Barnamujka caawa Radio
Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
-
Ciidamada cadawga
Itoobiya oo Baabuur laga gubay.
-
Shir sanadeedkii jaaliyada
Ogadeeniya ee Denmark oo ka dhacay Copenhagen caasimada Dalka
Denmark.
-
Suudaan oo ka cadhootay ciidammo
Itoobiyaan ah oo xadka ka soo gudbay.
-
Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay
magaalada Muqdisho.
-
Barnaamujkii aragtida halgamaaga oo
aan ku soo qaadan doono wax yaabo idin xiisa galiya iyo Suugaan
halgameed.
Ciidamada
cadawga Itoobiya oo Baabuur laga gubay.
Ciidamada wadaniga xoraynta Ogaadeenya
ayaa 8/5/04 Waxay agagaarka Degmada Wiji-waaji ku gubeen 1 Baabuur oo
ciidamada wayaanaha ee Itoobiya ay lahaayeen.
Baabuurkaas oo ay saaraayeen ciidan lagu
qiyaasay 35-40 Askari ayaa waxaa la sheegayaa in uusan hal askari ka
baxsan oo ay ku gubteen babuurkii ay saaraayeen.
Dagaalada ciidamada xaq u dirirka
xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada cadawga Itoobiya dhex mara oo intooda
badan u dhaca hab dhuumaalaysi ah ayaa ciidabada cadawga Itoobiya aad
loogu naafeeyaa lagagana gacan sareeyee goob walba oo laysku helo.
Dhinaca kalana 02.05.2004 waxaa la kala
diray maleeshiyada ay dadku u yaqaaneen Dabaqoodhiga ee Degmada Dh/buur,
kadib markay diideen in ay Baabuur kolanyo ah kexeeyaan. Ciidamada
Itoobiya ayaa xanibaad ku sameeya baabuurta shacabka si ay ugu meel
maraan ama ay u saartaan saadka ciidamadooda dagmooyinka kala jooga loo
gudbinayo, taasina waxay ka danbeeysay kadib markay dagaalada ay
ciidamada Jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeenya ku kala hakiyaan isu
socodka ciidamada Itoobiya ee gobolada iyo dagmooyinka Ogaadeenya.
Shir sanadeedkii jaaliyada Ogadeeniya ee
Denmark oo ka dhacay Copenhagen caasimada Dalka Denmark.
Maalintii
Sabtida ahayd kuna beegnayd 08-05-04 ayay jaaliyada Ogaadeeniya ee
Wadanka Denmark iskugu timid shir sanadeedkeedii caadada u ahaa ee
sanadkiiba mar la qaban jiray.
Shirkan oo ahaa mid si heer-sare ah loosoo
agaasimey ayna kasoo qayb galeen bulshada noocyadeeda kala duwan,ayaa
lagu lafa guray laguna jaangoynayey, waxqabadka jaaliyada sanadkii
tagay, sanadkan iyo sanadka soo socda, iyadoo halkaas lagu dooortay
gudi cusub oo badala gudigii hore.
Wufuuda kasoo qayb gashay shirkaas ayaa
isugu jiray kuwo kakala yimid gobolada wadanka Denmark, iyadoo halkaas
ay khudbado dhaxal gal ah kasoo kala jeediyeen, latilayaha madaxweynaha
JWXO Gen:Cabdullaahi Mukhtaar iyo madaxa hogaanka warfaafinta ee JWXO
mudane Cabdiqaadir Biixi Hirmoge(Caddaani), halka uu jaaliyada iyo
howlaheedana ku taag-taagsaday gudoomiyaha jaaliyada mudane
Cabdulaahi.
Shirka oo kusoo gaba-gaboobay jawi is
afgarad iyo rayn-rayn ayay madaxdii, shacabkii iyo gudiga cusubba isku
afgarteen inay sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin
halganka hubeysan ee lagu baadi-goobayo xornimada Ogaadeeniya.
Ugu dambayntiina waxaa fursad loosiiyey
Hoolkii uu shirku ka dhacayey inay ku damaashaadaan dumarka reer
ogaadeeniya ee wadankaas ku dhaqan ,iyagoo habeenkii oo dhan ku
jalabutaynayey dhaanto iyo ciyaaraha noocyadooda kala duwan.
Suudaan oo ka cadhootay ciidammada
Itoobiya oo xadka ka soo gudbay.
Dawlada Suudaan ayaa si wayn uga
cadhootay hawlgal ay ciidammada Itoobiya ka sameeyeen tuulooyin dhawr ah
oo ku yaalla gudaha dalka Suudaan oo aan aad uga fogayn xadka ay Suudaan
la wadaagto Itoobiya.
Ciidammada Itoobiya ayaa soo galay dalka
Suudaan, waxayna baadheen dhawr tuulo oo xadka ku dhaw, iyagoo sheegay
inay raadsanayaan kooxo xukuumadda Addis Ababa ka soo horjeeda.
Ciidammada Itoobiya ayaa xoog kagaga soo raray tuulooyinkii ay
degganaayeen dad reer suudaan ah, iyagoo weliba ugu hanjabay inay
guryaha ka gubayaan haddii ay ka guuri waayaan.
Xarunta Warbaahinta ee Suudaan ayaa
sheegtay in ciidammada Itoobiya ay soo galeen gobolka Fashaga oo ka
tirsan is-maamulka Gedaref, si ay halkaas uga ugadhasadaan xubno ka
tirsan mucaaradka ku kacsan xukuumadda Addis Ababa.
Maraykanka oo
Itoobiya ku canbaareeyay xadgudubka ay ku samayso xadka Eritereya.
Dowlada
Maraykanka ayaa xukuumadda Addis Ababa ku cambaareysay xadgudubka ay
ciidamada itoobiya ku xad-gudbaan dhulka ciidammada ka caagan ee u
dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya, arrintaas oo uu maraykanku ku tilmaamay
inay tahay daandaansi ay kaga xanaajinayso dawlada Eritereya.
Dalka Maraykanka, oo labada waddan ee
Itoobiya iyo Eritereyaba ka codsaday inay fuliyaan go’ aankii Qaramada
Midoobey ee soohdinta ku saabsanaa, wuxuu talaadadii ku dhawaaqay inuu
aad uga xun yahay in kooxo malleeshiyo ah oo Itoobiya ka amar qaata ay
ku xadgudbaan dhulka millatariga ka caaggan ee ciidammada Qaramada
Midobey ay ilaaliyaan ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya.
Waxaan ka rabnaa xukuumadda Itoobiya
inay ixtiraamto dhulka millatariga ka caaggan ee lagu caddeeyay
heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii labada dhinac u dhexeeyay,
sidaasina waxaa yidhi afhayeen u hadlay dawlada maraykanka.
14.05.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada
Afeef: Aragtida qoraalkanw axa aleh Radio
Xoriyo