Iyada oo lagu jiro xili jiilaal ah oo ay baadka iyo biyihiba yar yihiin
ayay xukuumada Itoobiya dhulka daqsinta ah ee Ogaadeenya ka biloowday goobo
ay ku magacawday deegaameenta dadwaynaha.
Mashruuca qorshahaas fulinaya wuxuu ka bilaabay in uu ceelal ka qodo dhul
daaqsimeedka duunyada saldhiga u ahaa, gaar ahaan meelo ay ka agdhow yihiin
ceelal kale, ujeedadana waxaa loo gartay in aynan ahayn mid u danaynaysa dad
weynaha, hase yeeshe ay tahay mid dadka degaankaas la isaga horkeeni, sidii
tii hadda kohor ka dhacday ceelkii Mindhicir, waxaa kale oo ay dadwaynuhu u
arkaan qorshahan mid lagu xaalufinayo meelaha daaqsinta ku caanka ah, si
xooluhu u dhamaadaan kadibna dadka xerooyin loogu ururiyo.
Arimahan kuwii ugu dambeeyay waxay ka dheceen meesha la yidhahdo Sancadde
oo ku taala aaga Sibi, oo Ceelal waaweyn oo kale dhinacyada ka yihiin, sida
Ceel-xaar iyo kuwo kale. Dadwaynaha degaankaas ayaa qorshahaas ku gacan
saydhay oo u arkay khayaamo ay xukuumada Adis Ababa u malagayso, sidoo kale
waxaa qorshahan diiday dadka ku dhaqan deegaanka Dhagax-Buur kadib markii loo
soo jeediyay in mashruucaas laga fuliyo meesha lagu magacaabo Goohdi oo aan
sidaas uga Fogeeyn magaalada Dhagax-Buur, waxayna dadwaynuhu sheegeen in ay
deegaankaas ceelal ka buuxaan.
Dagaalo dhex maray ciidamada xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga
Itoobiya.
5/2/04, Dagaal gaadmo ah oo ay ku qaadeen ciidamada wadaniga xoraynta
Ogadeenya ciidamada cadawga Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo
Bambaase oo Gobolka Doolo ka tirsan, ayaa waxaa ciidamada doolka ku jooga
Ogaadeenya lagaga dilay 10 Askari, waxaana lagaga dhaawacay 15 Askari oo
kale.
22/2/04 Iska hor imaad dagaal oo ku dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya
iyo ciidamada xaq u dirirka xoreeynta Ogaadeenya meesha lagu magacaabo
Laas-dharkaynle, oo Gobolka Qoraxay ka tirsan, ayaa waxaa ciidamada gumaysiga
Itoobiya lagaga dilay 4 Askari, waxaana lagaga dhaawacay 4 Askari oo kale.
Mudaaharaa weyn oo ka dhacay dalka Norway.
Duhurnimadii maalintii jimcaha ee ay taariikhdu ahad 27 ka febraayo, ayey
magaalda Oslo ee dalka norway isugo soo baxeen dad badan ka mudaaharadaya
dhibaatada joogtada ah ee ay maamulka EPRF ee ka taliya Itoobiya kula kacaan
qoomiyaddaha kale duwan ee ku hoos nool.
Dadkii ka soo qeyb galey mudaaharaadkaas oo aad u badnaa ayaa socod dheer
ku soo marey qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Oslo si ay u
muujiyaan xad gudubka ay Melese iyo kuwa u adeega kula kacaan dadka aan waxba
galabsan ee ay xooga ku haystaan.
Waxay dadkaasi ugu danbeytii is hor tubeen aqalka Baarlamaanka dalka
Norway oo ay hor taagnaayeen in ka badan dhawr saacadood.
Dagaal ba’an oo dhexmaray jabhada Canfarta iyo ciidamada wayaanaha.
Wariyaha Wakaaladda Wararka u jooga magaalada Addis Ababa ayaa noosoo
tabiyay dagaal aad u ba’ani oo dhexmaray jabhada Canfarta iyo ciidamada
wayaanha, waxaanuu dagaalkaasi ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Samara
iyo Adheera.
Dagaalkaas waxaa ciidamada wayaanha lagag gubay afar baabuur iyadoo ay ku
dhinteen dhamaan ciidamadii wayaanha ee baabuurtaas saaraa.
Warku wuxuu intaa raaciyay in jabhada canfarta iyo ciidamada Itoobiya ay
dagaallo kale ku dhex mareen agagaarka magaalda Dhase ee gobolka Wallo.
Jaaliyadaha Oromada oo lacago tabarruc ah ugu deeqay ururka OLF.
Radyowga Oromada ee SBO ayaa sheegay in Jaaliyadaha Oromoda ee dibada ku
nool ay lacago tabarruc ah ugu deeqeen jabhada oromada ee OLF. Jaaliyadaha
lacagaha ku deeqay waxay kala yihiin, Jaaliyada Sacuudiga, gaar ahaan gobolka
Jiisaan oo ku deeqday 8560 Riyaal oo sacuudi ah iyo Jaaliyada wadanka Keniya
oo iyna ku deeqday 100,000 oo shillin oo lacagta Keniya ah.
Warku waxa kale uu intaa raaciyay in shirarka lacagta tabarucaas ah lagu
uruurinayay ay ka hadleen xubno ka tirsan jabhada OLF. Dadwaynihii shirarkaas
ka soo qaybgalay ayaa iyaguna halkaas ka caddeeyay inay hiil iyo hooba la
garab taagan yihiin jabhada OLF oo u halgamaysa xoraynta dhulka Oromada ee
gumaysaga Itoobiya uu gacanta ku hayo.
Dib u dajinta ay Itoobiya wado oo la canbaareeyay.
Wariyaha Wakaaladda Wararka u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya
inay dad badan oo reer galbeed ahi canbaareeyeen barnaamijka dib u dajinta ee
ay Itoobiya ka wado meelo kala duduwan.
Dadka arintaas cabaareeyay waxaa ka mid ah sargaal sare oo ka socday
Midowga Yurub, kaasoo yidhi; ”Itoobiya qorshahan ay wado ma aha mid laga
fiirsaday oo si fiican loo darsay, si dhib yaraan ahna kuma suuroobi karo.
Barnaamijkan oo kalana waxaa ku guul daraystay kaligii taliye Mangistu”.
Waxaa kaloo barnaamijkan canbaareeyay Diplomaasiyiin reer galbeed ah oo
iyana sheegay in barnaamijkani uu horseedi karo in cudurrada faafaa, sida
AIDS-ka iyo macluushuba ay Itoobiya ku sii fidaan.
Hay’adda MSF ee dhakhaatiirta aan xuduuda lahay ee Holland ayaa iyaduna
barnaamijkan dib u dajinta aad uga dayrisay, waxayna sheegtay in ay
dhimashada caruurta ee meelaha dib u dajinta laga wado ay aad u korodhay.
Barnaamijikan dib u dajintac ee ay Itoobiyo wado ayaa waxay ka dalbatay
wadamada deeqda bixiya lacag ka badan 220 Malyuun oo Dollar, si ay u
hirgaliso.
Masar oo Itoobiya u digtay.
Dawlada Masar ayaa xukuumadda Itoobiya uga digtay inay ka baxdo heshiiskii
lagu qaybsanayay biyaha wabiga caanka ah ee Niilka ee u dhexeeyay dhawr
waddan oo Itoobiya iyo Masar ay ka mid yihiin.
Masar waxay diugniintan xukuumadda Itoobiya u dirtay, ka dib markii ay
xukuumadda Itoobiya sheegtay inay hirgelinayso mashruuc horseedaya inay
xakamayso biyaha wabiga Niilka Buluugga ah oo dhulkeeda ka soo farcama, ka
hor intaanuu ku darin Niilka Cad oo ka soo farcama Laagta Fiktoriya.
Masar ayaa rumaysan in mashruucaasi uu ka soo horjeedaa heshiiskii NBI ee
dalalka wabiga Niilka wadaaga ay isla galeen sannadkii 1929, kaasoo dhigyay
in dalalka kale wabiga Niilku ay waddanka Masar la soo socdsiiyaan, marka ay
doonayaan inay saami aan horay loogu qoondaynin ay ka isticmaalaan wabiga
Niilka ama Laagta Fiktoriya.
Xukuumadihii hore ee Itoobiya ka jiri jiray ayaa hadda ka hor isku dayay
inay mashaariic biya-xidh ah ka sameeyaan meelaha uu wabiga Niilku ka soo
billowdo, hase yeeshee waxay mashaariicdaas ku guul darraysteen markii ay
Masar u awood sheegatay, isla markaana ay waayeen dhaqaale fiican oo
mashaariicdaas ay ku hirgeliyaan.
Dalalka ku jira heshiiska NBI waxay kala yihiinBrundi, Kongo, Masar,
Eritereya, Itoobiya, Kenya, Ruwanda, Suudaan, Tanzaniya iyo Uganda.
02.03.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.
Faalo:
Bilwaliba xasuus lehe Febraayo maxaa lagu xasuustaa?
Dhacdooyinka soo mara nolosha aadamaha qaar badan oo kamid ah waxay ku
reebaan xasuus gaar ah, waxay noqon karaan maalmo leh xasuus murugo ama
xasuus farxadeed. Bisha febraayo waxay kulmisaa maalmo xusuus iyo qadarin ka
mudan shacbiga Soomalida Ogaadenya. Bishan gudaheeda waxaa dhacay dhacdooyin
waawayn oo taariikhda dalka Ogaadenya baal muhiim ah ka galay. Maalmahaas
qaar waxay leeyihiin murugo, qaara farxad, qaara labadaba way isku darsadeen.
Qormadan waxaan si kooban ugu soo qaadanaynnaa qaar ka mid ah maalmahaas
taariihiga ah ee soomaray shacabka Ogadenya.
01 Febraayo, 1994 waxay ciidamada dawlada Itoobiya si
waxashnimo ah ugu dileen magaalada Qalaafe Duulane Xasan Gaabane oo
ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe iyo Laba ruux oo shacb ah lana kala odhan
jiray Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane
06 Febraayo, 1994 waxay sidoo kale Ciidamada Itoobiya magaalada
Wardheer ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada wardheer Marxuum
Cabdulaahi Ganay.
07 Febraayo, 1994 waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles
Zenawi isgoo kula shiraya Magaalada Goday oo ah Caasimada Ogadenya in Afti
laga qaado shacabka Somalida Ogadenya.
12 Febraayo, 1994, waxay ciidamada Itoobiya si waxshinimo ah magaalada
Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Shihiid Maxamed Cumar
Tube iyo Shihiid Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka sii fool
xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii kalaba u
diideen inay xabaalaan. Arrintan waxay noqotay wax ku cusub taariikhda, kana
soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.
15Febraayo, 1994, waxaa la qabtay kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadenya.
Baarlamaanku waxay ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadenya,
waxayna aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadenya laga
qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin. Go’aanka
baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaama uu
baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey taariikhda Ogaadenya ee shacbigu si
dimoqraadi ah u soo doortay, kalsoonina ka haystay dadwaynaha. Sidoo kale,
go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo
sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka ay dhamaato waqtiga
ku meel gaadhka ah ee xukuumadii Itoobiya ee xiligaas. Maalintii go’aankan la
qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka
Ogaadenya.
17 Febraayo, 1994 waxay Cuqaasha Ogaadeenya Zenawi hortiisa ka
taageereen go,aankii Barlamanbka. isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira
magaalada Harar
Isla Badhtamihii Febraayo, 1994, ururka ONLF, Golihiisii dhexe ayaa go’aan
aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka, kuna baaqay in si
nabadgalyo ah oo waafaqsan datuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu
dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Itoobiya iyo Ogaadenya.
Febraayo 22, 1994, waxaa magaalada Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax
lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu
codsaday in dadwaynaha afti la waydiiyo. Sidoo kale, waxaa xilligaas ku
sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO mudane Sheekh Ibraahim Abdalla
oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.
Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa isla
markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri ama nolol mid uun. Ciidamada
Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu
hogaaminayo Guddoomiyihii JWXO ee xiligaas Mudane Sheukh Ibrahim Cabdalla.
waxayna shacbigii reer Wardheer maalintaas si geesinimo iyo wadaninimo ah u
difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee
Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay
joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus,
waxay xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday
shacbigii magaalada. Waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u
badan dad rayid ah.
Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin xusuus farxadeed iyo murugo labadaba. Waa
marka hore, waxay huwan yihiin murugo, marka laga eego xasuuqii loo gaystay
dadwaynaha reer Wardheer iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre iyo waliba
burburkii dhismayaashii magaalada. Dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus
huwan farxad iyo faan, marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda,
uqab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya, una difaaceen madaxdii iyo
magacii umadda intaba. Waxay noqotay arrin lagu faani karo, taariikhdana
gashay sidii dadwaynaha reer Wardheer oo aan haysan hub u dhigma kuwii ay
wateen ciidamada Nacabka Itoobiya ay u difaaceen magaalada iyo madaxdii
shacbiga. Inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen halkaas,
ayna mudan yihiin in loo murugoodo, haddana, waxaa dhinca kale, garab taagan,
geesinimada iyo sharaftii lagu qab jabiyey ciidmada kibirku waday ee Itoobiya.
Hadaba dhagaystoow Bisha Febraayo taariikha haas ayay kulmisaa, waxayna
shacbiga ree Ogaadenya ku xusaan bishaan hab murugo iyo farxad labadaba leh,
waxayna u taagan tahay xasuuq iyo xad gudubka loo gaysto dadwaynaha, dhinaca
kalana waxay u taagan tahay halganka xaq u dirika ah ee dadwaynaha Ogaadenya.
Abdullahi Mahamed
Radio Xoriyo
Abdullahi_mahamed@yahoo.com
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso warkan oo Cod ah
...HALKAN
KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA
WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u
tahay Radio Xoriyo, kana
tarjumimaayo aragtida SomaliTalk