SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

Narch 27, 2004

GUULAHA DIBLOMAASIYADEED EE SAFARKA RIYAALE IYO CADAWGA KU XEERAN

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


diridhaba2001@hotmail.com
Mobile: 00-92-300-2600907
P.o.Box: 8432, University Of Karachi
Karachi, Pakistan
.

 

Tan iyo intii uu xukunka qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, waxaa soo baxaayey ifafaalo diblomaasiyadeed oo Somaliland beesha caalamka u bildhaamisay, markaynu dib u raad raacno taariikhda kooban ee Madaxweyne Riyaale iyo daahfurka siyaasadiisa arrimaha Dibadda, waxaynu ku bilaabi kara Socdaalkii uu ku tegay Madaxweynahu wadamo dhawr ah oo ku yaal afrika, Sida Senegal, Ethiopia, Djibouti, iyo Mali, inkastoo la odhan karo safaradaasi waxay ku soo beegmeen wakhti uu Madaxweynahu ku jiray Kala-guur Siyaasadeed, oo loo diyaar garoobaayey dooroshooyin dimuqraadi ah oo ka dhaca Somaliland, hadana lama yasi karo dedaalkii balaadhna ee safaradiisasi iyo kobcinta diblomaasiyadeed ee ay Somaliland u horseeday, taasi oo akhriste la odhan karo waxay jihaysay in afrikada Madow si degen uga fikirto dalkan yare eek u go’doonsan cidhifka afrika.

[Flag of South Africa]
wasiiradda Arrimaha dibadda ee Koonfur afrika Madam Dr Nkosazana Dlamini Zuma
iyo dhigeeda Somaliland Dr. Adna Aadan ismaciil

Sannadkii ina dhaafay ayaa sharci dajiyaal (Legislators) ka hawl gala wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Koonfur Afrika waxay hor dhigeen haweenayda Wasaaradda arrimaha dibadda ee koonfur afrika ka madaxda ah in ay Somaliland xaq buuxa u leedahay in la aqoonsado, taasi oo dawladda koonfur afrikana usoo gudbisay qaraar golaha midnimada Afrika, qaraarkaasi oo qeexayey sida Somaliland ugu bisishahay aqoonsi caalami ah oo beesha caalamku u garawsato, qaraarkaasi waxaa ku xardhana bisaylka siyaasadeed ee Somaliland gaadhay mudadii 13 sanno ahayd ee ay dawladnimadeeda u madax banaanayd, warbixintaasi ay xukuumadda koonfur afrika soo hordhigtay golaha midnimada afrika oo aad u dheerayd waxay xeerisay ama tusaale usoo qaadatay qaraarada u yaalla wadamada afrika oo dhigaya in dal walba loo aqoonsado sidii uu gumaystahu kaga tegay, taasi oo ayey yidhaahdeen xaq u siinaysa Somaliland in ay beesha afrika ugu horayso aqoonsiga caalamiga ah ee ay u heelantahay.

Inkasta oo markaynu dib u eegno halkii uu ku danbeeyey qaraarkaasi koonfur afrika u gudbisay beelweynta afrika aynu u nisbayn karo daal farabadan oo ka muuqda dedaalka Xukuumada Riyaale oo aaban odhan karo waanay ka daba tegin sidii ay uga midho dhallin lahayd, hadana waxaa taasi ay guul weyn usoo hoysay muddo laga joogo hal bil iyo badh, ammintaasi oo xubno ka tirsan golaha baarlamaanka ee ingiriisku ( The british House of commons) ay dood jilbaha la is dhigtay ka yeesheen qaddiyadda Somaliland, iyaga oo tusaale usoo qaatay qaraarkaasi ay koonfur afrika u gudbisay ururka midnimada Afrika (OA), taasi waxay guul balaadhan u noqotay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, oo badiba shacabka reer Somaliland aad u daneeyan.

Haddii aan isku dayo inaan gunta qoraalkayga u daadago, ayaan jecelahay inaan ku bilaabo guulahii siyaasadeed ee ay xukuumadda madaxweyne Riyaale soo hoysay, iyo booqashadoodii waddanka Britain.

Inyar uun ka dib lafa guriddii House of commons-ka waddanka ingiriiska qaddiyadda Somaliland, waxaa Madaxweyne Riyaale si layaableh loogu sooryey guriga ama dhismaha (West Minister) inuu ka jeediyo farriin uu gudbinaayo sharci dejiyeenada waddanka Britain ugu muhiimsan, Madaxweyne Daahir Riyaae Kaahin wuxuu booqasho taariikhi ah ku soo gaadhay 15 bisha March sannadda 2004, magaalada London, isla 17 bishana wuxuu qudbad taariikhi ah ka jeediyey dhismaha west minister oo ay ku soo xoonmeen xildhaabanada Guriga House of commons-ka.


dadkii dhegaysanaayey qudbaddii Madaxweynaha ee House of Commonska

Nuxurka qudbadda oo aad ka dheehan karaysay mid aad looga fikiray, naxwe iyo xikmado badanna ka muuqdaan, aad iyo aadna la taliyayaasha Madaxweynaha ee xagga siyaasaddu ugu tuuntuunsadeen qodobo badan oo la filaayey in uu madaxweynahu u gudbiyo xildhibaanadii dhegaha u raadraacinaayey, wuxuu Madaxweynahu qudbadaasi u jeediyey golaha house of commonska Britain isaga oo wejigiisa ay ku ladhantahay farxad iyo rayn rayn weyn, aanad ka dheehan karaysay wejigiisa rajo aad u balaadhan, Madaxweynahu wuxuu qudbadiisaasi ku bilaabay mahad naq iyo rajo wanaag u diray baarlamanka casuumay, wuxuu qudbadiisa ku lafa guray baahida balaadhan ee dalkiisa Somaliland u qabo in xukuumadda Britain oo ahayd maxmiyaddii Somaliland aan looga horayn aqoonsi buuxda oo ay beesha caalamku siiso Somaliland, wuxuu tusaale usoo qaatay rag aad uga can ahaa siyaasadda dalka Britain, iyo xikmado ay ka jeediyeen isla guriga uu madaxweyne Riyaale qudbadda ka jeedinaayey, qudbaasi oo aad iyo aad u dheerayd wuxuu Madaxweyne Riyaale Dhawaaq dheer u diray xildhibaanada dalka Britain in ay taakulo weyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale u diraan dalkiisi hooyo ee Somaliland.

Xaqiiqdii waxay u ahayd golaha House of Commons ee waddanka Britain maalin taariikhda si weyn ugu gashay, Madaxweyne Daahir Riyaal-ana waxay u noqotay mansab siyaasadeed oo aan weligii maskaxdiisa ka faaruqin, waayo waxaa la odhan karaa waa markii ugu horaysay ee Baarlamaanka waddanka Britain uu ka qudbadeeyo hogaamiye aan dalkiisa la aqoonsanayn, waxaa kale oo la odhan karaa waa markii ugu horaysay ee taariikhda Madaxweyne Riyaale u geli doonta inuu hor istaagay baarlamaan dunida horumartay ah uuna ka jeediyey qudbad layaableh.

Markaynu dhinaca kale ka eegno safarka Madaxweyne Riyaale waxaa iska soo daba dhacay casuumado badan oo Madaxweynaha iyo Wefdigiisa loogu yaboohay inay booqasho ku yimaadan waddamo badan oo Europe iyo waqooyiga maraykanka ka tirsan sida waddanka Belgium oo xarunta waddankaasi tahay halka looga talliyo midnimada Europe, France, Germany iyo Swizerland, taasi oo guul weyn u ah siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland oo si weyn uga dhex muuqatay mansabyada beesha caalamka, sidoo kale waddanka Canada ayaa ugu baaqay Madaxweyne Riyaale iyo wefdigiisa inay soo booqdaan Toronto iyo Ottowa, taasi oo bildhaan siyaasadeed u noqon karta xukuumadda Riyaale xagaa iyo waqooyiga ameerika.

"Ileen taariikhda cidina ma qarin karto alla naxariistii Janno ha siiyo Maxamed Ibraahim Cigaal hogaamiyahii weyna ee Somaliland oo Sallaan sharaf kaga qaadanaya gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa cutubyo ka tirsana ciidamadii Somaliland sannadkii  june 1960-kii June 22 keedi, markaasi oo madaxweyne Cigaal soo saxeexay heshiiskii xornimada ay Somaliland kaga qaadatay dalka ingiriiska"

"maanta maanta waa maalin weyne maanta, maanta maanta maanta Madaxeen banaane maanta,"

 

 

 

 

 Hogaamiyahii weyna ee Somaliland alla ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal iyo farriintiisi Aqoonisga Somaliland

"waxaa ayaan darro ah toban sanno ka dib in aan naloo qadarin sida Eastimor iyo Kosovo, Somaliland waa in hadda beesha caalamku aqoonsi caalami ah ugu abaal gudda"

Ambassador Schermerhorn Safiiraddii hore ee Djibouti u fadhiyayday maraykanka iyo farriinteedii aqoonsiga Somaliland safarkii alla ha naxariistee Maxamed Ibraahim cigaal sannadkii 1998-kii ee washington.
"Let’s recognize for a moment the late president of Somaliland, president Mohamed H Ibrahim Egal, who was a visionary man"

"aynu qaddar aqoonsanno inuu Madaxweynahii hore Somaliland ahaa Madaxweyne aad iyo aad u aragti dheer"

"Mrs. Barbara Euser" qoraaga buugga caanka ah ee "Somaliland" iyo farriinteedii aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland

"I can see no reason why the international community does not recognize Somaliland"

"ma arkaayo sabab ay beesha caalamku u aqoonsan wayday Somaliland"
T
an iyo sannadkii 1998-kii wefdi baaxadda leh oo ka socda Jamhuuriyadda Somaliland kumuu imanin safar waddamada galbeedka, wakhtigaasi oo Madaxweynahii hore ee Somaliland ilaahay naxariistii Janno ha siiye Maxamed Ibraahim Cigaal iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminaya booqasho layaableh ku yimaadeen, waddamo ay ka mid ahaayeen, Italy, France, U.SA, iyo Germany.

Madaxweynaha Somaliland oo salaamaya dadkii sii dhaweynayey. Rayaale iyo Yaassiin.
Afar iyo afartan sanno ka dib ayaa mar labaad madaxweyne Somalilander ahi u ambabaxay xorriyadda Somaliland 12 March 2004

Su,aasha iman karta meeshu waxay tahay waa maxay Caqabada hor iman karta dedaalka xukuumadda Riyaale ee beesha caalamka?

Akhristow tusaale fudud waxaa ku filan arrintaasi dhacadii foosha xumayd ee lagu dilay muwaadinaddii u dhalatay waddanka Kenya una shaqaynaysay haayadda samafalka jarmalka ah ee GTZ, laguna dhaawacay Muwaadinkii jarmalka ahaa ee isla haayadaasi u shaqaynaayey, waxaa kale oo dhaawac loo gaystay muwaadin kale oo u dhashay jamhuuriyadda Somaliland.

Cadawga Somaliland waxay beegsadeen saaxiibka koobaad ee Jamhuuriyadd Somaliland kuwaasi oo ah birma gaydada u shaqeeya haayadaha Samafalka ee Somaliland, iyada oo la damcay in beesha caalamka la tuso sida Somaliland daciifka ugu tahay amaanka dalkeeda, balse miyaan la odhan Karin hawlgaladaasi argagixisinimo waxay u khashifmeen si fudud?.


Burburka ay gaadhsiiyeen diyaaradahii ciidamadii Maxamed Siyaad barre 1988-kii magaalada Hargeysa.

hargeisast-3.jpghargeisaview.jpg

dancut2.gifWaa sawir ka mid aha guryaha casirga ah ee laga dhiso caasimada Somaliland ee Hargeysa
Hargeisa oo bilicda iyo quruxdu ku soo laabatay 13 sanno ka dib waa march 2003

Dadka ku dhaqan Hargeysa, Berbera, Burco, Boorama, gabiley, Ceerigaabo iyo magaalooyin iyo tuulooyin badan oo dhulka Somaliland ku dhararta ah, waa kuwii 14 sanno ka hor lagu garaacaayey diyaaradaha iyo madaafiicda ka dhaca hubka waaweyn, waa kuwii loo gumaaday loona xasuuqay sida bin-aadminada ka baxsan, waa kuwii waayey kumanaan halyey, kumanaan hooyo, kumanaan caruur iyo dumar iskugu jira, la baday tiifta iyo dhiibatada, balse akhristow ilaahay u hawl yareeyey inay si fudud oo samir badanni ka muuqda uga gudbaan waxaasi oo dhan, waa kuwii dhinaca iska dhigay dhibaatadii la baday, waa kuwii guntiga dhiisha u xidhay sidii ay dalkooga u midayn lahaayeen boodhkana uga jafi lahaayeen Maandeeq-dii la waayey 40 sanno ka hor, waa kuwii alla ku ilhaamiyey magaalada Burco sannadkii 1991 18 May inay xorriyadooda iyo madaxbanaanidooda ku soo ceshadaan baabacooyinka gacmahooda, waana kuwa manta Og cadawgooga loona tilmaamayn bartilmaameedkiisa, waxaanse jecelahay inaan u diro farriintani cadawga Somaliland meel wal oo ay joogaan, kuwa dhibtu ay ku hayso guulaha ay Somaliland soo hoynaysa, kuwa damiirkoogu qaadan laayahay nabadda iyo horumarka dhaqaale ee ay somaliland ku talaabsatay 13 sanno ee ay xorriyadda gacanta ku haysteen:

damiinka waxaa ka dhigay
amuurahan daalka badan
siday u dul cararayaan
kashii demman bay legdaan
siday wax u duufsadaan
daliil uma si hayaan
Hubkooda dayaanka dheer
markay darandoorriyaan
cid bay ku dullaynayaan
cabsay dad ku beerayaan

korkeena inay degaan
dusheenna ka soo hadlaan
waxay ugu duur xulaan
kasheenna inay darbaan
hankeenna inay dilaan
jidkeenna inay duwaan
dawaafka is dhaafayaa
duullaanka cirkee socdaa
dedaal iyo maaha guul
daryeel kuma baadhayaan

Aan ku soo gunaanado farriin aan jecelahay inaan u diro shacabka Somaliland, shacabyahow waxaad tahiin shacab alla siiyey nasiib iyo hibo badan, waxaad tahiin shacab aan loogu tallo gelin in ay habeen ku noolaadan beriga afrika, waxaad tahiin shacab loogu tallo gallay in danbaskooga la hadal hayo waayo waayo, balse ilaahay siiyey haybad iyo sharaf badan, waxaan shacabyahow idinkula tallin lahaa inaad gacmaha is haysataan, cadawgiina ogaatan gudaha iyo dibadaba, ma jecla cadawgu inaad habeen naacawda nabadda ku seexataan, balse shacabyahow wanaagsani waxaasi oo dhan waxaad kaga bixi kartaan inaad gacmaha is qabsataan, la shaqaysaan dawladiina, ogaatan wanaagiina, u adeegtaan diintiina, ka foojignaatan waxa fadqalad dhexdiina ka abuuraaya, ku dedaashan horumarinta dhulkiina hooyo, ku baraarujisaan xukuumadiina gal-dalooloyinka ka muuqda, ogaada shacabyahow wanaagsani in aanay jirin cid idinka nasiib wanaagsani, idinka sharaf badan, idinka xilkasnimo badan maanta, balse muwaadin ogow in aan la jeclayn waxaasi oo idil, ka foojignaw cadawgaaga gudaha iyo dibada, dawadaadu ha noqoto gacmaha oo aad isqabsataan, xulafaysiga siyaasadda oo aad meel iska dhigtan, danta guud oo aad ku baraarugtaan.

Ilaahay Somaliland ha ka yeelo meel horumarka iyo nimcadu hormood u noqota

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO KA NAXOW NAFTA WAA

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

WWW.SOMALILANDTALK.TK

Mobile: 00-92-300-2600907

P.o.Box: 8432, University Of Karachi

Karachi, Pakistan.

 QORALADII HORE EE DIRIDHABA

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><><>

Cabudhinta iyo Caga Juglayn Hargeysa
xubno ka tirsan Golaha wakiilada Hargeysa oo lagu hayo cabudhin Guji

» Daahir Riyaale oo ku hungoobay socdaalkiisa Britain [M.Garre]
» Guulaha Diblomaasiyadeed ee S/L ma laf Dhuungashay..  [Diridhaba]

"Caburinta S/land ku heeso fikradaha Soomaalida."
Qore: Liban Daahir
Waxaan in muddo ah usii dhaba galay shabakadaha soomaalida oo si xad dhaaf ah usoo bandhigaya aragtida & fikradaha reer... Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com

 
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD