UJEEDO: SOO DHAWAYNTA MADAXWEYNAHA SOMALILAND EE
WADDANKA BRITAIN
Mudane/Marwooyin
Soddon Sanadood oo dalkeenu ku hoos jiray cidhidhi balaadhan, caga juglayn
iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karaynin, 20 sanadood oo aynu ku jiray
juhdi, dagaal, iyo xornimo u dirir farabadan, iyo 13 sanadood oo dalkeena iyo
dadkeenu ku hoos raaxaysanayeen naacawda udgoon ee xorriyadda Jamhuuriyadda
Somaliland, waxaynu maanta gaadhnay wakhtigii aynu kaga dhabayn lahayn
Aqoonsiga aynu u heelanayn Afartanka sanadood.
Madaxweyne Riyaale wuxuu ubaahanyahay Taageerada Somalilanderka ku dhaqan
waddanka Britain.
Mudanayaasha iyo Marwooyinka kor ku xusanow waxaan jecelahay taariikhda
cidina ma qorto oo iyada isa soo cel-celisa eh inaan idin yar xasuusiyo sidii
fududayd ee aynu xorriyadeena ku luminay afartan sanno muddo hadda aynu ka
joogno, iyo sidii foosha xumayd ee dadkeena iyo dalkeena loola dhaqmay.
Sannadkii 1960-kii ayaa siyaasiyiintii dalkeena oo ay ka mid ahaayeen
Ilaahay naxariistii Janno ha siiyo Maxamed Ibraahim Cigaal Madaxweynaheeni
Hore, Mickeal Mariamo, Cumar Carte Qaalib, iyo Rag badan oo mutacalimiin iyo
siyaasiyiin iyo khubaro iskugu jira oo badankood maanta mootanyahiin waxay
Isla magaalada London usoo gaadheen sidii ay uga dhabayn lahaayeen xornimo u
dirirkii ay doonayeen badiba shacabka Somaliland sannadkaasi, waxay halkaasi
ku kala saxeexdeen boqortooyada Great Britain oo ahayd Mustacmaradii dalkeena
Xorriyaddda iyo Madaxbanaanida dalkeena in aynu gacanta ku dhigno, sannadkaa
aan Mudanayaal/Marwooyin ka hadlaayo waxaa jiray in dalal badan oo afrikaan
ah oo maanta inaga horumar badan inagana dhaqaale badan aanay aqoonsiba u
heelanayn, Ilaahay ayaa Mahadlehe waxaynu xorriyadii kula soo noqonay
dalkeena hooyo waana taynu u heesnay ee Abwaanadii inaga horeeyey u
geeraareen
Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
ilaahayow u naxariiso Cabdilaahi Suldaan Timacadde, todoba cisho ka dib
xorriyadeeni waxaynu ogayn halkay martay iyo dhibti iyo dheeftii ka danbaysay,
kumanaankii u shahiiday sidii dib loogu heli lahaa Maandeeq, kumanaankii
dalkooga uga haajiray, kumanaankii hooyo ee ku goblamay, kumanaankii Aabo ee
ku naf waayey, Kumanaankii caruurta ahaa ee ku laxaad beelay, kumanaankii
Arday ee ku aqoon beelay, malaayiinkii guri ee ku burburay, balaayiinkii
hanti ahayd ee ku khasaaray, waxaasi oo dhami dhayal kuma dhicin, balse
Soomalidu horay ayey Mudanayaal/Marwooyin u maahmaahday waxaanay tidhi "MAR
I DAGE ALLA HA DEGO MAR LABAAD I DAGASE ANAA IS DEGAY".
Somalilander maanta waxaynu joogna maalintii aynu ka jibbo keeni lahayn
dedaalkeenii iyo juhdigeeni, waxaynu joogna maalintii aynu dib abaalka ugu
celin lahayn da'yarteena soo kacaysa, maalintii aynu dib abaalka ugu celin
lahayn dalkeenii cadadiska la saaray, waxaynu joogna wakhtigii aynu beesha
caalamka ka dhaadhicin lahayn yari iyo weyn sidii aynu wax usoo qabsanay
iyada oo aynaan gacan kale waxba ka helin, sidii aynu waddankeena xasiloonida
iyo naacawda udgoon u gaadhsiinay, Sida ayn xaaran inooga tahay in aynu dib
danbe cid kale wax la qaybsano, sida aynu ugu heelanahay xorriyadda iyo
Dimuqraadiyadda aynu ka yagleelay dacalada kala duwan ee dalkeena hooyo,
Masuuliyadaasi balaadhan Mudane iyo Marwooyin waxaynu dhabarka ka saaray 14
april ee 2003 Madaxweynaheena Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo aynu u dooranay
inuu hogaan u noqdo dalkeena Somaliland hadaba waxaan jecelahay in aan u diro
dhambaal dhamaan Somalilanderka ku dhaqan qaaradda europe khaasatan
Somalilanderka reer England
Waxaa dhawaan soo gaadhi doona waddanka Britain magaalada London Wefdi
balaadhan oo uu hogaminaayo Madaxweynaheena Mudane Daahir Riyaale Kaahin,
wefdiga ujeedadiisu waxa weeyan sidii looga midho dhallin lahaa afartan sanno
ka dib Aqoonsi caalami ah oo beesha caalamku ina siiso taasi oo furaheedu
yaallo waddanka Britain oo ah mustacmaradii waddankeena hore u joogi jirtay,
hadaba waa maxay Masuuliyada Muwaadiniinta Reer Somaliland ee ku dhaqan
waddanka ingiriisku:-
14 bishani aynu ku jiro ee March wuxuu soo gaadhi doona Madaxweynaha
Jamhuuriyaddda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin Magaalada London.
seddex cisho ka dib wuxuu madaxweynahu booqan doona guriga baarlamaanka ee
waddanka Britain (The British House of commons) halkaasi oo uu khudbad dheer
oo dhinacyo badanleh uga jeedin doono Mudanayaasha golaha Common house ka
britain, hadaba waxaan u jeedinaya shacabka Somaliland in ay madaxweynahooga
siiyaan taageero hiil iyo hooba, ah goobtaasi wuxuu Madaxweynahu u
baahanyahay inuu hello codkiina iyo astaanta taageeradiina, Waxaan Mudanayaal/Marwooyin
idinka codsanaya in aad ku dedaashan sidii Madaxweynaha loogu soo dhawayn
lahaa waddanka Britain si layaableh oo aan hore loo arag, waxaa kale oo
Madaxweynaha u qorshaysan inuu kulamo la yeesho Ra'isal wasaaraha Britain
Tony Blair iyo ku xigeenkiisa John prescot iyo wasiiro dawladooda ka tirsan,
hadaba waxaa loo baahanyahay Mudaharaado balaadhan in lagu tuso dawladda
Britain iyo bahwadaagta kale ee beesha caalamka
Sida ay inooga go'antahay Masayrkeena dawladnimo iyo xorriyadeed
Sida aynu u doonayno in ay Dawladda Britain kow ka noqoto aqoonsi
buuxda oo Somaliland-ta cusubi ka hesho beesha caalamka
sidii beesha caalamka loo tusi lahaa in Somaliland leedahay jaaliyad
badan oo ugu dhaqan waddanka britain iyo europe oo dhan oo ay ka
go'antahay sida dadkooga dalka gudahiisa ku dhaqaniba uga go'antahay sidi
ay madaxbanaanidooda u kasban lahaayeen
In madaxweynaha lala garab taagnaado Mucaarid iyo Muxaafidba hiil iyo
hooba inta uu ku jiro hawsha shaqo ee uu ku joogo waddanka Britain
Jaaliyadda Reer Somaliland ee waddanka Britain oo aan hubo inay
hormood u tahay jaaliyadaha Somalilanderka ah ee europe ku dhaqan waxaa
looga fadhiya Mudahaarado iyo soo dhawaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland.
Somalilanderka ku dhaqan dhamaan daafaha europe waxaan ka codsanaya
inay ku biiraan walaalahooga reer England sidii Madaxweynaheena loogu soo
dhawayn lahaa waddanka Britain
Ururada SDWO iyo SOMALILANDFORUM, waxaan ka codsanaya inay laban
laaban dedaalkooga sidii loo soo dhawayn lahaa Madaxweynaha jamhuuriyadda
Somaliland
axsaabta siyaasadda ee UCID, UDUB, IYO KULMIYE waxaa la idiinka
fadhiya sidii aydun u garab istaagi lahaydeen Madaxweynahiina.
Guntii iyo Gebo-Gebadii ayaan jecelahay inaan u diro baaqan Somalilanderka
ku dhaqan dalka britain.
Deegaanta noloshiyo
Darantiyo samaantana
Ninkii doonayoow taas
Daw loo maraa jira
Umad yahay daryeelkaa
isku duubnidaa iyo
Adigiyo dedaalkaa
Dawadaadu waa taas
Dhan hadday ka debecdana
Gabbalkaa dam weeyaan
Ma dardaaran baa hadhay
Deexashada tusaalaha
Ama talada deeqda ah
Miyaad dood ka leedahay
Geenyadaydi Daalacan
Dabar saari maayee
Dibso aan idhaahdoo
Dagagara ayaamee
Sulmakii darbane mee
Dalandaliska Naylaha
Doonnanteenan boqorka leh
Deelleyda baaqa ah
Darka laaska beeshiyo
Duunyadu isugu timi
Dalbashada wadaantiyo
Adaa doojinteediyo
Haya dawliskeedoo
Dulqulaalka xanankiyo
Dogobkiyo Huuddiyo
Waxa tahay Bir-daaqeen
Ardaydiisa dooddiyo
deeqsiiya hadalkee
Sangahaagi Doolaal
mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Sheekadu ha durugtee
Dawi reer Somalilandow
Haddaan dayro kaa dhigo
Anaa daawadii furay
Waa innoo dantaas guud
Deelka-xeel-la'aaneed
Carrab dalab-la'aaneed
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
WWW.SOMALILANDTALK.TK