniga wuxuu dhul
beereedyada wanaagsan ka dhacay Somaalidii laheyd ee degaankoodu ahaa
Shabeelle iyo Jubba, ka dibna si arrintaas guul uga gaaro wuxuu
isticmaali jiray shaqaale uu dhulka ku qoto oo waxba ka duwaneyn
adoonsiga iyagoo xuquuq aay lahaayeen eyan jirin. Tacadigaas dadka loo
geysan jirayna waxaa ka dhiidhiciyey Somaalidii oo dhan, tusaale ahaanna
waxaa u ah halgankaas labadaan arrimood oo soo socda :-
B- Halgankii SYL ay u gashay in ay foolxumooyinkaas
gaaladu dalka ka wadeen ayaa ah mid
lama illaawaan ah ayna ka mid aheyd warqad dacwo
aheyd oo ay SYL u qortay
boqortooyadii ingiriiska kuna saxiixnaa marxuum
Sakhaawadiin ee looga dalbaday
in biliiliqada dhul beereedka Talyaaniga (Force
occupation) iyo khasab ugu
shaqeeysigiisaba (Force labour) la joojiyo, taas oo la
yeelay.
T-Somaalidii deganeyd labada wabi ee la adoonsan jiray oo
diidan sii joogitaanka Talyaaniga ee
Somaaliya iyo dabadhilifyadiisiiba ayaa waxay
shucuurtooda ku muujiyeen siyaabo kala duwan
oo ay ka mid ahaayeen geeraaro iyo mudaaharaadyo
sharciga gumeysiga Ingiriisku u saamaxay.
Waxayna yiraahdeen iyagoo halqabsi ka dhiganaya nin
Talyaani ahaa oo u darnaa Somaalida
magaciisuna ahaa Sii Sii oo hadda xarumaha Xamar
midkood loogu magac daro ,
" Sii Sii Ma Sariigte, Siibidaada la baajin Maayo".
Shirkii Carte ka hor iyadoo xaaladdu ciriiri ku tahay
kuwa dulmiga raba ayaa Jabuuti waxay qabatay shirkii Carte oo markii la
arkay isdaba marinteedana ay sababtay in qaybahii ugu muhimsan Somaaliya
ay qaadacan , beesha caalamkuna u fidin weeydo taageero dhaqaale iyo
mid siyaasadeedba.
Cartana, wixii ka soo baxay, sidii ay waxyaabahaas ay ku
yimaadeen iyo wixii ay fashayba waa mid la wada ogyahay. Waxase ugu
darneyd in C/qasim uu si bareer ah uga dhinac maray ballantii uu halkaas
ugu soo qaaday waxmagaratadii joogaty markuu lahaa,' Reerkeyga, aniga
ayaa Somaalida ka qaban doona '. Taasoo uu illowway markii lacag ka
badan $50 milyan iyo hubba uu magac umadda ku helay , iskadaa in uu wax
kale qabtee reerkiisii uu ku sii xoojiyey hantidii umadda ee loo
dhiibtay.
Marka, si waxmagaratadii iyo taageerayaashoodaba u
khaldana wuxuu farta ugu fiiqay Itoobiya iyo colaadii hore ee naga
dhaxeeysay.
Su'aashuna waxaa weeye ma Itoobiya ayaa adoonsi ka wada
Somaaliya, mise degaano kale xoog ku heysata ama boobtay hantidii dadka
iyo dawladda ee Somaaliya?
Jawaabtuna waa "Maya" ee musiibada Somaaliya ku habsatay
ayaa ah in kuwii mooryaanta ahaa ay gar yar oo ibliis inta ay la baxeen
u heysta waxyaabaha ay dulmiga ku heystaan in ay tahay qaniima ay dagaal
ku heleen sida uu u heysto tuugga Marka " Indho Cade" ee wakiilka u ah
Xasan Dahir Aweys oo militia beeleedkooduna uu C/qasim yiraahdo waa
kuwii qaranaka.
Teeda kale dadka yaqaan C/qasim maba la yaabana
qabiilinimadiisa iyo sida foosha xun ee uu u dhaqmo iyo boobkii wixii
gacantiisa soo gala isagoo u heysta in ay tahay " Wa maa malakat
eeymaanikum " oo kale ee waxaa yaab leh caaqyada dadkooda uu gumeysto
Ina Salaad Boy oo cambaareenaaya Itoobiyadii uu cuqubada uu dalka ku
hayo ku qarinayae .
Runtuna waxay tahay in Itoobiya ayan aheyn tii hore ee
Mingisto oo shirkii Burco ka dambeysay, waxaana xasuustaa mar uu
Mingistu uu wareeysi uu ku yiri markuu u baxsaday Zimbabwe in wixii ugu
weynaa ee uu qabtay ay aheyd in cuqdad uu galiyey midnimadii Somaalida.
Waxaa kaloo iyaduna markhaati ma doonta ah in Meles uu
wax badan uu u qabtay Somaalida kuwa Itoobiya ku dhaqan ee uu ilaa iyo
maanta u ogol yahay in ay gooni u go'aan inkastoo cudurkii qabyaalada
iyaguna uu taabtay waloow ay caalnkooda ay ka muuqato calankii Somaaliya
iyo xidigtii 5ta aheydba, waxaa kaloo xusid mudan sidii Itoobiya ilaa
iyo maanta ula dhaqanto qaxootiga Somaalida ah oo ay u noqotay dalkoodii
labaad iyo iyadoo tageero u fidisay kuwii dulmaanaa oo maanta
degaankooda xoog ku soo dhacsaday sida RRA.
Waxaana xusid mudan in Meles mar in ka badan uu ku
celceliyey in ay taageersan yihiin midnimada Somaalida xataa iyadoo
Somaaliland ay u sheegtay in ay Zeylac ay siineeyso Itoobiya si loo
ictiraafo iyo waliba isagoo diiday Buubaagii C/qasim u ahaa wasiirka
arrimaha dibedda in ay u saxiixaan in dhulka Itoobiya ee Somaalidu
leedahay ay yihiin kuwa Somaaliya ayan mustaqbalka ka hadli karin.
Marka dadka noocaas ah miyaa ka hadli kara wadaniyadda
iyo muslin-nimaba ?
Nabigeenii suubanaa yaa waxaa uu yiri mar uu ka hadlayey
xasanaatka ay leedahay u naxariisashada dadka ehelka iyo sida ay u kala
mudan yihiin, ( Aqrab Thuma Aqrab ), sidaas oo kale ayey Somaalidu ay
tiraahdaa ,( Ninkii tiisa daryeela ayaa tan kalena ku dara ).
Waxyaabahaas oo dhan waxaan ku garan karnaa in Somaalida
la adoonsado , xoog dhulkoodii iyo hantidoodiiba lagu heysto ayan cidna
wax tari karin iskaba daa Somalida Itoobiyaba ee taakuleynta dibedda
looga diro aan laga furan sida koonfurta Somaaliya.
Waajibka kowaad ee Soomaliduna waxay tahay in marka hore
ay iska dulqaadaan dulmiga ka nacfiga daran tii Talyaaniga,taas oo aan
aaminsanahay in aakhirkii ay imaan doonto, taariikhdii la soo dhaafayna waxay
na tuseeysaa in adoonsiga iyo gumeeysiguba laga adkaan doono oo waliba
Sii Siiga cusub ee Somaaliya ee sariigashada aqoonna la siibi doono
sidii Sii Siigii ka horeeyey.
Faafin: SomaliTalk May 18, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|