Waa maxay Furqaanka Xaqa ah?
[Waa buug cusub oo ka faalloonayo qorshe lugu badalyo Quraanka Kariimka
ah]
Isbadal lugu sameeyo manaahijta
dalalka Islaamka
Demoqraadiyada oo lugu baahiyo
Bush oo sheegay in dagaal Diimeed lugu soo qaaday isna uu qaadayo
Telefeyshinada Carabeed ee macno la’aanta ah oo la kordhiyo waxey
dhamaantood qeyb ka yihiin dagaalka tooska ah ee Islaamka lugu jirro.
Waxaa diyaarisay, Ikraam Cali-kaar
Qeybtii 2aad
Waxaanu la soconey oo qormadeenii hore kaga soo hadalnay nuxurka ku jira
cutubka kooweed ee buug loogu magac darray ”Furqaanka Xaqa ah”, buuggan
oo ay qormadiisa iska kaasheedeen xag jirayaal Mareykan iyo Yahuud ah
kuwaasoo cadaawad gaamuurtay u hayey Islaamka iyo dadkiisa. Sidoo kale
qormadeeni hore waxaanu ku soo qaadanay qorsha dheer ee arrintaasi ku
saabsan buugaasi loogu magac darray ”Furqaanka Xaq ah” uu tilmaamay.
Qeybta labaad ee qoraalkan taxanaha ayaan misna ku eegi doona waxa uu
buugani xambaarsan yahay.
Hadaba kooxo xag jirayaal oo yahuud ah oo sugan gudaha Israa’iil, ayaa
go’aan ku gaaray sidey uga qeyb qaadan lahaayan qorsha ka dhanka ah
Islaamka iyo dadkiisa, waxaana ay sheegeen iney kaalin mug leh ka geli
doonaan tarjumada buuga ”Furxaanka Xaqa ah”. taasoo ay iminkaba aaminsan
yihiin in Quraanka Kariimka ah uu yahay mid dadka ”Basharka” ah oo
keliya ku kooban balse uusan aheyn maalin maalmaha kamid ah ”Kitaabka
Samaawiga” ah ee Illaaahey soo dijiyey.
Asal raacani waxey runsan yihiin oo
kale in qorshani yahay mid taxadar weyni ku jrro, islamarkaasina uu
socon doono inta u dhaxeysa muddo sadex ilaa afarta sanno ee soo scoota.
Muddadaasi afarta sanno ah waxey
kooxdani qabeen guud ahaan barriga dhaxe oo dhan iney ahaan doonto goob
Mareykanku ka taliyo oo aan laheyn awood wax iska celin karta.
Dabadeedna uu markaasi Sharon-ka Israa’iil uu sidduu doono ka yeelayo
madaxda carbeed ee ugu yeero ”Hogaamiyeyaasha Argagaxisada”
”Dimoqraadiyad” ku sheega maamulka Bush ay sheegeen iney ka abuurayaan
barriga dhaxe ayaa waxey kamid tahay xogta qarsoon buugani daaha ka
rogay ee la xirriirta qorshaha baaxada leh ee looga taqalusayo Islaamka
iyo dadkiisa. Tanoo ah mid waafaqsan sida ay doonayaan Ameerikaanka iyo
inta taabacsan, iyadoo badalista manaahijka waxbarasho ee dalalka
Islaamka tahay qeyb mid ah dagaalka ka dhanka ah Islaamka.
Sidoo kale warfaafinta dalalka Islaamka
ee loo arko qaarkood iney kaalin weyn ka geli karaan qorsha buugani
xusay ayaa xoogaa la saaray, waxaana durba la bilaabay in laga dhaa
dhacsiiyo maamulka hoosta warfaafinada carabta sidey ugu sheegi
lahaayeen dadyowga ay wax u sheegaan waxa ay tahay Dimoqraadiyada.
Telefeyshinka loogu magac daray ”Al-Xorra” ee dhawaantan ay sameeyeen
maamulka Bush, ayaa isna ah aalada warbaahineed ee tooska ah kuna jira
qorshaha la dagaalanka Islaamka.
Buugan cusub ee “furqaanka Xaq ah”, ayaa la runsan yahay inaan weli
daabacaadiisa iyo qeybintiisa aan weli dunida muslinka laga hergelin
sababtuna waa iyada oo lala dhowrayo waqti ku haboon ay shacuubta
Islaamka ihi u dhago nuglanaan karraan, balse durba la bilaabay in
dalalka reer galbeedka, Mareykanka iyo Israa’iil la geeyo si loo sii
faafiyo howlgalkan baaxada weyn.
Sida uu qorayo buugani in dagaalkii
lugu qaaday Saddaam Xuseenkii Ciraaq uu ahaa mid aan meesha ka marneyn
fikir fog oo ay xambaarsanaayeen madaxda reer Galbeedka ee aaminsan iney
mudnaanta koowaad tahay ka saarita meesha halista soo socota ee dunida
Islaamka, balse banaanbaxyadii faraha badnaa ee hareeyey magaalooyin
badan oo reer galbeed ah ay aheyd arrin kooxihii qaban qaabiyey ay dadka
ku sii jeedinayeen waa sida uu buugani dhigaye. Hase ahaatee aan shaki
ku jirin in qorshani dagaalkii Ciraaq lugu qaaday ay tahay guul weyn oo
u soo hoyatay Busha waalan ee reer Mareykan iyo inta ku taageersan
fikradiisa guraxan ee Islaam naceybka ah.
Nuqul kamid ah buugani waxa uu leeyahay
”Horteena waxaa ahaaday marxalad cusub oo taariikhi ah, waxaana waajib
inugu ahaaday inaan duulaan balaaran ku qaadno Islaamka iyo dadka
Barberiga la yiraahdo, si tuulooyinka kale ee muslinka ah u gaarsiino
hadafkeena. Maxaa yeelay duulankani markiisi hore waxaa uu ka yimid
xagooda. Iyagoo dadkaasi muslimiinta ah laaya kumanaankun oo isugu jira
dumar iyo haween, sidoo kale waxey waxyeelo u geystaan haweenka. Sidaas
daraadeed waa inaan gebi ahaanba badelnaa ”Diintooda baadilka ah ee ay
ku sheegeen Islaamka”, innagoo ugu badaleyna Diinta xaqa ah”
Misna sidoo kale qeyb kamid ah
buuggaasi loogu magac darray ”Furqaanka Xaq ah” waxa uu yiri
” Kani waa duulaanka barbariga ah ee Islaamiga ah oo gaaray kacaankii
argagaxisanimada, iyagoo door biday iney dilaan abriyadeenii sharafta
badan ee ku jira diinteena weyn ee masiixiyada iyo reer Bani’israal.
Dhab ahaan waxaan qowmkani u furnay
quluubteena guud ahaanteed iyo deegaanadeena si aan u barno hormarka
xageena ahaaday,una gaarsiino meelaha ay ku sugan yihiin. Islamarkaasina
ka taakuleyno dhaqaalaha iyo waxkasta oo ku lug leh hormarka maanta
dunida ku talowsatay, sidoo kalewaxaan marar badan ku cel celinay iney
ku ekaadaan dhaqankooda iyo dabeecadohooda, hase ahaatee ma aysan yeelin
ee waxaa ay faraha la galeen diinteena iyagoo doonay iney naga tir
tiraan.
Iyagoo markaas noogu badalay hor
istaagida gar gaarka aan dooneynay inaan fidino iyo bur bur meelkasta
saameeyey”
Sidoo kale isla nuqul kamid ah buugaasi waxa uu leeyahay ”Dhacdooyinkii
ugu dambeeyey waxaa ay cadeeyeen dagaalka tooska ah ee aan kula jirno
Qur’aankooda. Tanoo waajib ku noqoneysa cid kasta oo leh waayeel,
carruur, dumarka iyo dhalinyaradeena ee ku abtirsada masiixiyada iyo
reer Bani’Israal. Maxaa yeelay meesha kama muuqato xal kale oo aan aheyn
in lala galo dagaal baaxad leh ”kooxaha sharta wada ee Islaamka sheegta”!
La soco qormada dambe ee warbixintan insha Allaah!
Isha warka: Wargeyska Toddobaadlaha ah
Ee El-Isbuuc ee ka soo baxa magaalada Khaahira
Waxaa tarjuntay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2004
»
Qaaybtii 1aad:
Waa maxay
Furqaanka Xaqa ah? [Ikraam]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan