SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

May 18, 2004

WARARKII MAANTA

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Hogaamiyayaasha Soomaalida qaarkood ayaa ka biyo diidsan inay ku laabtaan Madasha Shirka Soomaalidu ka socdo ee Kenya. Iyadoo waqtii loo qabtay inay Hogaamiyayaashu ku yimaadaan Kenyan-na ay ka harsantahay Saddex Maalin oo kaliya.

 Faarax Wehliye Cadoow Sendiko oo ka mida Hogaamiyayaasha Siyaasadda ku soo biiray intii uu socday Shirka Kenya ayaa sheegay in Kenya uusan wax shir ah ka socon isla markaana ay Soomaalida halkaasi joogtaa iska fadhiyaan Hoteeladda. Wuxuuna sheegay in shirka Kenya uu yahay mid lagu lugooynayo Shacabka Soomaaliyeed. Balse aysan jirin Dawlad halkaasi lagu soo dhisayo. 

Sendiko waxa uu sheegay inuusan isagu shaqsiyan ku laabanayn Shirka Kenya inta ay Dawaladaasi wax ka badalayso hanaanka uu shirku ku socdo. Wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa in Shirka loo madax banaaneeyo Soomaalida laf ahaanteeda si ay xalka kama dambaysta ah iyagu u gaaraan. 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah. Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa isna hadal qoraal ah oo uu Muqdisho ka soo saaray ku sheegay inaysan waxba iska badalin Mawqifkii ay TNG-du ku qaadacday Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay inaysan ku laabanayn Madasha Shirka inta ay Kenya ka noqonayso Go’aanka ay ku mamnuucday Baasaboorka Somalia. 

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isna hogaamiya garab ka mida Jabhadda RRA ayaa sheegay in Kenya ay iyadu go’aansatay inaysan Soomaalidu dalkeeda soo galin. Sidaas darteedna waxa uuu sheegay inaysan suuragal ahayn inay marna noo yeerto marna Jiritaanka inkirto. Laakiin waxa uu sheegay Xaabsade inuu ku laabanayo Shirka haddii Dawladda Kenya ay ka laabato go’aanka ay ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. 

Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Filish” oo isna ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda Muqdisho ee ku sugan Madasha Shirka Kenya ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay qaabka ay IGAD u maaamulayso Shirka Kenya. Wuxuuna ugu baaqay Hogaamiyayaasha Soomaalida inay ku laabtaan Madasha Shirka isla markaana wixii ay tabanayaan ay ugu soo bandhigaan Madasha Shirka. 

Maxamed Dheere oo isagu ka mid ahaa kooxaha diidan Shirka Kenya ayaa haatan u muuqda inuu ka tanaasulay mawqifkii hore ee uu ka qaatay Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay  inuu ku laabanayo Madasha Shirka. Isagoo Mamnuucista Baasaboorka Soomaaligana sheegay inay sabab u yihiin Soomaalida dhexdeeda. Waa sida uu hadalka u dhigayee. 

Col C/laahi Yuusuf oo isna shalay uun ku laabtay Boosaaso ayaa meel fagaare ah ka sheegay inuu ku laabanaayo Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay in Shirka Kenya ay ka soo bixi doonto Dawlad ay Soomaali oo dhan isku raacsan tahay. 

Shirka Kenya oo loo qorsheeyay in dib loo billaabo Wajigiisa Saddexaad Dhamaadka Bishan ayeey Hogaamiyayaasha Soomaalidu u muuqdaan inay mawqif ahaan ku kala qaybsan yihiin ka qayb galka Shirkaasi. Waxaana muuqato ifafaalo muujinaya in Kulanka Labaatanka Bishan loo qorsheeyay inuu dib u dhac ku imaan karo. Kadib markii inta badan Hogaamiyayaasha Siyaasadda iyo Odayaasha Dhaqanku ay ka biyo diideen tagista Shirka Kenya.  

Magaaladda Muqdisho oo Maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen Dagaalo Sokeeye oo u dhaxeeyay Maleeshiyooyin Beeleedyo iska soo horjeeda ayaa maanta iyo shalay daganayd. Iyadoo dhinaca kalana ay socdaan Dadaalo Nabadeed oo la doonayo in lagu Xalliyo Dagaaladda Muqdisho. 

Goobihii ay dagaaladdu ka dhaceen oo wali isku hor fadhiyaan Labada Maleeshiyo ayaa daganayd shalay iyo maanta. Waxaana dhagaha dadka Muqdisho ay ka nasteen daryanka Rasaasta ay is waydaarsanayeen labada Maleeshiyo. Iyo Madaafiicda Habawga ah ee ku dul habsanayay Xaafadaha Muqdisho. 

Waxaa yaraaday Qaxii Faraha Badnaa ee ka dhashay dagaaladaasi. Waxayna billlaabeen dadka ka ag dhaw goobaha dagaalku ka dhacay inay dib ugu laabtaan Guryahoodii si ay uga hortagaan in la bililiqaysto Hantidooda. Iyadoo intii uu dagaalku socdayna la bililiqaystay guryiha ay Qoysaskii lahaa ka qaxeen.  Waxaana ka faa’’idaystay dagaalkaasi Sokeeye Kooxaha Burcadda ah oo bililiqo xoogan u gaystay Goobihii Ganacsiga iyo Guryihii ku yaalay aaga uu dagaalku ka dhacay. 

Odayaasha Dhaqanka ee la haybta ah Beelaha dagaalamay laakiin aan beel ahaan iyagu lug ku lahayn Dagaalka ayaa wadda dadaalo ay ku doonayaan inay ku dhex dhaxaadiyaan dhinacyadda dagaalamaya. Waxaana warar hor dhac ah oo laga soo xigtay Guddiga Dhex Dhexaadintu ay sheegayaan in wax xoogaa horumar ah laga gaaray dadaaladii Nabadeed ee lagu dhex dhexaadinayay labada dhinac. 

Dagaalkan ayaa ahaa mid ka mida dagaaladda ugu xumaa ee Muddooyinkan soo mara Muqdisho. Wuxuuna dagaalkan muujinayaa inaysan Qabqablayaasha dagaalku u hogaansamin heshiiskii Xabad Joojinta ahaa ee ay Sannadkii hore ku saxiixeen Eldoret oo ka tirsan Kenya. 

Wafuud ka socota Laanta Dabagalka Abaaraha u qaabilsan Qaramadda Midoobay ayaa Socdaal u kuur galid ah ku jooga Gobaladda Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Wafuudan oo ka kooban Afar Xubnood oo Afrikaan ah ayaa kormeer ku soo maray Deegaanadda Jamaame. Kabsuumo. Jilib. Iyo Hargayso Yareey oo ka mida Deegaanadda Jubbooyinka ee ay Abaaruhu halakeeyeen. Waxaana intii ay Kormeerkooda ku jireen ay Warbixino ka dhagaysteen Odayaasha Deeganadaasi ay booqdeen iyo Madaxda Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo Gobaladaasi gacanta ku haya. 

Odayaasha Deegaanadaasi ayaa u sheegay Wafdiga ka socday Qaramadda Midoobay inay Abaaruhu saameeyeen Nolosha Qoys Walba oo ku dhaqan deegaanadaasi. Waxayna ka dalbadeen Wafdiga in lala soo gaaro Gurmad Caalamiya oo bini’aadanimo. Iyadoo wafdigan oo 48 saac ee soo socota sii joogi doona Deegaanadaasi marka ay dhamaystaan Socdaalkooda lagu waddo inay Warbixino u gudbiyaan Hay’adaha Qaramadda Midoobay. 

Socdaalka Wafdiga Qaramadda Midoobay ayaa ku soo beegmay xilli ay joojiyeen Hay’adaha Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay Duulimaadyadii ay Diyaaradahoodu ku tagi jireen Koonfurta Soomaaliya. Kadib markii lagu arkay Garoonka Diyaaradaha ee Diinsoor Miino xilli ay soo cagadhiganaysay Garoonkaasi diyaarad ay Qaramadda  Midoobay leedahay. Halka Garoonka Ceel Axmad ee Duleedka Markana laga war helay in Miinooyin lagu aasay . 

Shir Madaxeedkii Dalalka Saaxil iyo Saxaraha ee ka dhacay Magaaladda Bamako ee Dalka Maali ayaa Ajandayaashii looga dooday meel sare uga jirtay Arrinta Soomaaliya oo ay go’aano ka soo saareen Madaxdii ka qayb gashay Shirkaasi. 

Madaxwaynayaasha Dalalka CENSAD ee shirkaasi ka qayb galay ayaa intooda badan isla gartay in la taageero Shirka Dib u Heshiisiinta ee Kooxaha Soomaalida uga socda Dalka Kenya. Waxayna dalbadeen in la saxo wixii qaladaad ah ee Shirka caqabad ku ah. 

Hogaamiyaha Libya. Col Moamar Al-Qadaafi oo isagu iska leh Fikradda lagu aas aasay Urur Gobaleedkan ayaa hadal uu ka jeediyay Kulan Madaxeedkaasi waxa uu ku sheegay inaan  Xal u helidda dhibaato ka jirta Afrika loo raadin doonin Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay. Wuxuuna sheegay inay lagama maarmaan tahay inay Afrika iyadu xalisato Arrimaheeda Gudaha. 

Qadaafi waxa uu sheegay in arrinta Soomaaliya aan la gayn doonin Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay sidaas darteedna ay Afrika iyadu xalisan doonto Arrimaheeda gudaha. Wuxuuna sheegay in Xal loo raadiyo meel Afrika ka baxsan ay sii murjin karto Xaaladda Soomaaliya. Isagoo hoosta ka xariiqay in Urur Gobaleedka Saaxil iyo Saxaraha uu gacan wax ku ool ah ku yeelan doono soo afjaridda Colaadaha ka jira Dalalka Ivory Coast. Sudan. Iyo Somalia. 

Madaxwaynaha Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, C/qaasim Salaad Xasan ayaa isna shirkaasi ka jeediyay Khudbad kulul oo uu ku canaantay Dalalka Somalia saaxiibka la ah inay ka gaabiyeen Xal u helidda Dhibaatadda Soomaaliya. Wuxuuna eedayn kulul u jeediyay Dawlada Ethiopia oo uu sheegay inay tahay Caqabadaha ugu wayn ee hortaagan Nabada Somalia. 

20 ka dal ee ku jira Urur Gobaleedka Saaxil iyo Saxaraha ayaa ballan qaaday inay ku biiri doonaan Dadaaladda lagu heshiisiinayo Kooxaha Soomaalida. Waxayna sheegeen inay Wakiilo u dirsan doonaan Shirka Kenya. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 


Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD