Mushkiladda Maandooriyeha
Faisal Issa Suleiman
Maandooriyeyaashu waxay ka mid
yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee khatarta ku haya aadanaha.
Sida ku cad magaca “maandooriye” mukhaaradaarku waxay badalaan
fikirka iyo xaalada maskaxda isticmaalaha. Guud ahaan waa ka
mamnuuc wadamada caalamka haysashada, beerista, ka ganacsiga iyo
isticmalka maandooriyeyaasha .
Taariikh ahaan kumanyaal sano ka
hor ayaa la isticmaali jiray maandooriyaha , iyadoo wadamada
China iyo Bariga dhexe ay yihiin halka ay ka soo askuntay
isticmaaalka mukhaadaraadku , maandooriyaashu waxay u kala
baxaan noocyo kala duwan.
Kuwo laga farsameeyo :dhir la
qamiiriyey, la qalajiyey, la dubay, ama la budeeyey iyo kuwo ka
kooban daawooyin lagu xad gudbay oo la marin habaabiyey isticmaalkooda
(Drug abuse ) dhamaan noocyada maandooriyaha
ayaa ka siman badilida xaalada maskaxda iyo waxyeelo caafimaad
oo ay u keenaan dadka isticmaala.
Kuwa laga sameeyo dhirta waxaa ka
mid ah xashiishada iyo Marijuana oo marmar lagu sheego in ay
isku mid yihiin ,maadaama ay ka soo jeedaan geed isku mid ah oo
layiraado hamp oo magaceeda saynisku loo yaqaan cannibas
sativa.
Xashiishada oo ah mid ka mid ah
kuwa ugu caansan maandooriyaasha waxay leedahay xaalado
caafimaad daro oo ba’an , xashiishadu waxay weerartaa marka ay
gasho jirka hanaanka iyo hab socodka habdhiska dareen-wadka
jirka iyadoo saaxiibkeeda ka dhigta mid ku jira xaalad
khiyaaliya oo dhalanteeda .
Xashiishadu waxay ku keentaa ruuxa
isticmaala inuu ku dawakho oo ku dayoobo nolosha ku gudaaman,
iyadoo qofka maqashiisa oo tusta waxaan jirin isla mar
ahaantaasna muusiga iyo jabaqda uga dhigta wax la taaban karo oo
(xisi) ah .Xashiishada oo 5-8 jeer ka saamayn badan
maandoodirayaha isku geedka laga sameeyo ayaa aakhirka sababta
nooca waalida maskaxda ee loo yaqaan paranoid ; oo u dhaw waxa
waayahan danbe loogu yeero (buufiska) oo ah dhimanaansho
maskaxeed oo bukaanka uu haleelo u muujiya cadaw cayrsanaya oo
aan cidna la arkayn .
Marijuana oo ah daroogo laga
sameeyo ubaxyda iyo caleemaha la qalijiyey ee geedka loo yaqaan
hemp ( canibas sativa ) ayaa loogu yeeraa naanayso fara badan
oo ay ka mid yihiin xashiish, grass, pot iyo weed . Marijuana
waxaa kumaansano B.C ka hor loo isticmaali jiray sarkhaanimo iyo
daawo ahaan .
Marijuana oo haatan loo isticmmalo
mandooriye kaliya waxay badashaa xaalada maskaxeed ee
isticmaalaha iyadoo raadxun oo muuqda ku yeelata habsami u
socodka hawl fulinta maskaxda mudada dhow iyo tan dheerba.
Marijuana oo ka kooban in ka badan
400 Chemicals marka la qiiqiyo waxay soo saartaa in kor u
dhaafayso 2000 Chemicals kuwaas oo jirka aadanaha kasoo gala
sanbabada ka hor inta aysan u dhaadhicin dhiigga iyo maskaxda ,
Waxyeelada walxaha kiimikaad ee
marijuana oo loo kala saaro raadaynta dhaw iyo tan-dheer ayaa
labaduba halis ba’an u keena isticmaalaha ,inyar uun kadib marka
uu ruuxu isticmaalo marijuana ayaa laga dareemaa isbadalo jireed
iyo maskaxeed sida xaalad hurdo iyo wahan isku ladhan oo qofka
la huwiyo taasi oo waqtiga qofka ka dhigta mid aayar u socda oo
ay wehiliso dareemo baqdin iyo argagax leh. Astaamaha ugu horeya
ee markiiba ka daahira qofka quuta daroogada caynkan ah waxaa
ka mid ah: indhaha oo casaada wadna garaac iyo agaasinka isku
dheelitirnaanka iyo isxukunka qofka oo meesha ka baxda taas oo
khatar ku keeni karta ka shaqaynta hawlaha matoorada qalabka
korantada iyo jikooyinka.
Daraasado cilmibaaris ah oo lagu
sameeyay dad isticmaalay daroogada marijuana mudo dhawr bilood
ah maalin kasta ayaa muujiyey in ay la soo daristay caafimaad
daro halis ah oo mudada dheer ah oo ay ka mid ahaayeen
burunkiito, qufac, xabad xanuun, ragga oo ay ku yarayso biyaha
ama shahwada Iyo hormone ka taranka labka la xiriira ee
testosterone.
Dumarka ayay ku keentay hoos u
dhac ku yimaada isku dheeli tirnaanta hab-socodka caadada. Sida
ay muujisay daraasadani marijuana waxay dhalinyarada ka qaadaa
xiisaha ay u qabaan xubnaha qoyska , bulshada iyo hawlo
maalmeedkooda. Dadka isticmaala daroogada oo intooda badan
bilaaba ilaa 18jirka ayaa waxaa ku kalifa iskuday iyo ka
wardoonid xiligaas oo ah waqtiga ay qofka masaxdiisu
qaabaysmayso oo doorto aragtida iyo dhaqanka uu ka qaadan lahaa
nolosha ku xeeran .
Dadka ay saaxiibadood isticmaalaan
marijuana ayay u dhawdahay in ay iyaguna tijaabiyaan. Daraasad
2001 ay soo saartay hay’ada maraykanka la yiraahdo “National
Household “ ayaa lagu sheegay in 83 million oo maraykanka ah oo
tirada dadweynaha maraykanka ka noqonaya qiyaastii 37% ay ugu
yaraan mar tijaabeyey mandooriyaha marijuana.
Sida uu sheegayo qoraaga
maraykanka ah Robert L . Dupont oo wax ka qora arimaha bulshada
iyo sameynta maandooriyaha " in kastoo dadka isticmaala
daroogada Marijuana iyo xashiishada ay ku doodaan in ay kor u
qaado kartida firfircoonida iyo awooda maskaxda hadana saynis
yahanadu wali ma aysan helin daliil cilmi ku dhisan oo
taageeraya fikradaasi".
Si kastaba ha ahaatee qaar badan
oo ka mid ah isticmaalayaasha marijuana waxaa ku adkaata iska
deynteeda iyadoo sababta qayb ahaan loo aanaynayo iyagoo
markoodii hore ku talax tagay isticmaalka maandooriyaha.
Khamriga
Acoholka ama khamriga oo laga
sameeyo midho la qamiiriyey ama si kale loo sanceeyey waxaa
kumanyaal sano ka kor B.C laga isticmaali jiray dhulalka haatan
loo yaqaan Ciraaq, Masar, iyo China .
Isticmaalka Alcoholka oo
heerkiisii ugu saraysay ka gaaray Europe 1300-1400 AD ayaa
asalkiisii kasoo galay qaarada Europe dhinaca jasiirada
carabta.
Dadyowgii ugu horeeyey ee
isticmaala khamriga ayaa u adeegsan jiray siyaabo badan oo ay ka
mid tahay iyagoo ku dari jiray cunada si ay uga ilaaliso
qudhmida iyo baariyida.
Joogteynta cabida khamriga ayaa
nooca ugu khatarsan loogu yeeraa “Dipsomania” oo ah erayo Giriig
ah oo macnahodu yahay “waalida haraadan” waxyeelada maskaxda ee
khamriga ayaa ah mid aad caan u ah oo la dareemi karo ,
alcoholku wuxuu dhalanrogaa xaalada isku dheelitiranta miisaanka
sarkhaanka iyadoo maqashiisa ama tusto waxaan jirin oo aysan
dadka caadiga ahi arki Karin. Isticmaalka khamriga uxuu qofka ka
dhigta mid ku dayacma nolosha kana dhexbaxa bulshada
islamarkaana tahli waaya nadaafada jirka huga iyo degaankiisa.
Ka sokow waxyeelada maskaxda ee
guud waxay kaloo khamridu keentaa cuduro ay ka mid yihiin
Korsakov psychosis iyo Cirrhosis. Psychosis waa cudur ku bilowda
wareer iyo qofka oo dareema maqal iyo aragti gaar ah kadibna
isku roga ugu danbaystii qalal iyo waali maskaxeed ba’an.
Cudurka Cirrohsis ee laga qaado
isticmaalka khamriga ayaa xaniba halbawlayaasha dhiiga isagoo
weerar ku qaada nudaha beerka oo kalifta in uu beerka shaqo gabo
taas oo sababta dhimasho degdeg ah.
Drug Abuse
Maandooriyayaasha ka kooban
daawooyinka lagu xadgudbo oo ay ugu caansan yihiin Cokiene ,
Herione , Morphine iyo opium . ayaa loo qaataa siyaabo kala
duwan sida, liqida, san ka nuugida iyo cirbadaha la iska duro
oo daroogada la raacsiyo .
Maandooriyaashani waxay dhinaca
waxyeelada caafimaad la wadaagaan kuwa kala, balse waxay kaga
duwan yihiin iyagoo jirka ku jira mudo dheer. Noocyadan
mukhaadaraadka ahi waxay caan ku yihiin waxyeelada ay u geystaan
maskaxda iyo wadnaha .
Sida uu sheegeyo professor Glen
Hanso oo madaxka ahaa daraasad lagu baarayey waxyeelada
daawooyinka lagu xadgudbo oo lagu qabtay wadanka U.S.A,
isticmaalka daawooyinkan waxay keenaan is badal ku yimaada dabeecada,dhaawac
gaara sanbabada, xasuusta dhaw oo ay digada ka dhigaan, iyo
habdhiska difaaca jirka oo ay hoos u dhigaan. Isku darka
kiniiniyada hurdada qaarkood iyo Herione ayaa badanaaba sababta
coma iyo dhimasho lama filaan ah .
DRUGS and HIV/AIDS
Sida ay cadeeyeen khubarada
caafimaadka waxaa jira xiriir toosa oo ka dhexeeya
maandooriyayaasha iyo HIV/AIDS, dadka isticmaala
maandooriyaasha ayaa wadaaga cirbadaha la isku duro ee lagu
qaato mukhaadaraadka, taasi oo si sahlan u gudbisaa HIV/AIDS .
sida ay muujisay cilmi barista
sahanka machadka (National Institute of Drug Abuse ) ee U.S.A
dad lagu qiyaasay 2-3 million ayaa qaaday HIV/AIDS ka dib markii
iyagoo daroogeysan ay cirbado la wadaageen dad qaba HIV/AIDS.
Xiriirka kale ee ka dhexeeya
daroogada iyo HIV/AIDS ayaa ah qofka daroogaysan oo ku
lugyeesho ama si fudud ugu dhaca galmo aan hore loo sii qorshayn
oo aan la isticmaalin wax difaace ah. Iyadoo daroogadu qofka ka
qaado cabsida uu ka qabay cudurada galmada ku faafa ee STD.
Social Aspects of Drug
Abuse
Maandooriyayaashu waxay sababaan
dhibaatooyin bulsheed ba’an iyagoo dadka isticmaalka ka jara
xiisaha ay u qabaan bulshada, shaqada, waxbarashada, iyo
cibaadada.
Maandooriyayaasha waxay qaadaan
xishoodka iyagoo horseeda faldanbiyeedyo cawaaqib xun, sida
tuugo, dhac, dil, dhilaysi iyo isdilid. Dadka isticmaala
daroogooyinka ayaa aakhiritaanka ku danbeeya xabsi ama geeri
lama filaan ah.
Sings of Drug Abusers
(calaamadaha)
Astaamaha lagu garto dadka qaata
daroogada waxaa ka mid ah isbadal degdeg ah oo ku yimaada
dhaqanka iyo dabeecada qofka, hadalka oo aad u bata ama yaraada
, dadka bilaaba maandooriyayaasha ayaa aad ugu daaha saacadihii
ay horay u imaan jireen guriga, shaqada iyo waxbarashada (schoolka)
iyagoo marmarka qaarkood aan in badan xaadirin schoolka iyo
maheradaha,
Qofka ku cusub daroogada waxaa
laga dareemaa hoos u dhac aan horay loogu aqoon oo kaga yimaada
schoolka iyo shaqada. Si kastaba ha ahaatee marmar way adag
tahay in lagarto dhalinyarada isticmaasha xashiishada iyo
marijuana oo xataa waalidka la nool ayay ku adkaataa inay horay
u dareemaan.
Daaweynta Daroogada
Ilaa iyo hada ma jiro hanaan la
isku raacsan yahay oo lagu daaweyn karo dadka la-qabsada
isticmaalka maandooriyaasha ee ka hara nolosha caadiga ah .
Sikastaba
ha ahaate, qaar ka mid ah dhaqaatiirta ayaa dadka u go’ay
daroogada herione iyo kuwa la midka ah siiya daawada la
yiraahdo Methodone oo ka caawisa sidii ay uga soo kaban
lahaayeen saameynta mukhaadaraadka waxayse waxtartaa oo
kaliya bukaanada la yimaada iskaashi buuxa iyo xilkasnimo
dhab ah.
Faisal Issa Suleiman