SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - OGADEN

May 18, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ciidamada Itoobiya oo dil iyo dhibaatooyin kale u gaystay dad shacab ah.
  • Shir balaadhan oo ay qabatay jaaliyada jarmalka ee Ogaadeenya.
  • Maamul ku sheega Kililka oo ay ciidamada wayaanuhu la wareegayaan.
  • Itoobiya oo qiratay in ay ku fashilantay soo saaridii shidaalka Ogadeniya.
  • Askarta Itoobiyaanka ah oo ay baxsashadoodii aad u sii korodhay.
  • Ururka dhalin yarada Itoobiya oo canbaareeyay xukuumada Addis Ababa.
  • Iyo suugaan halgameed dareenkiina dhaqaajin doonta.

 Ciidamada Itoobiya oo dil iyo dhibaatooyin kale u gaystay dad shacab ah.   

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa 09.05.2004 meel aan sidaas uga fogayn magaalada Wiji-Waaji ku dilay nin    shacab ah oo lagu magacaabi jiray Muxumed Xaashi.

Ninkan oo ahaa dadka xoola-dhaqatada ah ee deegaankaas ku nool,ayaa waxaa si ula kac ah u dilay ciidamo Itoobiyaan ah oo tuulada bananka uga baxay.

 Qaar ka mid ah shacabka Tuulada oo dilka ninkaas noo xaqiijiyay, ayaa aaminsan in ciidamada Itoobiya ay kuba shiish bartaan dadka shacabka ah ee ay meel cidla ah ka helaan, maadaama ayna jirin wax sharci ama ciqaab ah oo ay ka baqayaan. 

Dhinaca kalana Waxay ciidamada cadowga Itoobiya jidhdil iyo faraxumayn ugu gaysteen meesha layidhaahdo Hiinsaraar oo katirsan degmada Sagag ee gobolka nogbeed, gabadh magaceeda layidhaahdo  Saynab Ibraahim yuusuf  iyo aabaheed Ibraahin yuusuf.

Falkan waxashnimo ee ay ciidamada taliska Adis Ababa ku dhaqaaqeen ayaa ah mid ay baryahan danbaba caadeesteen dadkuna ay ku tilmaameen mid nacab nimo oo aan abid la arag. 

Wariyaha Radiyo Xoriyo uga soo warama magaalada Dhagax-madaw ayaa soo sheegay 16/05/04 in xabsiga loo taxaabay dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay 25 Ruux. Dadkas oo isugu jiray ganacsato, suuq joog iyo dad miyiga ka soo dhaadhacay, ayayna ciidamada Itoobiya sheegin wax sabab ah oo ay xabsiyada u dhigeen, hasa yeeshee wariyaha Radio Xoriya oo la kulmay qaar ka mid ah wax-garadka dagmadaas, ayay u sheegeen in dadkaas loo haysto si dhaaqaale looga helo oo loo ganaaxo.

Dulmanayaasha  xabsiga loo taxaabay waxaa magacyadooda nalooga xaqiijiyay kuwan soo socda.  

  • 1- Xasan  Shariif Badal shariif cabdulaahi

  • 2- Cumar Daaloote

  • 3- Xuseen Sheekh Sagal

  • 4- Idiris Cabdi

  • 5- Maxamed Xayi A/Nuur

  • 6- Axmed Taajir Xuseen Cali

  • 7- Shugri Bashiir aw Cabdi

  • 8- Maxamed Bashiir aw Cabdi

  • 9- Maxamuud Maxamed

  • 10- Nasri cabdi Sheekh Xuseen

  • 11- Nimco Shariif Cabdi

  • 12- Ardo Cabdulahi

  • 13- Nimco C/wahaab aw Macallin

  • 14- Xaddi Sayid Yuusuf

iyo weliba kuwa kale  oo aanaan magacyadooda oo buuxa haynin.  

Shir balaadhan oo ay qabatay jaaliyada jarmalka ee Ogaadeenya. 

Shir ballaadhan oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa 15.05.2004 ka dhacay magaalada Ludwigsburga ee wadanak Jarmalka. Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Ogaadeenya ee wadanka Jarmalka ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Oagaadeenya ee ku nool wadanka Jarmalka.  

Shirkan oo ahaa shir Labadii sanaba mar la qabto laguna doorto maamulka Jaaliyada, isla markaana lagu qiimeeyo wax qabadkii labadii sano ee lasoo dhaafay, laguna jaan gooyo wax qabadka Labada sano ee soo socda, ayaa waxaa ka soo qayb galay masuulliyiin sare oo ka socday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya. 

Shirkaas oo markii u horaysay lagu furay hadalo diini iyo wacyigalin isugu jira, ayaa waxaa warbixin balaadhan oo geedi socodka halkanka ka soo jeediyay Gudoomiyaha hogaanka dhaqaalaha Mudane Saaluxudiin C/raxmaan Macaw. Mudane Macaw waxuu si qoto dheer uga waramay xaalada uu shacabka Ogaadenya ku sugan yahay iyo sida uu wacyigoodu yahay, taas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dhinaca xoriyada u dhaqaaqay, waxuu kaloo aad ugu dheeraaday siyaasada Itoobiya ee ku wajahan Ogaadeenya iyo Soomaaliyaba, isagoo ku tilmaamay mid aad khatar u ah oo ay cadawnimo aadaminimada ka baxsan ku jirto. 

Halkaas waxaa isaguna hadalo dadka kaga ilmeeysiiyay ka soo jeediyay xubin dhawaan gudaha Ogaadeenya ka soo laabtay, xubinkaas ayaa dadkii halkaas joogay u sheegay in shacabka Ogaadeenya uu ku midaysanyahay sidii ay u gaadhi lahaayeen himiladooda xorriyo. Inkasta oo uu gumaysiga Itoobiya cadaadis xoogle ku hayo shacabka Ogaadeenya, hadana xaqa qori caaradii iyo cadaadis ma dabooli karo ayuu yidhi xubinkaas oo soo gudbinayay dareenka shacabka Ogaadeenya ee gudaha ku sugan. 

Gagaba gabadii shirka ayaa waxaa hadalo waano, wacyigalin iyo tusaaleenba isugu jira ka soo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Jarmalka Mudane C/qaadir C/hi Gamadiid oo mar labaad xilkaas loo doortay. Gudoomiyuhu mar uu ka hadlayay halganka loogu jiro xoriyada Ogaadeenya ayuu sheegay in aan hawlyaraan iyo Riyo toona lagu heleynin Xoriyad lagu damaashaado, waxuuna sheegay in ay lagama maarmaan tahay in waxbadan oo lajecel yahay la waayo si loo gaadho xoriyada uu shacabka Ogaadeenya u ooman yahay. 

Maamulka ku sheega Kililka oo ay ciidamada wayaanuhu la wareegayaan. 

Wariyaha wakaalada wararka Ogadeniya u jooga magaalda Jigjiga ayaa sheegaya in maamulkii maqaar-saarka ahaa ee Kililka, oo si toos ah iyo si dadbanba ay u maamuli jireen ciidamada TPLF, ay hadda si cad ula wareegi doonaan. 

Go’aan uu soo saaray Baarlamaanka gumaysiga Itoobiya ayaa u sharciyeeyay in ay ciidamada wayaanuhu si toos ah ula wareegaan maamulka Jigjiga. Wuxuu  Baarlaamanku  maramarsiiyo ka dhigatay in maamul ku sheegu nabada Ogadeniya  waxba ka qaban kari waayey islamarkaana uu khilaaf joogto ahi ka dhex taaganyahay maamul ku sheegaasi. 

Halganka hubaysan ee gobonimo doonka ah iyo kan siyaasdeed ee ay JWXO ka wado Ogadeniya, ayaa ah midka kaliya ee fashilyay siyaasada xooga ku dhisan ee TPLFtu la damacsanayd in ay Ogadeniya ku muquuniso. 

Itoobiya oo qiratay in ay ku fashilantay soo saaridii shidaalka Ogadeniya. 

Wasiirka macdanta ee gumaysiga Itoobiya ayaa qiray in ay dawlada Itoobiya ku fashilantay soo saaridii shidaalka Ogadeniya ee laga helay Jeexdin, Ellale iyo lamashilindi, kadib markii ay dawlada Itoobiya heshiis lagashay 25 shirkadood in ka badan 10kii sano ee ugu danbeeyay.  

  Itoobiya ayaa aduun-waynaha kaga uruursata dhaqaale aad u badan si ay u soo saarto shidaalka Ogaadeenya, kaas oo ilaa manta u suuro galiwaayay in ay ku guulaysato. Halganka hubaysan ee ay JWXO ka wado Ogadeniya iyo iska indhatirka shacabka deegaankaas ayaa caqabad ay mari waayeen ku noqday shirkadihii ay Itoobiya heshiiska sharci darada ah la gashay.  

Askarta Itoobiyaanka ah oo ay baxsashadoodii aad u sii korodhay.  

Wasaarada warfaafinta ee  dawlada Eritrea ayaa cadaysay in 15 May 2004, 4askari ka soo baxsadeen xukuumada Addis Ababa.  

Askartan soo baxsatay ayaa sheegay in ay ciidamamo aad u tiro badani si isdaba joog ah uga soo goostaan Itoobiya, kuwaas bilihii ugu danbeeyay ay wadanka Eritrea isu soo dhiibeen askar ka badan 100 askari oo ay ku jiraan 3 sargaal oo sare iyo sadex hogaaamiye diineed iyo laba wariye, kuwaas oo diidan hab dhaqanka maamulka Meles Zenawi. Afartan askari ee baxasatay ee ugu danbaysay ayaa waxay kala yihiin.  

  • 1. Abaje Kabadhe, oo ah qoomiyada Oromada

  • 2. Tujuba Emiru Habisa oo isna ah qoomiyada Oromoda

  • 3. Alamayahu Belay Admasu oo ah qoomiyada Axmaarada

  • 4. Tekleberhan Woldheruffael Woldhselass oo ah qoomoyada Tigreega

Ururka dhalin yarada Itoobiya oo canbaareeyay xukuumada Addis Ababa.  

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Washington ayaa sheegaya in uu ururka dhalinyarada ee Itoobiya canbaareeyay xukuumada Addis Ababa . 

Ururkan dhalinyarada Itoobiya ayaa waxa uu canbaaraytan ka soo jeediyay shir aad u ballaadhan oo ay ku qabteen magaalada Washington ee carriga maraykanka, halkaas oo ay kaga warbixiyeen dhibaatooyinka ay nabad sugida wayaanuhu ku hayso dhalinyarada Itoobiya iyo guud ahaan dadyowga rayidka ah. 

Waxa uu ururkan dhalinyaradu ka codsaday xukuumada uu madaxda ka yahay Meles Zenawi in ay si deg deg ah u joojiyaan falalka xun-xun ee ay kula dhaqmaan ardayda Jaamacadaha iyo dugsiyada sare, islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan maxkamad loo hor keeno ciidamadii dilalka iyo dhaawacyadaba u gaystay ardaydii dugsiyada ka cararay. 

 18.05.2004

C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida warkaan waxaa leh radi Xoriyo.
Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD