Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
Arday Tigree ah oo la hubeeyay.
Tareenka Itoobiya iyo Jabuuti oo hawlgab qarka usaaran.
Itoobiya oo kharashka ugu badan ku bixisa gaashaandhiga.
Iskuulo badan oo la xidhay iyo kacdoonkii ardayda oo ka sii daray
Banaanbax Itoobiya kadhan ah oo Baladweyne ka dhacay.
Banaamujkii aragtida halgamaaga iyo suugaan halgameed.
Arday Tigree ah oo la hubeeyay.
Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa
sheegaya inuu aad u sii kordhay kacdoonkii ardayda ee lagaga soo horjeeday
taliska Addis Ababa, taasoo keentay in ardayda Tigreega ah ee wax ka barta
kulliyada beeraha ee Jaamacadda Ambo ay hub la soo baxeen mar ay rabshado
halkaas ka billaabmeen.
Warar aanu ka helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in la hubeeyay dhamaan
ardayda Tigreega ah ee wax ka barata kuliyadaha iyo Jaamacadaha Itoobiya ee
kala duduwan, taasoo cadynaysa kalsooni darrada ku habsatay xukuumada
dheel-dheelliga ah ee Meles Zenawi.
Bilihii ugu denbeeyay waxaa dalka Itoobiya ka soo cusboonaaday gadoodkii
ay ardaydu samaynayeen ee ay kaga soo horjeedeen cadaadiska ay xukuumadda
Addis Ababa ku haysa dadwaynaha rayadka ah.
Toddobaadkii hore ayay iska hor-imaadyo ballaadhani dhexmareen ardayda
Oromoda iyo ciidamada nabad sugida ee Itoobiya, iska-hor-imadyadaas oo ka
dhacay Jaamacada Haramaaya, ayaa lagu dhaawacay 16 arday. 24 arday oo iyaguna
wax ka baranayay machadka macalimiinta ee Ktobe ayaa toddobaadkii hore
waxbarashadoodii laga eryay.
Tareenka Itoobiya iyo Jabuuti oo hawlgab qarka u saaran.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in dhibaato
aad u wayn oo xaga dhaqaalaha iyo dayac tir la’aani ba’ani ay ku habsatay
Tareenka ka dhex shaqeeya Itoobiya iyo Jabuuti.
Tareenkan ayaa waxa uu labadan wadan ka dhex shaqynayay mudo ka badan 108
sano, balse wax hurumar ah ma aanu keenin muddadii uu shaqaynayay.
Warar xog-agaal ah ayaa sheegaya in, si loo badbaadiyo shaqada Tareenkan,
la rabo in lagu wareejiyo hatiilayaal gaar ah oo iyagu maal gashada, isla
markaana dayactir ku sameeya.
Waxaa la wada-ogsoon yahay in xukuumadda Meles ay la wareegatay sharikado
aad u tira badan, hasa yeeshee ayna jirin wax horumar ah oo ay dawladu ku
samaysay shirkadihii ay la wareegtay khasaaro mooyaane.
Dadka arimaaha dhaqaalaha ee Itoobiya u dhuun duleela ayaa sheegaya inuu
musuq-maasuqu meel walba gaadhay oo loo kala baratamayo sidii loo kala boobi
lahaa hantida dadwayanaha iyo tan dawlada labadaba.
Itoobiya oo kharashka ugu badan ku bixisa gaashaandhiga.
Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa
sheegaya in khuburo dhaqaalaha ku takhasusay ay caddeeyeen in dhibaatooyinka
dhaqaale ee Itoobiya haysta ay yihiin kuwo la xidhiidha bajadka wasaarada
gaashaandhiga oo aad u badan.
Warku wuxuu kaloo intaa raaciyay in aad loola yaabo dawlad sabool ah oo
Itoobiya oo kale ahi in ay sannad walba ku bixiso gaashaandhiga lacag dhan
792 Malyuun oo Birr.
Iyadoon maalgalin sidaa ah ku samaynin waxaaybaha nolosha aasaasiga u ah,
sida caafimaadka oo ay u qoondaysay sanadkii 82 Malyuun oo Birr,halka ay
waxbarashada uga qoondaysay 67 Malyuun oo Birr oo kaliya.
Iskuulo badan oo la xidhay iyo kacdoonkii ardayda oo ka sii daray.
Wararka naga soo gaadhaya magaalooyin kala duduwan oo ka tirsan gobolka
Oromia ayaa sheegaya inuu kacdoonkii ardaydu aad u sii kordhay. Waxayna
Dagaalo ku dhexmareen ardayda iyo ciidamada Itoobiya dugsiga sare ee Jarrati
oo ku yaala gobolka bari ee Walaga waxaana iska hor imaadkaas ku dhintay hal
arday.
Warku waxa uu intaa raaciyay in la xidhay dugsiyo sare oo aad u tira badan
oo ku yaalla bariga Walaga iyo bariga Shawa. Dugsiyadaas la xidhay waxaa ka
mid ah:
- 1. Dugsiga sare ee Jarati
- 2. Dugsiga sare ee Jadheera
- 3. Dugsiga sare ee Shambo
- 4. Dugsiga sare ee Gidha Gimara Milo
- 5. Dugsiga sare ee Finjara
- 6. Dugsiga sare ee Burqa Jifa
- 7. Dugsiga sare ee Gamo gudhaqala
- 8. Dugsiga sare ee Girisa
Warku wuxuu kaloo intaa raaciyay in macalimiin aad u tira badan iyagana la
xidhay, waxayna xukuumadda Wayaanuhu xidhayga macalimiintan sabab uga dhigtay
inay iyagu ka danbeeyaan kacdoonkan ardayda , laakiin warar xog-ogaal ah
ayaaa sheegaya in loo xidhay oo kaliya in macalimiintaasi ay u dhasheen
qowmiyada Oromada.
Warar kale oo aanu ka helay ilo muhiim ah ayaa iyana sheegaya inay
ciidmada Iihadhigtu ay dhakhaatiirta ka shaqaysa Isbitaalka magaaalada Naqmte
ku amreen inayna dawaynin ardayada kacdoonnadaas lagu dhaawacay.
Bannaanbax Itoobiya ka dhan oo Baladweyne ka dhacay.
Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee soomaaliya ayaa sheegaya in
banaanbax aad u ballaadhan oo lagaga soo horjeedo xukuumadda Itoobiya uu
halkaas ka dhacay. Banaanbaxaan waxaa lagu muujinayay sida looga xun yahay
xadhiga ay xukuumadda Itoobiya xidhxidhay xubno ka tirsan masuuliyiinta
Gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka ee deegaankaas.
Dadwaynihii bannaanbaxaas isugu soo baxay waxay cadho wayn ka muujiyeen
xadhiga sharci darrada ah ee xukuumadda Itoobiya ay masuuliyiintaas u
gaysatay, waxayna ka dalbeen inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dayso,
iyadoon wax shuruud ah sii dayntooda ku xidhin. Xukuumadda Itoobiya waxay
muddo bil ka badan xabsiga ku haysaa guddoomiyihii magaalada Baladweyne Aaden
Garaase iyo odayaal dhaqameed kale, mana ayna sheegin sababta ay xabsiga ugu
hayso.
26.03.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso warkan oo Cod ah
...HALKAN
KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA
WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u
tahay Radio Xoriyo, kana
tarjumimaayo aragtida SomaliTalk