SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Kulan Shareedkii kadhacay Minneapolis 

Sawir: 1

Sawir: 2

Sawir: 3

Sawir: 4

Sawir: 5

Sawir: 6

Sawir: 7

Sawir: 8

Sawir: 9

Waxaa ka soo wareegtay labo maalmood oo kaliya markii uu dhamaaday Kulankii 3aad ee Soomaalida Woqooyiga America, kaas oo kadhacay sidaan lawada socono Magaalad Minneapolis, waxaan maqlay habeenkii sanadkii cusbaa inuu jiro kulan shareed Happy New year ka dhacaya isla meeshii uu ka dhacay Mu’tamarku ayna ka tumayaan Maryan Mursal iyo nin Oromo ah, waxaan ku tala galay inaan soo fiiriyo meesha sida wax u jiraan maadaama aan kulan diineedkii joogay.

Waxaan baxay saacadu markay ahayd 1:30am waxaan gaaray meeshii toban daqiiqo kadib waxayana ahayd xili aad u qabow maadaama ay ahayd xiligii qaboobaha, waxaan kasoo galay Xaruntii waydnayd ee Minneapolis Convention Center albaab aan ahayn kii waynaa, mid kale oo dhinac kuyaal markiiba waxaan indhaha ku dhuftay labo dhalinyaro ah oo soomlaai ah oo meesha isku dhagan, yaab dhagihii baa i dheeraaday horaan uga gudbay waxaan tagay meeshii lagu jarayey ticket-ka, waxaan gaaray meel qol yar ah (box) ay ku dhex jiraan gabadh iyo wiil, gabadha si aan layaabay bay u labis nayd oo xabadka qaar baa banaanaa, waxaan iri waxaan rabaa ticket aan meesha ku galo iyagoo ila yaaban "waayo uma ekayn nin u socda inuu soo tunto labis kayga iyo xiligaba” bay i yiraahdeen waa dhamaatay oo waxaa ka haray 15 daqiiqo kaliya, kadibana waxaan galay meeshii ama Qolkii waynaa ee uu ka dhacay Mu’tamarkii oo markii iigu danbaysay Nuurayey kuraas badan oo hal meel ujeedana ay taalay, waan garan waayey isagoo kii uun ah, nalalku intooda badan waa dan sanaayeen, waxaa ka yeerayey qaylo aad u dheer oo qofka caadiga ah uusan xamili Karin, dadka intiisa badana waa taagnaayeen iyagoo laba laba u cayaaraya nin iyo naag, dad kaloo dumar u badana waxay fadhiyeen gadaal miisas iyo kuraas taalay malaha waa daaleen.

Waxaan isku dayey inaan dadka fiiriyo qaybta ay bulshada ka yihiin waxayna ubadnaayeen inta u dhaxaysa 20-30 jir, waxaan kusoo wareegay meesha oo dhan waxaa ka qaylinaysay meesha saalada loo yaqaan qof dumara oo waxa ay ku hadlayso inuu Soomali yahay iyo inkale cidna kala saari Karin laakiin anigu aan madow-ga wadan kan isaga daystay, hadana waxaa i shaki galinayey labiskeeda wallow aan si fiican loo arkayn nalalka isbad badalaya daaraadood, mudo aan ka badnayn 6-8 daqiiqo waxaan usoo baxay dibada oo markii aan xamili waayey meesha waxa ka socda xataa sigaarka oo wadan kan ka mam nuuca ah meela la isugu yimaado waa lagu dhex cabayey .

Waxoogaa kadib waxaa dhamaaday kulan Shaydaankii dadkii oo dhana waxay soo qaabileen albaabkii aan hortaagnaa kadibna waxaa bilaabatay in intii isla socotayba ay is raacdo, kuwa kalena ay koox koox iyo kali kaliba u istaagaan, waxii hore bikh dheh, waxaa kasoo baxay gabdho aan oran karo waa sida gacantaa sida ay u labisanyihiin aad bay u qaawanayeen, xataa waxaan oran karaa gaalada qaar baa kadaraa siday u labisnaayeen, dhar aad ugu dhagan iyo kuwo haylo leh oo dil dilaacsan oo aan kuligood waxba qarinayn intaan ruamaysan kari waayey aragayga in gabdhaha sidaan u labisan ay yihiin Soomaali, wiilal agtayda taagnaa baan afka u dhaweeyey oo waydiiyey gabdhahaas ma Soomaali baa?!!!!!!!!!waayo waxaa igu jiray shaki oo horaan u haystay in Somali iyo Oromo wada joogaan “Waxay iigu jawaabayeen haa maxaa dhacay”, hadana waan liqi kari waayey markaan arkay kuwa kasii daran kuwii hore, markaas baan afkayga kula hadlay si’aan u hubiyo inay Soomaali yihiin nasiib darose waxay noqdeen gabdhaheenii Soomaaliyeed.

Waxaan bilaabay inaan waraysto dad kala duwan, waxaan ku bilaabay Asalaamu Calaykum waxay ii jawaabayeen iyagoo wajiga iga inkiraya sidaan u labisanahay (waxaan xiraa dharkii qaboobaha) iyo salaanta laftigeedaba oo xilagaas oo kale lamaqal dhalinyarada joogta Maraykanka ayaa isticmaala intooda badan What is up , isla markiiba waxaan waydiinayey maxaad u timid halkaan, waxayna iigu jawaabayeen, jawaabo kala duwan oo ah fun, Happy new year iyo qaar i yiri gabdho ayaan meesha u nimid guur iyo wax kaleba, intaa ugama harin waxaan sii watay su’aalahaygii waxaan waydiiyey dad gaaraya ilaa tobon qof maxaad hadda dareemayaan, iyagoo English iigu jawaabayey ayey lahaayeen “tire, nothing “ daal, waxba",  kuwana waaba i garteen oo anay su’aal iwaydiinayeen, qaar kalena waxay lahaayeen lacag bilaash ah bay naga qaateen, waayo waxaa lagu galayey $25 qofkii, waxaa iyana xusid mudan kuwooda badan oo saas lahaa baan iri inaad hadalkaas tiraahdeen magaciina keena sawirna aan idin ka qaado si diidmo adag ku jirto ayey ii lahaayeen "that is bad image" marabno in meeshaan oo kale nalagu arko waa meel xun mushtamaca miyaad nagu diraysaa, su’aal kale ayaan ku celiyey oo waxaan iri kawaran haday ciid ahaan lahayd jawaabtii waxay noqotay “taas hadal kama taagna”.

Waxaa lagu qiyaasay dadka meesha isugu yimid 1500-2000 oo qof waxayna isugu jireen Soomaali iyo Oromo inta badan gabdhaha ma ila hadleyn markaan wax su’aalo way iga aa umsayeen ama jawaab kooban bay isiinayeen waayo meesha waa la isku faduuliyaa meel akhiyaareed ma’han maarka waaba iga baqayeen inaan maago.

Hadaba walaalayaal maxaa inala gudboon guud ahaan?, gaar ahaana maxaa lagud boon aabaha ama Hooyada ama walaalka Soomliyeed ee u haysta in ilmahoodii ama walaalahood shaqo ama meel wanaagsan ugu maqan yihiin amaba aan ku baraarug sanayn ilmahooda xaalkoodu siduu yahay amaba laga yaabo inaysan is la daganayn mudaba, waxaan leeyahay dadkaas waa dad walaalaheen ah xilna inaguu naga saran yahay sidii aan ku bad baadin lahayn ilaahayna waa ina su’aali doona hadaan nahay kuwii soo qaxiyey oo sabab ugu noqday inay halkaan yimaadaan iyo kuwii soo dhoofiyey oo lacagta ku bixiyey amaba Responser-ka udiray.

Waxaana aaminsanahay inay uga fiicantahay intay Diin la’aan ku dhiman lahaayeen inay ku dhintaan Gaajo ayagoo jooga wadankoodii.

Gunaanadkii qof walbow is xilsaar oo sax naftaada iyo tan walaalahaaga Soomaaliyeedba aana dareeno Bulshadeena Masuuliyada naga saran.

Qoraal kaan waxaan ugu danleenahay inaan ku baraarujino dad badan oo u soo socda wadama Galbeedka ama usoo diraya ilmahooda iyagoon lasocon iyo waalidiin badan oo aan war u hayn qalbigoodii meeshuu ku danbeeyey ha ahaadeen kuwa halkaan jooga iyo kuwa khabar-daar ah oo Africa jira iyo walibana guud ahaan kaalinta nooga aadan Bulshadeena.

Talo iyo tusaale, waano iyo wacyi gelin, waxay u furan tahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu soo hagaajin karaa emailkan: somalitalk4@hotmail.com

Sawirada dhanka midig waa sawiro laga qaaday habeenkaas.

Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Jan 4, 2004 |


MA-OGTAHAY: Maalinta carafa in ay ku beegan tahay 31da Janaayo, Ciidul Adxaana 1da Febraayo 2004, Sannadka cusub ee Islaamkuna uu bilaabmi doono 21 Febraayo, Maalinta cashuurana ay ku beegan tahay 1da Maarso, bisha Ramadaana 15ka Octobar, insha Allah, ee isxisaabi

»MA-OGTAHAY CIDDII UGU HOREYSEY EE....

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD