SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May10, 2004

Dagaal shalay iyo xaley ka socda  deegaanka Beexaani

 

Shalay galabnimadii ayaa waxaa deegaanka Beexaani agagaarka Conis Stadium ka qarxay dagaal aad u culus oo u dhexeeya kooxaha Maleeshiyo ah, wuxuuna dagaalkaasi saba-bay inay ku dhintaan ilaa iyo 7-ruux ayna ku dhaawacmeen dad kale oo fara badan ayna u badnaayeen dad rayid ah oo rasaastu ugu tagtay goobihii ay ku sugnaayeen.

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa si weyn looga dareemay Muqdisho ilaa iyo haatanna lama garanayo cidda uu u dhexeeyo dagaalkan, balse waxaa la sheegay inuu u dhexeeyo ilaalada Hotel Global oo ay leedahay Miineey Xaashi Shibis iyo maleeshiyo daacad u ah Ganacsade Bashiir Raage.

 

Dagaalkaan waxa uu saamayn ku yeeshay isku socodka gaadiidka agagaarka jubba, beexaani iyo xaafadaha u dhowdhow, sidoo kale waxa uu baajiyay dagaalka kulan ciyaareed dhex marayay kooxaha Savana iyo Bariga dhexe oo ka dhisan degmada Afgooye, waxaana ka mid ah dadka dhaawacmay dadweyne u soo daawasho tagay ciyaartaasi iyadoo kulankaasi uu baaqday.

 

Warar ayaa waxay sheegayaan in hotel-ka Global ay soo gaareen khasaarooyin aad u badan kaddib markii ay ku dhaceen madaafiic. Odayaasha deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa la sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii loo qaboojin lahaa dagaalka, balse uma eka Malleeshiyooyinka dagaallamaya kuwo qaadanaya dhex dhexaadinta ay wadaan odayaasha, waxaana haatan socda  isku hub urursi labada dhinac ah.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2004

Dawladda Imaaraadka oo Diidday in ay viso ku Dhufato Baasaboorka Soomaaliga
iyo Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Buulo xaawo... Guji May 10

DENMARK: URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED
Copenhagen: Urur ay maamulaan dhalinyaro soomaaliyeed ayaa xaflad heer sare ah kuqabtay Guji May 10

Saddex dhallin yaro Soomaaliyeed oo loo qaatay kooxda kubadda cagta ee Minnesota  [Warbixintii Wardheere]

Cuna qabateenta Xoolaha Soomaaliaya ee loo iib geyn jiray Sacuudiga oo laga Qaaday
.Wareegto ka soo baxdey Xafiiska w/A/ Gudaha DGPL
.Dood: Xeerhoosaad ladoonayo in loo sameeyo Badaha
.Xarun Cafimaad  oo laga Furay Bosaso
.Maalinta Bisha Cas oo lagu qabtay Boosaaso
Ka akhri wararka Boosaaso ee Maanta
May 10

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD