W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Dagaal Wali ka
socda Muqdisho isla markaana saameeyay Magaaladda oo dhan.
Dagaal qaraar ayaa ka
soconaya Wadada Fiat deegaanka Beexaani ee Magaaladda Muqdisho.
Halkaasoo ay ku dagaalamayaan Labo Maleeshiyo oo kala taabacsan
Haweenayda iska leh Hoteelka Global ee Mina iyo Ganacsade Bashiir
Raage.
Dagaalkan oo Muqdisho
oo dhan laga dareemay ayaa waxaa uu markale qarxay Maanta Barqanimadii
kadib markii ay gurmad ka kala heleen labadii dhinac ee shalay
dagaalamay Maleeshiyooyin ay isku hayb yihiin.
Lama oga illaa iyo
hadda Khasaaraha ka dhashay dagaalka Maanta ka billawday Muqdisho.
Laakiin Goobjooge ayaa laga soo xigtay inuu arkayay Maydadka dhawr qof
iyo Dhaawacyo daadsan goobaha uu dagaalku ka socdo. Wuxuuna qofkaasi
sheegay inuu Maqlayay dhawaqa qof dhaawac ah oo ka dalbanayay Gurmad.
Laakiin uu haleeli waayay inuu wax u qabto isla markaana uu naftiisa
kala soo baxsaday Rasaasta xoogan ee ay Labada Maleeshiyo is
dhaafsanayeen.
Dagaalkan oo daba
jooga dagaal hore oo shalay ka dhacay isla goobta uu dagaalku maanta ka
dhacay ee Beexaani ayaa imminka waxa uu markii hore ku billawday is
rasaasayn dhex martay Illaaladda Hoteelka Global iyo Maleeshiyo
Taabacsan Ganacsade Bashiir Raage. Laakiin dagaalka ayaa imminka waxaa
laga cabsi qabaa inuu u xuubsiibto Dagaal Siyaaasadeed. Waxaana la
arkayay Tiknikadda Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi oo ku soo qul qulaya
Muqdisho. Iyagoo ka kala imaanaya Jawhar iyo Balcad oo ay labadan
Hogaamiye Kooxeed ka taliyaan.
Labada dhinac ee
dagaalku u dhaxeeyo ayaa dano ganacsi kuwada leh goobta uu dagaalku ka
dhacay. Waxaana ay isku jiraan Dhawr Tallaabo Hoteelka Haweenaydaasi ay
leedahay iyo Iddaacada Bariga Afrika ee FM.ka ah oo uu leeyahay Bashiir
Raage isla markaana saldhigeedu yahay Xaruntii hore Gaadiidka Booliska.
Dagaalkan ayaa yimid
wax yar kadib markii Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar uu ku guulaystay inuu
heshiis dhex dhigo labo Maleeshiyo Beeleed oo isku haystay Deegaanka
Siigaale ee Muqdisho. Waxaana imminka ay wadaan Odayaasha Dhaqanka ee
Muqdisho dadaalo ay ku doonayaan inay ku kala dhex galaan Labada Dhinac.
Dawladda
Ethiopia ayaa kala hadlaysa Hogaamiyayaasha Kooxeedyadda gacan saarka ay
la leedahay inay tagaan Madasha Shirka Soomaalida uga socda ee Kenya.
Dawladda Ethiopia
ayaa lagu soo waramayaa inay dadaal ugu jirto sidii ay uga dhaadhicin
lahayd Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaalida inay dib ugu soo laabtaan
Madasha Shirka Soomaalidu ka socdo ee Magaaladda Nairobi.
C/qaadir Beebe oo
Xubin ka ah Golaha Abaabul Qarameedka ee uu Madaxda ka yahay Maxamed
Dheere ayaa sheegay inay Ethiopia xiriiro la soo samaysay Golahooda.
Wuxuuna sheegay inay ka dalbatay inay dib ugu noqdaan Madasha Shirka
Soomaalidu ka socdo. Laakiin waxa uu sheegay Beebe oo ka mida Hogaamiye
Kooxeedyaddii la boqray intii uu socday Shirka Kenya inay dhinacooda
dalbadeen in Xayiraada laga qaado Baasaboorka Soomaaliga iyo in dib
loogu laabto Wajiga Labaad ee Shirka. Wuxuuse ka gaabsaday inuu cadeeyo
in laga aqbalay dalabkooda iyo inkale.
Warar kala duwan
ayaa ka soo baxaya xiriiro ay maalmihii la soo dhaafay Ethiopia la
lahayd qaar ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda Soomaalida. Soomaali badan
ayaa shaki ka qaba qorshayaasha Ethiopia oo ay aaminsan yihiin inay
waddo dadaalo ay ku xagal daacinayso Shirka Soomaalida uga socda Kenya.
Laakiin Ethiopia oo ay Beesha Caalamku cadaadis ku saartay inay
Taageerto Shirka ayaa u muuqata inay imminka wax ka badashay
Mawqifkeedii hore ee ay shirka ku xagal daacinaysay.
Hogaamiyayaal ay si
aada isugu dhaw yihiin Ethiopia oo uu ka mid yahay Maxamed Dheere ayaa
wali ku adkaysanaya inaysan ku laabanayn Shirka Kenya. Wuxuuna Maxamed
Dheere ka gaabsaday inuu ka hadlo wadahadal ay Qadka Isgaarsiinta ku
yeesheen Saraakiil Ethiopian ah. Inkastoo uu qiray jiritaanka
Wadahadalkaasi haddana waxa uu ku tilmaamay inuu ahaa Wadahadal
waxyaabihii uu ku qotamay aan loo gudbin Karin Saxaafadda. Waa Sida uu
Hadalka u Dhigayee.
Dawladda Ku Meel
Gaarka ah ee Somalia, ayaa ka codsatay Maamulayaasha Imaaraadka Carabta
inay ka noqdaan go’aanka ay ku mamnuuceen Baasaboorka Somalia.
Ra’iisul Wasaare Ku
Xigeenka Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, Xuseen Saalax oo ka hadlayay
Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun
yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka
Soomaaliga. Wuxuuna sheegay inay Somalia ka mid tahay Jaamacadda
Carabta. Sidaas darteedna aysan Mudnayn in dalalka Carabtu ay horseed u
noqdaan Xayiraad lagu soo rogo Baasaboorka Soomaaliga.
Xuseen Saalax waxa uu
sheegay inay waydiisan doonaan Imaaraadka inay ka laabato go’aanka ay ku
mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. Wuxuuna sheegay in haddii ay Madaxda
Imaaraadku ka dhaga adaygaan dalabkooda ay ashtako u gudbin doonaan
Jaamacadda Carabta oo Somalia iyo Imaaraadkuba ay xubno ka yihiin.
Saalax waxa uu sidoo
kale ugu baaqay Ganacsatadda Soomaaliyeed inay si deg deg ah ula soo
xiriiraan Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah si loo
diiwaan galiyo Hantidooda ka taala Imaaraadka. Wuxuuna sheegay inay u
xisaabtami doonaan Qaababka Caalamiga ah ee ay u xisaabtamaan Labo Dal
oo Xiriir Ganacsi ka dhaxeeyo.
Imaaraadka ayaa
noqotay Dawladii labaad ee Mamnuucda Baasaboorka Soomaaliga. Waxaana
horay Tallaabo tan la mid ah u qaadatay Dawladda Kenya oo xilligan marti
galinsa Wadahadaladda Nabadda ee Somalia.
Tallaabadan ay Labada
Dawladood ku mamnuuceen Baasaboorka Soomaaliga ayaa ah mid aan si wayn
looga jeclaysan Somalia. Waxaana Soomaalidu ay ku fasireen
Tallaabooyinkan is daba jooga ah ee lagu Mamnuucayo Baasaboorka
Soomaaliga mid lagula dagaalamayo Jiritaanka Soomaalida. Isla markaana
lagu curyaaminayo Ganacsigooda. Laakiin Ganacsatadda Qaarkood ayaa iyagu
aaminsan in Mamnuucista Baasaboorka Soomaaliga ah ay la xiriirto arrimo
siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin Quwadaha Awoodda ku leh Caalamka.
Baladxaawo
oo maanta dagan.
Deegaanka
Balad Xaawo ee Gobalka Gedo oo labadii Maalmood ee la soo dhaafay ay ka
dhaceen Dagaalo Sokeeye ayaa imminka xasiloon. Kadib markii ay dib u
garasho sameeyeen dhinac ka mida dhinacyadii isku hayay gacan ku haynta
Magaaladda.
Macalin Ismaaciil
Cabdi oo ka mida Waxgaradka Baladxaawo ayaa Isgaarsiinta Fooneeyaha loo
yaqaan ugu sheegay Shabakadan inay imminka Magaaladdu Xasiloontahay oo
aysan wax dagaalo ahi ka jirin. Wuxuuna sheegay in mid ka mida labada
dhinac ay ka baxeen Magaaladda. Isla markaana ay yartahay Rajadda laga
qabo in dagaalku uu sii socdo marka loo eego dadaaladda Nabadeed ee ay
wadaan.
Macallin Ismaaciil
waxa uu sheegay inay Ergo Nabadeed ka daba direen Dhinicii laga saaray
Magaaladda. Wuxuuna sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in ugu dambayn
xal nabadeed laga gaaro arrinta Balad Xaawo. Isagoo aan meesha ka saarin
in dalal shisheeye ay gacan ka gaysanayaan Hurinta Colaada Sokeeye.
Qiimaha
Shidaalka oo wali cirka ku shareeran.
Iyadoo wali uusan
isbadalin Sicirka Shidaalka Basiinka e Somalia oo gaaray Heerkii ugu
sareeyay ayaa waxay qaar ka mida Ganacsatadda Soomaaliyeed sheegeen inay
qorshaynayaan Tobanka Maalmood ee socda inay keenaan Shidaal ku filan
Dalka oo dhan.
Maxamuud C/kariin
Gabayre, Guddoomiyaha Midowga Ganacsatadda Gobalka Banaadir ayaa sheegay
inay si deg deg ah ku keenayaan Dalka Shidaal wax ka tari kara Baahida
Basiin ee ka jirta Somalia. Wuxuuna sheegay inay soo gabagabeeyeen
Wadahadallo ay la lahaayeen Shirkadaha Shidaalka ee Caalamka.
Gabayre waxa uu
sheegay in sababta ay u keeni waayeen Shidaalka ay tahay kadib markii uu
sare u kac ku yimid Shidaalka Caalamka oo dhan. Wuxuuna sheegay inay
taasi keentay inay u bareeri waayaan inay soo iibsadaan Basiinka oo si
wayn looga isticmaalo Somalia.
Kor u kaca ku yimid
Qiimaha Basiinka ayaa laga dareemay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Dadwaynaha.
Waxaana kor u kacay qiimaha lagu raaco Gaadiidka dadwaynaha. Iyadoo kala
bar baabuurtii dadwaynahana la iska xareeyay kadib markii ay is bixin
waayeen Qarashaadka laga helo iyo Shidaalka.
Somalia oo aysan ka
jirin Dawlad dhexe oo awood leh isla markaana dabagal ku samaysa dhaq
dhaqaaqyadda Ganacsi ee Dalka ayaa waxaa lagu dhaliilaa Ganacsatadda
Qaarkood inay u dhaqmaan si ka baxsan NIdaamka Caalamiga ah ee Ganacsiga.
Waxayna ku qasbaan Shacabka inay iibsadaan Badeeco Qaali ah. Iyagoo
heshiis ku ah in muddo la Curyaamiyo Badeecooyin dalka looga baahan
yahay si ay lacag badan ugu helaan inta Dalka taala.
Ma jirto Wasaarad
Ganacsi oo la xisaabtanta Ganacsatadda Soomaaliyeed oo intooda badan soo
caan baxay 14 kii sanno ee Dagaaladda Sokeeye ay ka socdeen Somalia.
Waxaa Somalia laga dhoofiyaa wax kasta oo dawladihii hore Xakamayn
jireen taasoo keentay in xilligan ay ganacsataddu fursad u heleen inay
Dalka soo galiyaan kana dhoofiyaan wax kasta oo Sharcigu diidayay.
Xeeldheerayaasha ayaa
aaminsan in Ganacsiga furfurmay ee Somalia uu dhinaca kale wato
dhibaatadiisa. Waxaana laga yaabaa Mustaqbalka in haddii uu sharci
yimaado inay ganacsatadda waqtiga iy Waayaha ku taajiray iyo Sharcigu
iska horyimaadaan. Iyadoo Sharcigu uusan aqbalayn in Markab Shidaal ah
laga soo xareeyo Lacagtii laga heli Lahaa Toban Markab oo Shidaal ah.
Taasoo micnaheedu yahay in Markabkaas Shidaalka ah lagu iibiyo Lacago ka
farabadan intii ay xaqa u lahaayeen inay ku iibiyaan.
Bush oo maanta ku
dhawaaqi doona Xayiraad dhaqaale oo uu qorshaynayo inay ku soo rogaan
Syria.
Warar laga helay
Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegaya in Madaxwayne Bush ay ka
go’antahay inuu fuliyo Cunaqabatayntii dhaqaale ee Sannadkii hore ay
qalinka ku duugeen Koongareeska Maraykanka.
Aqalka Cad ayaa lagu
waddaa in Maanta ay si rasmiya ugu dhawaaqaan Cunaqabatayntaasi. Waxaana
tallaabadan uu Maraykanku ku Cunqabataynayo Syria iyadoo aan oggolaansho
ka helin Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay lagu tilmaamay inay tahay
mid lagula xisaabtamayo Syria. Sida ay Saraakiisha Aqalka Cad ku
andacoonayaan.
Syria ayaa iyaduna
dhinaceeda sheegtay inay sharci darro tahay Cunaqabataynta uu Maraykanku
qorshaynayo inuu ku soo rogo Dalkeeda. Waxayna sheegtay inuusan
Maraykanku xaq u lahayn inuu iskiis go’aan uga gaaro Cunaqabatayn la
saaro Syria.
Faaruuq Ashaara,
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Syria ayaa sheegay in Dalalka Carabtu ay u
ballanqaadeen inaysan aqbali doonin Cunaqabataynta uu Maraykanku la
damacsan yahay Dalkiisa. Wuxuuna sheegay in Mawqif mid ah ay ku gaareen
Carabtu inay ka hortagaan Gardaradda Maraykanka. Laakiin ma cadda sida
ay Carabtu Mawqif mid ah uga qaadan karaan go’aan caynkan ah. Iyadoo
Dalal Badan oo Carbeed ay xiriir la leeyihiin Maraykanka taasoo laga
yaabo inay sahasho in Maraykanku uu ku guulaysto Hadafkiisa uu go’doonka
dhaqaale ku galinayo Syria.
Syria ayaa waxay ka
mid tahay Waddamada uu Maraykanku aaminsan yahay inay Xiriirka la
leeyihiin Argagixisadda. Laakiin ma jirto illaa iyo hadda Baaris dhex
dhexaad ah oo muujinaysa in Syria ay taageerto Kooxaha Argagixisadda.
W/Q.Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com