SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

May 16, 2004

WARARKA MAANTA : [Waxaa soo tebiyey: Ridwaan iyo Garyare]

  • UK: xaflad balaaran oo lagu xusay sanadguuradii 61aad ee SYL.

  • Itoobiya oo Afduubtay Odayaal caan ka ah Gobaladda Galgaduud iyo Hiiraan

  • Itoobiyaan Tahriibayaal ahoo Kusoo Batay Gobaladda Waqooyi Bari
  • Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay oo Hakiyey duulimaadyadii Koonfurta Soomaaliya
  • Odayaasha Dhaqanka Qarkood oo diidey Shirka Kenya
May 15: C/qqasim oo ka ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji

May 13: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji

MAY 12: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka... Guji..

MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DKMG  Xuseen Saalax  ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..

MAY 10: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Qaar ka mida Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya oo ku biiray dhinacyadda diidan ka qayb galka Shirka Soomaalida ee Nairobi. 

Qaar ka mida Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ayaa ku biiray dhinacyadda diidan ka qayb galka Shirka Soomaalida ee lagu baaqay inuu dib uga billawdo 20 bishan Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.

Ugaas C/laahi Ugaas Faarax oo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay inuusan tagayn Madasha Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay in Mawqifkiisa ay la qabaan inta badan Odayaasha Dhaqanka ee Soomaalida.

Ugaas C/laahi waxa uu sheegay inay xiriiro la sameeyeen Odayaasha Dhaqanka ee Punt Land. Hiiraan. Galgaduud. Shabeelooyinka. iyo Jubbooyinka isla markaana ay isla garteen inaysan

tagin Madasha Shirka Soomaalidu ka socdo ee Kenya illaa iyo inta ay Dawladda Dalkaasi ka noqonayso Go’aanka ay ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. Wuxuuna sheegay in Odayaasha Dhaqanku ay yihiin dad Xurmad leh. Sidaas darteedna aysan suuragal ahayn inay tagaan Dal aan Xurmad looga hayn.

Odayaasha Dhaqanka ayaa ku biiray dhinacyadda ka biyo diidsan ka qayb galka Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida oo lagu waddo in lagu dhawaaqo inuu rasmi ahaan u furmay 20 ka bishan. Iyadoo horayna Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar uu ugu dhawaaqayn inuusan tagayn Kenya inta ay Maamulayaasha Dalkaasi ka noqonayaan Go’aanka ay ku mamnuuceen Baasaboorka Soomaaliga.

Duulimaadyadii ay ku imaan jireen Diyaaradaha Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay Koonfurta Soomaaliya oo si ku meel gaar ah loo hakiyay

Duulimaadyadii ay ku imaan jireen Diyaaradaha Midowga Yurub iyo Qaramadda Midoobay Koonfurta Soomaaliya ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay kadib markii ay soo baxeen Tuhuno muujinaya inay halis ku soo fool leedahay.

Sarkaal ka tirsan Hawl Wadeenadda Midowga Yurub ee Koonfurta Soomaliya ayaa sheegay in Ammaanka deegaano badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya uu faraha ka baxay. Sidaas darteedna aysan suuragal ahayn in Midowga Yurub uu sii waddo Hawlihii uu ka hayay Koonfurta Soomaaliya inta ay wax iska badalayaan Ammaanka Deegaanadda Koonfurta Soomaaliya.

Hadal Qoraal ah oo isna laga soo saaray Xafiiska Duulimaadyadda u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee Fadhigiisu yahay Nairobi ayaa lagu sheegay in la hakiyay Duulimaadyadii ay Diyaaradaha Qaramadda Midoobay ku imaan jireen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Waxaana hadalkaasi Qoraalka ah lagu sheegay inay Qaramadda Midoobay ka walaacsan tahay Ammaanka Garoomadda Macmalka ah oo aan la isku halayn Karin.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay ka fiirsan doonto Isticmaalka Garoomadda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Waxayna Hay’addu sheegtay inay maanta ka arrinsanayaan Saraakiisha Ammaanka u qaabilsan sida ay suuragal u tahay inay Qaramadda Midoobay hawlaheeda ka sii waddo Koonfurta Soomaaliya.

Cabsidan dhinaca Ammaanka ah ayaa soo baxday kadib markii Garoon ku yaala Diinsoor oo ka tirsan Gobaladda Bay iyo Bakool laga helay Miino wax yar ka hor intii aysan garoonkaasi soo caga dhigin Diyaarad ay leedahay Qaramadda Midoobay. Waxaana sidoo kale iyaduna cabsi tan la mid ah ay ka soo baxday Garoonka Ceel Axmed ee Duleedka Marka oo isna sida la sheegay laga war helay Miinooyin ku aasan ka hor intii aysan soo caga dhigan Diyaarad ay Midowga Yurub leedahay. Iyadoo sidoo kalana Muqdisho ay ka socdaan Dagaalo sokeeye. Isla markaana uu hakad galay Hawlihii Hay’adaha Samafalku ay ka hayeen Muqdisho.

Tiradii ugu badnayd ee Tahriibayaal Ethiopian ah ayaa lagu arkay Gobaladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya kadib markii lacago looga soo qaatay in Doomo laga saari doono Deegaanadaasi.

Dad Tiradoodu kor u dhaafayso 900 oo qof oo Ethiopian ayaa lagu soo waramayaa inay toddobaadyadii la soo dhaafay ku dac daraysnaayeen Gobaladda Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxaana ay wararku sheegayaan in dadkaasi ay rag Muqalisiin ah lacago uga soo qaateen Burco dabeetana u sheegeen inay ka tahriibinayaan Xeebaha Laas- Qoray iyo Durduri.

Haweeneey wadata shan Caruur ah oo Ethiopian ah isla markaana ka mida dadkaasi oo haatan la keenay Boosaaso kadib markii ay gurmad u fidiyeen Shacabka Punt Land ayaa sheegtay in qofkiiba looga soo qaatay Burco 300 oo Birta Ethiopia ah. Isla markaana loo sheegay in loo Tahriibinayo Wadanka Yemen halkaasoo ay uga sii gudbi lahaayeen Boqortooyadda Sucuudiga oo inta badan ay Ethiopian-ku u shaqo doontaan.

Maamul Gobaleedka Punt Land ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida dadkan loo qiyaameeyay. Waxayna sheegeen in kooxihii dadkan lacagaha qaatay oo ku kacay sida ay sheegeen fal ka baxsan Bini’aadanimadda la horkeeni doono Sharciga. Iyagoo ballan qaaday inay Dadkan Ethiopian-ka u celin doonaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

Xeebaha Waqooyi Bari Somalia ayaa noqday Muddooyinkan goobo dayacan oo ay ka baxaan dadka doonaya inay sida sharci darada ah ku galaan Wadamadda ku dhirirsan Badda Cas ee ay Yemen ka mid tahay. Iyadoo dadaalo badan oo lagu doonayay in looga hortaggo Safaradan Sharci darada ahna ay guul daraysteen kadib markii uu Booliska gaabis ka noqday inuu dabagal joogta ah ku sameeyo Goobaha laga Tahriibo.

14 qof oo ay ku jiraan Odayaal caan ka ah Gobaladda Galgaduud iyo Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa inay Ciidamo Ethiopian ah ka afduubteen Degmadda Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Warkan oo soo baxay shalay ayaa waxaa si rasmiya u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud. Yuusuf Xasan Ciyoow oo sheegay inay Ciidamadda Ethiopia gudaha u soo galeen Gobaladda Galgaduud iyo Hiiraan. Waxa uuna sheegay inay shalay ka afduubteen Deegaanadaasi 14 qof oo 3 ka mida ay yihiin Odayaal Dhaqameed si wayn looga tixgaliyo Gobaladda Dhexe ee Somalia.

Ciidamadda Ethiopia ayeey warar dhex dhexaad ah oo aan ka helnay deegaanadaasi sheegayaan inay shalay soo galeen Deegaano ka tirsan Gobaladda Galgaduud iyo Hiiraan kadib markii deegaanadaasi lagu rasaaseeyay Gaari Ethiopia laga leeyahay oo ku sii Jeeday Gudaha Dalkaasi. Waxaana Rasaasayntaasi gaystay sida ay wararku sheegayaan Kooxo Burcad ah oo ka qawlaysta Deegaanadaasi.

Ciidamadda Ethiopia oo ku hubaysan Gawaaridda Dagaaladda ayaa waxay saldhigyo ka samaysteen Tuulooyinka Ceel liinle. Ciil Cadde. Dugule. Iyo Durunji oo ka wada Tirsan Degmadda Matabaan ee Gobalka Hiiraan. Waxaana lagu soo waramayaa inay bandow ku soo rogeen meelaha qaarkood Xilliyada Habeenkiiya.

Ethiopia ayaa tan iyo markii ay dhacday Dawladii Milatariga ee Somalia waxay si joogta ah u soo galaysay Xuduudaha Soomaaliya. Waxaana ay marar badan xir xirtay Dad Soomaali ah oo diiday inay u dhaga nuglaadaan Siyaasadaha ay Ethiopia ku faragalinayso Arrimaha Gudaha Somalia. Iyadoo sidoo kalana qaar ka mida Qabqablayaasha dagaalka ee Soomaaliya u fidisa Taageero Milatari si ay u sii wadaan Colaada Sokeeye.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com

Guulo Laga Gaarey Joojinta Dagaalka Beexaani

Axmed Siilaanyo oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Hargeysa

Ergada Soomaliyeed ee ku sugan Hotelka 680 Nairobi oo Qaarkood Banaanka loo Saara

<><><>

UK: xaflad balaaran oo lagu xusay sanadguuradii 61aad ee SYL.
 
Ridwaan Haji Abdiwali.
ridwanhaji@yahoo.com - London, Uk.
 
SYL

15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

  • C/qaadir Sakhaawadiin
  • Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
  • Sayid Xirsi Nuur
  • Maxamuud Cusmaan Baarbe
  • Daahir X Cusmaan Sharmaarke
  • Xaaji Muxumed Xuseen
  • Khaliif Hundow Macalim
  • Muxumed Faarax Hilowle
  • Muxumed Cabdulle Xayeesi
  • Cusmaan Geedi Raage
  • Dheere X Dheere
  • Muxamed Cali Nuur
  • Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban oo SYL ka akhri halkan

Waxaa xalay magaalada London ka dhacday xaflad balaaran oo lagu maamuusayay sanad guuradii 61aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay ururka gobonima doonka dhalinyarada soomaaliyeed ee SYL oo ay kasoo wareegtay 61 sano mudo iminka laga joogo.
 
Munaasabadaas oo ay soo abaabuleen qaar kamid ah Communityada Soomaaliyeed ee marka Lasoo gaabiyo loo yaqaano SOYAL waxaa kasoo qaybgalay mas'uuliyiin kala duwan oo isugu jira soomaali iyo ajaanib.
 
Ugu horayntii waxaa halkaasi hadal kasoo jeediyay Maxamuud Nuur Tarsan oo ku hadlayay magaca qabanqaabiyayaasha xafladaas oo sheegay in soomaalida ku nool dalkan ay waxyaabo badan kusoo kordhiyeen ingiriiska oo dhaqaalahu uu kamid yahay, waxaana tarsan uu si kulul u canbaareeyay warbixin dhowaan kanaalka TV BBC2 ay kusoo bandhigeen sawiro muujinaya soomaali qayilaysa oo aanay waxba ka oran wax qabadka soomaalida.
 
waxaa kaloo uu sheegay in loo baahanyahay in ubadka soomaaliyeed ee ku nool qurbaha si wanaagsan wax loo baro isla markaana jaaliyadaha soomaalidu ay si wada jir ah ugu kacaan xal loo helo soomaaliya. 
 
unaasabaasi waxaa isna ka hadlay xildhibaanka dawlada ingitiiska ee laga soo doorto islington mr Jeremy Corbyn oo kamid ahaa siyaasiyiinta ajaanibta ah ee munaasabadaasi kasoo qaybgalay.
 
waxaana mudanuhu uu xusay in maalintaas 15may uu la qaybsanayo soomaalida ku nool dalka uk soomaaliduna ay kamid yihiin dadyawga fir fir coon ee dalkan ku nool waxaana uu sheegay in uu ka shaqaynayo ka shaqaynta iyo hormarinta mujtamaca soomaalida.
 
Haji xirsi jaamac oo isaguna kamid ahaa odayaashii soomaaliyeed ee lasoo shaqeeyay leegada oo halkaasi ka hadlay ayaa si qota dheer waxaa uu uga hadlay waxqabdakii dhaliyardii SYL ee tiradoodu ay ahayd 13ka qof isla markaana muujiyay in wax laga danqado ay tahay xaslooni darida ka taagan soomaaliya maanta.
 
Waxaa munaasabadaasi iyadana kaalin buuxda ka qaadatay fanaanada soomaaliyeed ee faadumo qaasim hilowle oo soo bandhigtay heeso wadani ah oo dadwaynihii halkaasi joogay ay jeclaysteen.
Ridwaan Haji Abdiwali.

Dhageysiga Idaacada IQRA oo Hoos u Dhacay


Faafin: SomaliTalk Jan 16, 2003 

Guulo Laga Gaarey Joojinta Dagaalka Beexaani
.C/Qaasim oo Ka Ashtakoonaya Kenya iyo UAE
.Maalinta Dhalinyaradda oo lagu xusayo Muqdisho
.Hogaamiyayaal Somaaliyeed oo Ka cagajiidaya Shirka Kenya
Ka Akhri halkan... May 15

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD