May 17, 2004
AABBAHA
SIGAARKA CABBA OO SABABI KARA IN XAASKIISA ILMUHU KA SOO DHACO
Ismail A. Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com
Tan iyo muddo hore ayaa waxaa la ogaa dhibaatada caafimaad ee uu
sigaarku u leeyahay dadka caadaysta cabiddiisa taasoo sababtay in guud
ahaanba la qaaddo olole wacyi gelin ah oo dadka looga digayo halista ay
leedahay sigaar cabbistu..
Cabbista sigaaarka ayaa la sheegaa inay sababto dhimashada dad aad u
tiro badan sannad walba. Tusaale ahaan wadanka maraykanka waxa uu
sigaarku naftooda galaaftaa sannad walba in ku dhaw 430,000 oo qof
taasoo sigaarka ka dhigaysa ka sababa dhimashada ugu badan marka la
barbar dhigo Aids, shilalka gawaarida, falalka dilka(homicides),
isdilka(suicides), daroogada iyo shilalka dabka oo la isku wada daray.
Sigaarku waxa uu yareeyaa inta uu qofku noolaan karo(life expectancy)
qiyaastii 15 ilaa 25 sanno, waana waxa keliya ee si dhib yar looga hor
tegi karo ee dhimasho sababa.
Baaritaan ayaa caddeeyay in raga sigaarka cabba 42% oo keliyi ay gaaraan
da'da 73 sanno jir halka ay ka tahay kuw aan sigaarka cabin 78%.
Daaweynta cudurada sigaarka la xiriira ayaa la sheegaa inay kaga baxdo
wadanka Marayakanka 130 bilyan oo dollar sannakiiba.
Qiiqu waa waxa ugu khatarsan ee uu sigaarku ka koobanyahay waxaana ku
jira isku dhisyada naytarajiin ogsaydh iyo kaarboon monogsaydh oo ah
neefo dhib keena.
Tar oo ah walax sigaarka ku jirta ayaa marka ay dadku sigaarka nuugaan
waxa ay gaadhaa sanbabada. Tar waxa ay ka kooban tahay 4,000 kimiko oo
qaarkood ay sababaan cudurka kansarka.
Dhibaatada tubaakadu kuma koobna marka la qiijiyo oo keliya ee marka
siyaalo kale loo isticmaalo lafteeda(Smokeless tobacco) ayaa waxaa ka
dhalan karta khatar dhinaca caafimaadka ah. Siyaabaha kele ee tubaakada
loo isticmaalo waxaa ka mid ah midda la calashado, ta budada ah iyo
midda sanka laga qaato dhammaaantoodna waa kuwo dhibaato ka dhalan karto.
Sida ay caddaysay xarunta kantaroolka iyo ka hor tagga cudurada ee
wadanka Maraykanku calalinta tubaakada ee 8 ilaa 10 jeer maalintii waxay
u dhigantaa adigoo cabba 30 ilaa 40 xabbo oo sigaar ah maalintii,
waxaanay kordhisaa khatarta aad ugu jirto inuu kugu dhaco kansarka afka,
cirid gubasha(gingivitis) iyo ilko beelka, dadka isticmaala badankooduna
waxay noqdaan kuwa aan joojin Karin oo ku walfo(addicted).
Guud ahaanba cabiista sigaarku waxay kordhisaa khatarta wadna xanuunka,
qalalka, cudurada sanbabka siiba kansarka sambabada ku dhaca iyo kuwo
kale oo badan.
Hadaba iyadoo aynaan qoraalkan ku soo koobi karain khatarta caafimmaad
ee ay leedahay sigaar cabistu ayaa dhammaan dhibaatooyinkaas aan soo
sheegnay yihiin kuwo si toos ah u saamaynaya dadka sigaarka cabba.
Baaris cilmiyeed ah tii ugu horeysay ee nooceeda oo kale ah ee la
sameeyo ayaa dhawaan xaqiijisay in haweenka ay raggoodu sigaarka
cabbaan ay halis u yihiin inuu ilmuhu ka soo qubto. Cilmi baaristan ayaa
lagu fiiriyay saamaynta uu aabbaha sigaarka cabbaa ku yeelan karo ilmaha
uurka loogu sido.
Baarayaashu waxay rumaysanyihiin in balwaddani laba siyoodba dhibaato
ugu keeni karto lammaanaha raba inay ubad kala helaan..
1.Waxay dhibaato u keeni kartaa manida ninka.
2.Waxay sababi kartaa in haweenayda sigaarka lagu ag cabbo(second hand
smoke) uu ilmuhu ka soo dhaci karo.
Khubaradani waxay ku talinayaan in lammaanaha is qaba ay labadooduba
sigaarka joojiyaan si ay kor ugu qaadaan fursadda ay ilmo ku dhali
karaan.
Xidhiidhka aabbaha sigaagka cabba iyo khatarta ilmo soo dhicista
haweenaydiisa ayaa soo shaac baxday markii ay baarayashu fiiriyeen
xaddiga ilmo soo qubashada ee haween dhawaan la guursaday oo rabay inay
uuraystaan.
Hadaba haweenka tijaabadan lagu sameeyay oo ahaa kuwo aan sigaar iyo
khamri midna cabin ayaa waxaa loo qaybiyay kooxo iyadoo sal laga
dhiganayo sida saygoodu ay sigaarka u kala badsadaan, waxaana xaalkooda
isha lagu hayay muddo hal sanno ah.
Waxaa haweenkan maalin walba laga qaadi jiray kaadi si ay baaritaan ugu
sameeyaan aqoonyahano ka tirsan Dugsiga Caafimaadka Guud ee Harvard
(Hardvard School of Public Health) ee wadanka Maraykanka iyo Jaamicadda
Caafimaadka ee Beijing ee dalka Shiinaha iyaga oo fiirinaya uuraysiga
xilligiisa hore.
HOOYOOYINKU
CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!!!!
Guji....
|
Haweenka iyo raga tijaabadan lagu sameeyay waxay ahaayeen kuwo isaga
mida dhinaca da'da, dhererka iyo culayska ku nool meelo degaan
wasakheeyayaashoodu (environmental pollutants) isku mid yahay.
Hadaba aabaha siyaaryacabka ah ayaa u muuqda inuu ku sameeyo farqi yar
fursadda uuraysiga haweenaydiisa.
89% haweenka ay raggoodu cabi jireen in ka badan 20 xabbo oo sigaar ah
maalintii ayaa waxaa u suurta gashay ugu yaraan inay hal mar uuraystaan
halka ay ka noqotay 91% haweenka raggoodu caabbo tiro ka yar 20 xabbo
maalintii ama ka caagan gebi ahaan cabista sigaarka.
Si kastabaha ahaatee hooyooyinka ay nimankoodu sigaar cabista ku
ba'anyihiin waxay halis ugu jiraan in ilmuhu ka soo dhaco marka loo
fiiriyo kuwa saygoodu aanu cabin sigaarka.
In ku dhaw 1/3 haweenka nimankoodu cabbaan in ka badan 20 xabbo oo
sigaar ah maalintii ayaa waxay ilmahooda aan dhalan waayaan oo uu ka soo
dhacaa 6 toddobaad ama in ka yar ka dib waqtigii ay uurka qaadeen halka
ay ka tahay 1/5 haweenka aanu raggoodu sigaarka cabbin.
Dr Scott Venners oo ka tirsan waaxda caafimaadka deegaanka ee Dusiga
Harvard ayaa wxuu yiri:- Waxaa noo baxday in haweenka nimankoodu
sigaarka ku daranyahay in ay kordhayso halista uu ilmuhu uga soo dhici
karo xilliga hore ee uuraysiga.
Waxa uu dattoorkaasi intaa ku daray in xogta ay ka heleen tijaabadani
sheegayso in cabbista sigaarka ee aabuhu sababayso ilmo soo dhicista
haweenka qaarkood taasoo dhanka kale uu ilmahaasi badbaadi lahaa ilaa uu
ka dhalanayo haddii aanu aabahaasi sigaarya cab ahayn.
Guud ahaanba ilmo qubashadu waxay ahayd mid joogto ah oo saraysa kooxaha
haweenka ay raggoodu sigaar cabista ku ba'anyihiin ayuu yiri
datoorkaasi.
Haween badan oo sigaarka dhuuqa ayaa isku daya inay ka xoroobaan
balwaddan ka dib marka ay uuraystaan maadaama ay jiraan caddaymo badan
oo sheegaya in sigaarku uu dhibaatayn karo ilmaha ay uurka ku sidaan
halka ay aabayaal badani qabaan in balwadddoodu aanay wax saamayn ah ku
yeelanayn ilmaha uurka loogu sido.
Hadaba cilmi baaristan cusub oo lagu daabacay dhawaan American Journal
of Epidemiology ayaa waxay si cad u soo bandhigaysaa sabab aabaha
laftiisa ku kalifaysa inuu ka waantoobo balwaddan.
Ugu dambaystii cabbista sigaarka oo lagu baraarugay khatarta ay leedahay
ayaa sababtay in wadamada horumay ay olole weyn ku qaadaan taasoo diiqad
gelisay sigaar ya cabka ka dib markii laga mamnuucay sigaarka goobo
badan siiba meelaha dadka ka dhaxeeya.
Waxaa la sheegaa in ay hoos u dhacday dadka sigaarka cabba ee wadamada
horumay taasoo sababtay in shirkadaha tubaakada ka ganacsadaa u
wareegaan suuqyada dunida saddexaad oo iyaga ay ku sii badanayso sigaar
cabbistu.
Ismail A. Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com