w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- HARGEYSA
|
March 12, 2004
Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti
Ballaadhan oo uu Horkacayo oo Maanta u Ambabaxay
Britain
“Kumanaan kun reer
Somaliland ah oo ku qul-qulaya
London si ay uga qayb qaataan soo dhoweynta
Madaxweynaha iyo Weftigiisa”
Maanta oo ah maalin Jimce ah taariikhdu tahay 12 kii March 2004
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Rayaale, Kaahin Iyo Wefti
Balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa Galabta ka ambabaxay Magalada Hargeysa
iyagoo u sii jeeda Caasimada dalka Britain ee London, iyagoo ku sii hakan
doona caasimada Itoobiya ee Addis-ababa.
Weftiga uu madaxweynuhu
hogaaminayo oo ka kooban hogaamiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Axmed
Maxamed qaybe, gudoomiyaha Guuritida Sh-Ibraahim Sh-yuusuf Sh-Madar, wasiiro
ka tirsan xukuumada oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha debada edna aadan,
wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale, waxaana la filayaa inay wetigu
qaabilaan magaalada London 15-ka bishan
Laakiin dhacdada ugu weyni waxa ay dhici doontaa17ka bishan markaa oo uu
madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu ka khudbadayn doono aqalka
baarlamaanka ee
Britain.
Boqolaal dadweynaha reer
Somaliland
ah ayaa ku sii qulqulaya caasimada Ingiriiska ee
London
si ay uga qayb qaatan soo dhoweynta madaxweynaha
Booqashadaa oo ah tii ugu horeysay ee muddo ka badan 40 sannadood uu ka tago
madaxweyne ka socda Somaliland dalka Ingiriiska wuxuu madaxweynuhu markii ugu
horeysay khudbada ka jeedin doonaa fadhi wada jir ah oo ay yeelanayaan
qudiyada horumarinta caalamiga ah iyo cilaaqaadka dibada, waxaan maalintaas
isugu iman doona baarlamaanka hortiisa dadweyne farabadan oo reer Somaliland
ah, kuwaas oo ka kala imanaya daafaha dunida, gaar ahaana Britain oo ay ku
muujin doonaan taageerada ay u hayaan madaxweynahooda iyo weftiga balaadhan
ee la socda oo uu socda inay soo dhiciyaan qadiyada Somaliland ee dhudhubta
ku jirta, waxaanu u midaysan arrintaasi taageerayaasha saddexda xisbi ee ku
nool dalka Ingiriiska.
Dhinaca kalena waxa la abaabulayaa mudaharaad kan ku lid ah oo ujeedadiisu
tahay in lagu carqaladeeyo weftiga reer Somaliland, laakiin waxa taa sutida u
haya kumanaan ka mid ah dad reer Somaliland ee ku nool Waqooyiga America iyo
Yurub oo maalmahanba ku soo qulqulayey dalka Ingiriiska, kuwaas oo qaarkood
diyaarado khaas ah ka soo engaydh karaysteen waqooyiga maraykanka iyo Canada,
halkan qaar kalena ay tareeno iyo qaadiid kale u soo raaceeyn xarunta
magaalada Landon ee dalka ingiiriiska si ay u soo dhoweeyaan weftiga
madaxweynaha Somaliland, waxayna dadkaasi shaqooyinkoodii uga yimaadeen
difaaca qadiyada Somaliland iyo in ka faa’iidaysiga fursada dahabka ah,
iyagoo gaashaanka u daruuri doona cid kasta oo isku dayda inay carqalad ka
horkeento weftiga madaxweynah.
Liiska Waftiga uu hogaminayo Madaxweyanah S/land
-
H.E Dahir Rayale Kahin President Republic of
Somaliland
-
Madam, Huda Barkhad Adan First Lady
-
Edna Adan Ismacil Minister of Foreign
Affairs
-
Abdullaahi Mohamed Duale Minister of
information
-
Ahmed Haji Dahir Elmi Minister of Planning
-
Hussein Ali Duale Minister of Finance
-
Ahmed Mohamed Adan (Qaybe)
Speaker of the House of Parliament
Elmi Hirsi Ali
2nd
Deputy Chairman House of Elders
Sh. Ibrahim Sh. Yusuf Sh. Madar Chairman of
the House of Elders
Saed Jama Ali 1st Deputy Chairman
House of Elders
H. Abdi Hussein Yusuf Member of House of
Elders
Mr. Dahir Ali Eid Secretary to the President
Mr. Hussein Hassan Guleid Principal Aide to
The president
Mr. Abdi Osman Duale Presidential Security
Guard
Xisbiga Kulmiye oo baaq ka soo saaray Booqashada Madaxweeynaha iyo
Weftigiisa ee
Britain.
Sida laga warqabo waxa maanta booqasho ku tagay dalka ingiriiska wafti uu
hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin,
weftiguna wuxuu ka koobanyahay madax ka kala socota:
Golaha Guurtid
Golaha Barlamaanka iyo Golaha Xukuumada
Waxaana la filayaa inay yimaadan magaalada
London 15ka bishan.
Xisbiga Kulmiye guudahaan isagoo xeerinaya danta guud iyo qaranimada
Somaliland, isla markaana aaminsan in hawlaha qaranka meel looga soo wada
jeesto, waxuu dadweynaha reer Somalialnd ee degan wadanka Ingriiska, xisbi
kasta oo ay taageeraanba ugu baaqayaa inay si hagar la’aan ah uga qaybqaatan
hawlahaa heer qaran ee waftiga uu hogaaminayo madaxweynuhu mudada ay dalka
jogan.
Xisbiga Kulmiye waxuu dadweynaha reer
Somaliland ugu baaqaya inay si laxad-leh uga soo
qaybqalaan banana baxa lagu taageerayo Madaxbanaanida iyo aqoonsi raadiska
Jamhuuriyada Somaliland.
Waa in meel looga soo wada jeesto cadawga
Somaliland ee doonaya inayrabshaan fursadan qaaliga ah
ee booqashada waftiga.
HASHAAN GAADA WEYNOW LIBAAX UGA GABOON WAAYAY INAAN GORAYO CAWL UGA TAGAA
WAA HAL SOO GUDHEY
Cabdilaahi Suldan (Timacade)
Guul iyo Gobanimo
Walaalkii Cabdifataax
Cabdifataax_96@hotmail.com
Hargeisa Somaliland
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|