May 18, 2004
Zinnada oo noqotay
cudurada layska dhaxlo midka ugu daran!!
Dr.Taqi Bashiir
taqibashiir@hotmail.com
Xamdi iyo mahadnaq waxay
usugnaatay Allaha awooda sare leh, naxaris iyo nabadgalyo ha,ahaato
suubanaheena muxamed(csw) aamiin aamiin
Ugu horeen intaan ugalin
dhaxalka iyo dhibaatada ziyanada waxaa xusid mudan in zinada lagu
xaarameeyey dhamaan kutubihiii lasoo dejiyey oo xukunkeeduna isku mid ahaa
rag iyo dumar, shabaab iyo shayb . Dhilaysiga(zinnada) jinsi ugaaraa
malahan waloow dadku sheeg sheegaan in 2da jinsi midkood kubadan yahay
sameenteeda, balse waxaa xadiis saxiixaa kusoo arooray in Alle (sw) ubuuray
100dareen(shahwo) 99 kamidaa dumarka ayaa lasiiyey halka sooharayna ragga
ayaa lasiiyey, silamidaa Alle(sw) wuxuu abuuray 100 xishood 99 kamidaa
dumarka ayaa lasiiyey halka sooharayna raguu ubaaqi noqday. Waxaa halkaa
culimada diinta kuxeel dheer kafityoodeen in dareenka dumarku kaxoog badan
yahay midka ragga haddii aan lagu kaalmeen laheen xishoodka ay halis alaah
lahaayeen dumarka shartooda!! Hadaba zinnadu waxay kamid tahay danbiga 2aad
ee Alle agtiisu ugu weyn marka laga reebo shirkiga, qatarteeda taasaa
udaliilaa.
Waxaa sidoo kale laga
weriyey imaamu shaafici(rc)ama zayid Ali abii daalib(rc)midkood in
ruuxii kuzineesta firaash qurux badan in isna gabartiisa, naagtiisa,
walaashiis, ama hooyadiis looga zineesan darbi cidlaa xumaanta ay leedahay
awgeed marka ruux kastaa waxaa lagudboon inuu kafogaado zinnada waayo waa
deen layskaga guddo dunida guudkeeda. Ruuxii ummada nabad galshaa isna
ehelkiisa ayaa loonabad galshaa aduun iyo aaqiyo.
Qarnigan iyo kii tagayba
waxaa dunida kusoo batay cuduro aan la,aqoon daawadoooda iyo sababaha
dhaliyey, tusaale ahaan cudurka IDS-ka waxaa sababay dhilayziga(zinada).
Dhaqaatiir udhalatay dalka France ayaa sheegtay in cudurka IDS-ka oo
luqadooda lagu yiraahdo ZIDA in uu lamacnayahay Zinada oo diinta islamku
sheegtay dhibaatadeeda sidaa awgeed waxay dadkooda kubooriyeen in ruux
kastaa lamaanihiis ku,ekaato oo xadgudubka sharci darada lajoojiyo.
Dhibaatoyinka iyo
goobaha zinnadau kubadan tahay!!
Dhinaatooyinka ugu daran
ee laga dhexlo zinadda waxaa kamidaa ruuxa oo kasabkiisa yaraado, nuurka
wajiga iyo jirka oo daciifo, tabardari joogtaa, dabeecad qalafsan oo uu
dadweenaha kula dhaqmo, xishood darri iyo waxyaablo kaloo aad uxunxun.
Goobaha Zinada laga helo waxaa kamida shineemooyinka oo zinada laga barto
daawashada film-da waayo waxaa hubaalaa in TV-ga daawashadiisa 2 arimood
laga barto oo kala ah dhilaysi ama tuugeesi(xatooyi) 2daas arimood midkood
ayuu kusifeesan yahay qofka daawada film-da anshaxa daran, waayo fariistaas
ayeen dadka gaarsiiyaan film-da, waxaa kaloo zinada laga barta goobaha xun
xun sida meelaha loo qayilaad doonto oo waayadan danbe isku bedeshay in
hadii laan lacalaliyo lugna lajiido naruuro tahay, silamidaa goobaha
dhalinyaru kubadan tahay sida,jaamacadaha, dhugsiyada sar sare iyo college-yada
ayaa kuhadal heenta haasaawaha kubadan yahay halkaas oo shaydaanku wax
maleegi karo maadamao shabaab kubadan yahay goobahaas.
Sidee looga
hortagaa Zinnada?
Alle wuxuu raga armay
inay indhahooda ku,eegin dumarka, Dakar koodana xafidaan sidaa ayay aduun
iyo aaqiyo libaan kuhelayaan, silamidaa Alle wuxuu dumarka faray wuxuu
ragga faray iyo inaysan jirkooda muujin oo uu cawro yahay inta yaree laga
reebay maahee. Talaabadan waa habka kaliyaa ee zinanda looga hortagi karo.
Waxaa kaloo haboon waxyaalaha munkarka meeshuu kubadan yahay inaadan tagin
sida rubaayadaha, shineemooyinka IWM – Owoog xibinkastoo jirka kamidaa inay
zineesankarto balse coorada hoose ugu dara n tahay –macnaa dhagaha, indhaha,
gacmaha waa lagusameen karaa zinno danbina waa kaasoogarayaa.
Waxa aad iyo aad iigu
yaab badneed maraan nasiib uyeeshay meeluu qudabad kajeedinaayey baadari
France-siis oo kusugnaa dalka Djabouti inuu dadka kula dardarmaayey inay
zinada joojiyaan oo ruux kastaa ku,ekaato wuxuu heesto. Murtida soomalida
waxaa kamidaa hadaad aragto habar balaayaa waxay ahaan jirtay gabar balaayaa
–taasoo loola jeedo qofka qofka wuxuu caado kayeeshay rayanatiisa
waynaantiisana waa dabo socotaa--- hadaad dhilay ama dhilo ahaan jirtay
faracaaga waa kusooduxee ileen deen qabaad aheedee Ilaahoow magantaa!!
Soo layaab maahan in
ninna uusan jecleen in walashiis, hooyadiis ama gabartiisa laga dhileesto
misana isagu zineesan gabadha oo falkas xun kusameen nin ayaa dhalay,
lahdashay, dhashay ee ninkii doonaayo in owlaadiisa unabdgashoo iska
nabadgali-
Tolo waayo arag:-
Dadkoo waa danbaabaan
waxase uqeer badan kuwa intay danbi galaan ilaahooda soxasuusta oo danbi
dhaaf weediisto. Ruux marxuum ayaa iisheekeeyey wuxuu iisheegay inuu aad iyo
aad shaydaaku uga xoogbadtay oo uu kazineesan jiray dumarka ay kujirana
kuwooda xaslayaasha ruuxaas qudhiisu xaas iyo gabdho badan ayuu lahaa,
waligiis kumusan fikirinin dhibka uu raga kale ugeesan la,aargudi doono ilaa
uu kuwaano qaatay oo indhihiisu ku,arkay xaaskiisa oo nin kula jjiifo
sariirtiisa iyo gabadhisa oo darbi xun looga diin gudaayo –marka Alle
miyuusa cadaalad aheen oo xumaam in xuman lagu gudo nafarin marka taas waxaa
laga qaadan in ummada layska nabdgalso sinabad aad uheso,
NB:
marxumka isagaa afkiisa iiga qisooday inaan xantona ulamo jeedo ee waa wax
aan kucadeenaayo qoralkeega mana jecli in aan xuuk aduunka iiga danbeyo aan
ninkas magaciisa usheego , mahadnasidiin
Dr.Taqi Bashiir
taqibashiir@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk May 18, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|