SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

Narch 17, 2004

GUULAHA DIBLOMAASIYADEED EE SOMALILAND MA LAF DHUUNGASHAY AYEY KU NOQDEEN DADKA QAAR

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Ilaahay ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay Naxariis iyo Nabad gelyo Korkiisa ha ahaato nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W)

Aniga oo aan jeclayn wakhtiga xaadirka ah inaan bildhaamiyo sifooyin qaarkood iyada oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku gudo jiro Socdaalka uu ku gala bixinaayo dawladaha europe qaarkood, hadana waxaan jecelahay akhriste inaan inyar oo kooban ku idhaahdo Warxuma tashiilka xasadku buuxiyey ee horumarka Somaliland aan ogolayn, Haddii alla idmo waxaan jawaab waafiya oo dhinacyo badan iyo tusaalooyin badan wadata waxaan bixin doona marka uu safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhamaado:

Ilaahay quraankiisa wuxuu ku yidhi Casawajala Suuratul Falaq "Qofkii wax xasada isagana waa la xasada" taa waxaan akhristow uga gol leeyahay waxaynu ognahay maanta halka ay taagantahay Soomaliya iyo dhibta iyo dhibaatada ka jirta anigu hantaataca iyo hadaaqa aan meelna ku haboonayn u qaadan maayo Umadda Soomaliya ee dhibaatadu ku haysato Muqdisho, Boosaso, Bay dhabo iyo meelo kale balse hadaanu nahay Umadda Reer Somaliland meel wal oo aanu joogno waxaanu ilaahay u barina inuu ilaahay dhibta ka saaro umadaasi, balse dad badan oo ku nool meelo kala duwan oo asal ahaan ka soo jeeda meelaha aan tiraabay ayaa waxaa buux dhaafiyey xasid iyo warxuma tashiilnimo ilaahayna subxanahu watacalaye u naxariisan maayo, taasi ayaan ilaahay ka beryey insha allah, Ilaahayna hore ayuu u ballan qaaday sidaa aan kor aayadda quraanka ah ku soo sheegay.

Waar nimanyahow Wallaweyn haddii ay Somaliland horumar gaadhay oo caalamkii u istaagay oo loo gaarabay, oo ay shacabkeedu go'aan gaadheen, waa Maxay xasadka iyo xisdiga intaa le'eg ee idinka dhawaajinaya, aniga oo aan horaba u dareensana in cadawga Somaliland badanyahay, ayaan maanta dareemay in aan umadda Somaliland waxba loo ogolayn, nin sheeganaya inuu ka soo jeedo Laas Canood ayaa dhawaaqayo wuxuu yidhi "Umadda Soomaliyeed ayuu Riyaale kala goyanaya" Qodha iyo xero ninyahow inaan magacaaga sheego ma jecliye, ma maantad soo baraarugtay, Umadda soomaliyeed ee jirta waa tee? halkay taalla midnimo iyo waxaad ku hantaatacaysa, halkay jiraan, dadka Hargeysa, Burco Berbera, Boorama, Ceerigaabo ku nool ee midnimo u hanqal taagaya, Saaxiib waad riyoonaysa ee hurdada ka kac oo adduunka la soco, ta kale aan kuugu daro eh wuxuu ninkii jiray yidhi:-

Dood wali tixraaceed
Daad waliba taagtii
Duddo wali yagleelkeed
Sabo waliba daaqeed
Damiir wali canaantii
Dawan waliba yeedhii
Dacar wali hulaaqeed
Deelleydu waa shaxe
ninba waa godkuu dego


Nin Muraayad daawaday
Foolxumo is diidsiin
kuma doorin karayee
Ma inuu dillaacaa
Duxda hadalku meel lehe
Dusha boogta laga dhayo
aan mililka loo degin
Dawadeeda lama helo
Darbbaddii qabiilkiyo
Hadduu doogtey nabarkii
Gacantii wax duugtaay
Dufan baad u baahnayd

Saaxiibkayga marakaykanka ka soo hadaaqow, waxaan filaya inaan hadal danbe oo intaa ka badan aanad istaahilin balse "Fahanoo Ujeedada Faraskaaga laga bedi intaad fuul isleedahay"

Anigu shakhsi ayaan ahayo waxaan aaminsahay in xal lagu gaadhi karo marka la isfahmo oo la isqadariyo, ee xasdiga iyo nacwadda iyo qudhunka qalbiga ku jira la iska nadiifiyo, Waar bal nimankiinan Madaxweynahayaga Socdaalka ku tegay europe ka muraradilaacayow, maad maalin qudha shacabkiinu waa idiin baahanyahay maalin walba suuqyada lagu laynayaaye aad ka muraaridilaacdaan mooryanta dhibaatada ku haysa, nin aanan jeclayn inaan magac dhabo oo Jarmalka degen ayaa isaga oo hadalka qalbigiisa ku jira isdiidsinaya wuxuu yidhi "NIn aan London kula xidhiidhay oo magaciisa inuu sheego ka gaabsaday ayaa wuxuu yidhi baarlamaanka Britain waxaa lagu harqiyey laaluush" qodha iyo xero nimanyahow bal xaasidka iyo xisdigu halkuu gaadhay eega! ninkii jiray ee kale waxaa laga haya

Doqon yahay masayrkiyo
Danni lagu abuuree
Deeqdii Illaahay

Deelqaaf ka mudataay
Adigiyo dangaladaa
Da'kastaydin qooqdaan
Waxa aydin dihataan
Daratiyo ma caal baa?

Maansada dunteediyo
Waxa lagu dir-soocdaa
Degelkiyo dhirteedee
Heellada ma danadiyo
Dibowgaa ka gurataan?
Murtidiinnu dakhariyo
Dalab iyo lanlaamiyo
Daldaloolo badanaa?

Ma dareere miirtiyo
Duddun bahal galeenaa?
Dardartii aftahankiyo
Dilladii farshaxankiyo
Dux abwaan ma sidatoo
Diiftii saboolkiyo

Daal baa ka muuqdee
Gabaygaba ma ducashiyo
Dawersaa ku keentaan?

Mise dagan ma dhaaftiyo
Duul baa ka gadataan?

Guntii iyo gebo-gebadii ayaan jecelahay inaan idhaahdo digniin keliya waar nimanyahow annagu go'aan ayaanu gaadhnay sidii rag go'aan u gaadhi jireen, qaran Somaliland la yidhaahdo ayaanu dhisanay shacabkayaga boqolkiiba 97% waxay u codeeyen in qaranka alla siiyey ay ku hoos nooladaan madaxbanaanidooduna dhayal danbe kaga lumin, ee iska daaya xasadka iyo xisdigo ilaahayban idinku dhaarshe ilaahay ragbuu idinka dhigaye dalkii aad ka dhalateen waa idiin baahanyahaye iska daaya hantaatacan aad dibadda ka hantaatacaysaano dalkiina ku soo noqdo mooryanta ka dhiciya

aan ku soo gunaanado:

Noloshaba ma dirashiyo
Damqashada calooshiyo
Dalqadaa ka barateen?

Midha-Daray raggiinaa
Duudduub ku liqayow
Kolley geedka duuggiyo
Taariikh la daastiyo
Laga diirto magac hadha
Sida diirta xagatoo
Dadnimada arradisee
Dib maxaa u dhigateen
Duniduba ma maantaa?
Dab cunaannu idin nidhi

Maansadu dan guud iyo
Dalka hanashadiisiyo
Dadka wada-jirkiisiyo
Dawna way ku socotaa
Dawladnimou samafala
In kastoo dirkeediyo
Dulucdeedu saas tahay
Misna loo dardaar weri
Ka hor yimi nin diiddani
Deri iyo u yeel tuur
Dunjigeeda maydhaan
Xistegeedu daba gure

Dibinada shirqoolka ah
Inta boholo loo dedey
Kaga gudubtey daanshood
Digashadu ma saamayn
Dhibta waw dul leedahay
Dibin daabyo hoosiyo
Dabra, weerar caabbiya
Duullaanna waw hadhay

Dibso aan nidhaahnoo
Ha dekaanto mooyee
Dabarkeeda geenyada
Geedkee ka diirraa
Qorshahaba laguma darin
Doc wareenka sheelka ah
Iyo saymo dawdilan
Kuma dagato maansadu
Xinka way ku darartaa
Kulka way u dirantaaa
Dabka way ku carataa
Haddii jeedal lagu dayo
Deeddankay ku badisaa
Dakharada la yeeliyo
Hubka lagula daalee

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO. KA NAXOW NAFTA WAA.

ALLOW DALKA DHISNE INTA HADHAYNA NAGU GAR GAAR UMADDA SOOMALIYEEDNA DHIBTA KA SAAR

 QORALADII HORE EE DIRIDHABA

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

WWW.SOMALILANDTALK.TK

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD