C/Waaxid C/hi Khaliif
Minneapolis/St Paul, MN, USA.
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Carabta waxaan ku biirnay 1974, Cartana 2000 laakiin dad baa 2004 Carab iyo
Carta hal mar ku wada biiray.
Haddii ay Waaberi caashaqa ku dareen cudurada aan la dabar goyn waxaan idiin
hubaa inuusan caashaqaasi ahayn kan dhex mara ragga iyo dumarka Soomaaliyeed
maxaa yeelay imisa Soomaaliyaa caashaq u dhimatay? Cilmi Boodhari koow?
Haddaad u badato waxaad sheegi kartaa sheekooyin kale sida tii Cali-Maax iyo
Cawrala. Imisaa kursi u dhimatay? Waa badanyihiin. Imisaa hadda u il-daran?
Iyaguna badan. Qabyaalad? Tiro beel. Marka halkaas waxaan ka ogaannay inuu
caashaqa, cudurada lagu daray ahaa kan kursiga. Haddaad i rumaysan weydo
fiiri Eldoret & Mbagathi. Haddii Soomaalidu caashaq taqaan kumaan-kun
“single mothers” ah London iyo Minneapolis laguma arkeen. Anigu caashaq
digaagga caashaqa kuma daro. Dumarka raggoodii la dilay ama dhinteen ama
daruuf kale uga maqanyihiin waa gooni oo cududaar bay haystaan.
Waxaan xasuustaa 2001 in dad badan ooy ku jiraan hogaamiye-dhaqameedyo,
siyaasiyiin iyo saraakiil badan lagu caayi jiray waa “Carta”! Kaliya waxay
tageen Jabuuti. Haddaad miyi joogi jirtay ama aad kawaante tahay waxaad
taqaan “lafta feeraha la yiraahdo inay dhinacna hilib ku leedahay dhinacna
qalalantahay. Haddaad rabto inaad laftaas wanaag ku xusto waxaad dadka
tusinaysaa dhinaca hilibka leh haddaad caayeysana dhinaca qalalan”.
Maahmaahdan Soomaalida kaliya ma isticmaalaan ee waxaa jirta inay reer Banuu
Israa’iil isticmaali jireen. Waxaa dhacday markuu muslimay C/hi Binu Salaam
(RC) oo Yuhuud ahaa in uu Nabiga (SCW) ku yiri Nabi Alloow anaa dadkeyga
aqaane hadda imay oga inaan muslimee bal weydii waxaan ka mudnahay
dabadeedna wuu is qariyey. Nabigu (SCW) markuu Yuhuuddii weydiiyey halka uu
C/hi ka joogo waxay dhaheen C/hi waa nin sharaf leh oo caalim ah,
aabbihiisna sidoo kaluu ahaa. Markay saas dhaheen ayaa hadalkii oo qoyan,
C/hi (RC) meeshii ka soo baxay oo yiri Yuhuuday i maqla, anigu waan muslimay.
Isla markii bay dhaheen C/hi waa ninka noogu xun, aabbihiisna sidoo kaluu
ahaa! Ma durbadiiba?
Wax badan baan maqalnay heshiis seddex-geesood ah iyadoo laga wado Ismaaciil
Cumar Geele, C/Qaasim iyo Riyaale. Hadda waxaa la leeyahay wuxuu noqday
afar-gees ilayn kornayl C/hi baa ku soo biiree.
Waxaan maqaal aan qoray 2002 ku xusay in la sheegay in qudbo-siro dhexmartay
C/hi & C/Qaasim. Wuxuu tuhunkaas meel sare gaaray 2003 markii la arkay
labadaas hogaamiye oo isku soo dhawaanaya oo wada kulmaya ilaa la yiri waxaa
la hayaa cajalad laga duubay labooda oo jagooyinkii Soomaaliya qaybsanaya.
Waxaan mar ku sheegay dagaal-oogayaasha inay wataan calaamad taban sida
(-1). Haddaad mid kale ku dartid waxaad helaysaa:
(-1) + (-1) = -2. Dad badan waxay fiirsadaan labada (2) iyagoon fiirin
calaamadda ay wadato. Haddaad rabtid waxaad dagaal-oogayaasha ku sheegi
kartaa xarriiqo barbarro ah. Xariiqaha barbaraha ahi isuma yimaadaan
inkastooy isku fool yihiin/isku jiho u socdaan (kursi).
“Asaagaa halkuu maro ayaa la maraa” marka dagaal-oogayaal badan oon Itoobiya
iyo Kenya dhaafin waa inay turubka is baandheeyaan ama Carab iyo Carta u
baqoolaan si ay ula soo shiraan. Marka nimaan Jabuuti tegin, jeebkiisana
shilin Carbeed gelin, ma soo jiidan karo jufadiisa iska daa siyaasiyiinta
jilib-culusta ahe.
C/Waaxid C/hi Khaliif
Minneapolis/St Paul, MN, USA
cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk | May 18, 2003
C/Lahi
Yusuf oo Kusoo Laabtay Bosaso
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com