SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA

May 13, 2004  

WARARKA DOORASHAAD HINDIYA

  • Muslimka Hindiya Oo Ku Farxay Doorashadda Xisbiga Congress Party
  • Taariikh-Nololeed:-Waa Tuma Raysal Wasaaraha Cusub Ee Hindiya Sonia Gandhi
Qore: abdiaziz Ahmed Mousa India  

Muslimka Hindiya Oo Ku Farxay Doorashadda Xisbiga Congress Party

Xisbiga  Qaranka hinduga  Ee Loo yaqaan BJP  Ayaa Daadka Lagu Daray Ka Dib Markii lagag Adkaaday  Si aan La Filayn Doorashaddii Guud ee bishii hore ka Bilaabantay Dalka Oo Dhan  ….Taas oo ka Yaabisay Dad Badan oo Filayey  In Bjp iyo Kooxaha Kale ee ay isbahaysiga La Yihiin…ay Ku  Guulaysan Doonan.

 Rayasal wasaaraha Dalka Hindiya  Atal bahair  Vajpyee  ayaa is Casilaadiisa Caawa 8 :00 Fiidnimo u Gudbin Doona   Madaxweynaha Dalka Hindiya  A.P.J Abdul-Kalam

 Xisbiga Congress Party  ayaa u  dabaal Dagaya Guusha  ay ka Gaadheen Doorashadda    Haweenaydda  Asalkeedu Talyaaniyadda Yahay Ee  uu qabay Raysal wasaarihii Hore ee India Rajiv Gandhi  oo Hogaaminaysa  Xisbiga Congress Party ayaa la Filayaa in ay  Badasho Raysal wasaaraha India Taas oo ka Dhigaysa  Dalweynaha India Qofkii Ugu Horeeyay Ee Ajaanib ah ee Dal aanu u Dhalan ka Hela Doorasho Noocas ah.

Muslimka Hindiya ayey Maanta U tahay Farxadd kolkii Laga Adkaaday Xisbiga Mitid-ka ah Ee  BJP iyo isbahaysigooga..Badi Muslimka Dalka Hindiya waxa ay Taageeran Xisbiga Congress party oo Aan Ahayn Xisbi Aan Diina U xaglin ..

 Xubnaha Caanka Ah ee Doorashadda Baarlamaanka ku Guulaystay ee Imika Soo Baxaya waxa ka Mida ..

 Actor-ka Caanka ah ee Govinda oo ka Adkaaday wasiirkii hore Ee Cadaaladda  Ram Naik oo Waqooyiga Bombay  ka Sharaxnaa  

La Soco wixii ka Soo Baxa  Doorashadda

<><><>

Taariikh-Nololeed:-Waa Tuma Raysal Wasaaraha Cusub Ee Hindiya Sonia Gandhi

In Huge Upset, Gandhi's Opposition Party Wins India Vote
New York Times -NEW DELHI, May 13 Prime Minister Atal Bihari Vajpayee will resign this evening after his ruling coalition suffered a resounding defeat in parliamentary elections, party officials said today.
Profile: Sonia Gandhi and India's Kennedys The Times, UK (subscription)
Sonia, CWC meet, and two party hqs Rediff

Sonia Nee Maino "Sonia Gandhi" waa Hogaamiyaha Xisbiga Congress Party Ee Dalweynaha Hindiya waxa ay ku Dhalatay Dalka Talyaaniga Meesha Loo yaqaan < Ovassanjo> oo 80 km u Jirta Turin Taariikhdu Markay ahayd Dec. 9, 1946.
Sonia waxa Ay ka Guursatay Qoyska Caanka ah ee Reer Nehru-Gandhi Sanadii 1968-kii Iyadoo Xilligaa Guursatay Raysal wasaarihii Hore Ee Hindiya Rajiv Gandhi oo xilligaa wax ka Baranaayey Jaamacadda Cambridge Ee Dalka Ingriiska
Sonia Gandhi waxa Ay Noqotay Qofkii Shanaad Ee ka Soo Jeeda Reer Nehru Gandhi ee Hogaamiya Xisbiga Da,da Weyn ee Congress-party kuwaas oo kala ahaa…Mr Motilal Nehru, Mr Jawaharlal Nehru,Mrs Indira Gandhi iyo Mr Rajiv Gandhi oo ahaa Ninkii qabay ee ay ka Dhaxashay Madaxtinimadda Soo Jireenka ah .

Shirweyne ka Dhacay Magaaladda Calcutta Sanadii 1997 ayuu Xisbiga Congress Party loogu Doortay Madaxweynaha iyadoo 52 Jir ah Sonia Gandhi waa Gabadh Talyaaniyadd ah oo ay ku kulmeen uun Raysal wasaarihii Hore Jaamacadda Cambridge halkaas oo la isku af gartay Ka Dibna la is Guursadday.

Sonia waxa Ay Haystaa Diinta Maseexiga .Christian-ka inkastoo uu qabay Nin Hindu ah waxa ay Dhashay laba qof oo kaliya oo la Kala Yidhaa Mr Rahul Gandhi iyo Gabadh la Yidhaa Mrs. Priyanka

Xisbiga Ka Soo Horjeeda Xisbigay Hogaamiso Ee La yidhaa Xisbiga Qaranka Hinduga Ayaa Mar kaste la Daba Taagnaa Dadweynaha Hindiya in aanay Dooran Qof ajaaniba Oo Gabadh ah kaas oo u horseedaya Waxba La,aan ayey Yidhaahdeen Kooxdaasi Xukunka Haysay ee BJP si kastaba ha Ahaatee Dadweynaha hindiya way Eegi Doonan Dawladda Ay Soo Dhisto kolka La Iskugu Yimaaddo Guriga Baarlamaanka Ee New Delhi oo lagu Dooran Doono Sida la filayo Mrs Sonia Gandhi.

La Soco Taariikhdda Raysal wasaaraha Xukunka Ka Dagaya oo Xirfadiisa Siyaasadeed ay ahayd Mid Ay wax ku qaadan karayaan Dadka Hogaanka Siyaasadeed Ee Afrika hayaa iyo kuwa Doonaya In ay Noqodaan Siyaasiyiin.

Abdiaziz Ahmed Mousa abdiaziz2@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |May 13, 2004 

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD