Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamad korkiisa ha ahaato.
Markuu
cusbaa dagaalkii Maraykanka iyo xulufadiisu ku qaadeen Ciraaq ayaa anoo
habayn saqdii dhexe dhagaysanaya raadyoow ay BBC-du leedahay oo la yiraahdo
five live wuxuu soo xigtay “xog” ay sii daayeen taliyayaashii ciidamada
Maraykanka ee Qadar ku sugnaa. Waxay dhaheen daqiiqadaha soo socda waxaan
shaacinaynaa howlgal ay ciidamada Maraykanku ka sameeyeen gudaha Ciraaq, waa
intii aysan Baqdaad qabsan.
Saan isu lahaa
taloow maxay la soo kooryayaan bay waxay cabbaar ka bacdi sheegeen in
ciidamada kumaandooska Maraykanku soo badbaadiyeen gabar askariyad ahayd oo
maxaabiis ahaan loo qabsaday. Maamulka Maraykanka oo ka niyadjabsanaa dhibta
ka qabsatay Ciraaq iyo iyadooy soo baxeen waxyaalo aysan xisaabta ku darsan,
ayaa bilaabay inay arrintaas naf ka dhigtaan si ay quluubta dadka u kasbadaan
laakiin waxaa la ogaaday inay Ciraaqiyiintu si fiican gabadhaas ula dhaqmeen
iyagoon dan ka lahayn joogintaanka ay isbitaalka joogtay maaddaama boqolaal
kun oo ciidan ay mar horaba gudaha Ciraaq ku jireen. Waxay maamulka
Maraykanku dhoobdhoobayeenna been bay noqotay. Waxaa la sheegaa in ciidankii
loo diray inay gabadhaas soo badbaadshaan ay qaar ka dhinteen marka waxaa la
yaab noqotay gabar isbitaal taal oon cidna dan ka lahayn in siyaasad ahaan
looga faa’iidaysto iyadoo lagu khamaaray dhimashada askar kale oon loo
baahnayn.
Hadda
sidii la isu lahaa goormaa ciidamada Riyaale Garoowe iyo Boosaaso kulaalayaan,
ayaa waxaa la arkay iyagoo xabsiga u taxaabay Boqor Buurmadoow oo beel reer
Waqooyi ahi caleemo saaratay. Waxaan is iri xudduudda ay sheegayaan ee Bariga
Somaliland ma Boqorkay ka wadeen?
Run
ahaantii warbixintii uu qareenka boqorku diyaariyey waa Rooble Maykal
Maryamee waxay ahayd mid hufan oo qof kastaa fahmi karo. Hadalka qareenka wax
lagu daro ma leh oo hadalkii isagaa dhameeyey. Iskaa daa qof sharciyadda
dowladaha yaqaannee waxaa in boqorka khalad lagu haysto fahmi kara qof kasta.
Waxaa jira
labo haween ah oo Ingiriis ah oo middood waa Katherine Gun oo turjumaan ahaan
ugu shaqayn jirtay “Government Confidential Hush Queit” oo marka lasoo
gaabiyo loo qoro “GCHQ”. Waxay dhegaystaan telefoonnada khaasatan kuwa
waddamada iyo dadkey danaynayaan. Waxaa la sheegay inay ku jiraan madaxda
UN-ka iyo kuwo waddamo joogto ka ah UN-ka sida Shiinaha. Inkastoo hay’adaha
sirdoonka iyo dowladduba leedahay haweentaas waxay jabisay sharciga u degsan
sirdoonka laakiin maxkamaddii waxay ka noqotay dacwaddii haweentaas iyagoo
ogaa in arrintu waxyaalo kale soo faagayso marka labo dhib midda yar baa la
qaataa. Sidoo kale wasiirraddii hore ee horumarinta xiriirka caalamiga ee
Britian waa Clair Short waxay sheegtay inay aragtay nuqul koobi ah oo ah
dhegaysiga telefoon Koofi Anaan sameeyey.
Boqor
Buurmadoow uma eedayn Riyaale iyo dowladdiisa sida Clair Short u eedaysay
raysalwasaaraha Britian, mana jirto cid gurigeeda u dhacday oo xabsiga
dhigtay. Marka haddii maamulka Somaliland jecelyahay xarriiqaha Ingiriiska
iyo sharcigooda, maxay u yeeli waayeen sida Ingiriisku yeelay waliba Riyaale
oo hadalhaya imaatinka Ingiriiska?
Xiriir aan
la sameeyey madaxda Somaliland qaarkood mar aan kala hadlayey arrinta boqorka
waxaad mooddaa inay ka xunyihiin xiritaankiisa ayna ula muuqato arrin lagu
degdegay. Waxaa muuqata inay jirtay baqdin iyo shaki ay ka qabeen boqorka,
arrintaas ooy u qaateen inuu yahay nin dhib la raba madaxda Somaliland.
Sidaad la socotaan wasiirrada safka hore ku jira ee Somaliland waxaa ka mid
ah Ismaaciil Aadan Cismaan, Cawil Cali Ducaale, Ismaaciil Cumar Aadan(Boos)
iyo ku-xigeenka Riyaale.
Mar qaar ka
mid ah madaxda Somaliland aan weydiiyey inay iska siidaayaan boqorka waxay
dhaheen horta wixii dhacayba dhace meeshana maamul baa ka jira marka waa inuu
sharciga maraa oo maxkamaddu go’aan kasoo saartaa. Mid ka mid ah wasiirrada
Somaliland ayaa ku kaftamay idinka “Puntland” ah soow taad suldaankiinna
jidka laamigaa waliba xaafaddiisa hortoode, dumarka iyo ciyaalkii oo dhooban
ku toogateen halka aan annagu u dirnay boolis oo xabsiga u taxaabnay? Waxaan
ku iri waa run oo annaga waxaa deegta noo saaran nin qarqarka qori ku wata oo
shaqaduu yaqaanba tahay xabbad-ridid waliba isagoo dhinaca dadkiisa u rida
laakiin waxaan ku iri waa iska caadi oo “shay walba waxaa laga shubtaa waxa
ku jira” marka hogaamiyahayagu wuxuu yaqaan iga hoo (rasaasta) idinka kiinuna
(Riyaale) maaddaama uu NSS ahaa wuxuu yaqaan ii haay (xabsi-dhig) marka
labada hogaamiye midba wuxuu yaqaannay buu hogaamiye- dhaqameedkiisa kula
mucaamilay.
Waxaan
madaxdaas weydiiyey in xabsigu wax u dhimayo sharafta Boqorka iyo in kale?
Waxay kulligood sheegeen inaysan wax u dhimayn bal ay suurtoowdo inuu
caannimo iyo sharaf ka sii qaado. Waxaa hadaladooda ka muuqday inay qabsatay
sheekadii Maraykanka ka qabsatay Ciraaq oo kale kadib markay isku
aad-aadiyeen waxyaalo ay is dhaheen waxbay siyaasad ahaan idiin tari doontaa
laakiin hadda weji kale yeeshay. Waxay dareensanyihiin in xirniinka boqorku
sumcad-darro usoo jiiday maamulkooda. Inkastoon hadalka siyaasiyiinta la isku
halayn karin laakiin mid walba markuu boqorka ka hadlayo wuxuu uga hadlayey
sidii nin hogaamiye dhaqameed ah oo sharaf mudan. Waxay isku haaramayeen sida
khaladkaasi u dhacay iyo sida hadda loo sixi karo. Waxaad mooddaa inay
lahaayeen sidii gabyaagu horay u yiri:
-
Maqaadiir Alliyo bay ahayd, lama malaystaane
-
Mataan
ila dhashiyo buu ahaa, mahurtadaydiiye.
Waxaan
weydiiyey haddii maxkamaddu si dhaqso ah faraha uga qaado iyadoo arrintu
sidaas u dhowdahay, inay raaligelin waafi ah siin doonaan iyo inay la soo
bixi doonaan geddii Soomaalida? Waxay kulligood dhaheen waxaan saaraynaa
cimaamad waxaanna siin doonnaa raaligelin aan iyadoo kale horay loo arag
dadka hortiisa, waxaanna ka dalbanaynaa inuu na cafiyo oo noo duceeyo.
Hadday
madaxdaas ka dhabeeyaan arrintaas waxa dhacaysa in boqorka iyo iyaguba
guulaystaan waa halka afka qalaad laga dhaho “ win-win situation”. Siidaynta
boqorkaas waxaa ka faa’iidi doonta Riyaale iyo waftigiisa u soo socda London.
Haddii maamulka Riyaale raaligelin heer sare ah siiyaan boqorka, waxaan labo
is weydiinayn in boqorku cafin doono deedna uu maamulka Riyaale guul kale oo
siyaasadeed gaari doono. Haddii kale waxaan Riyaale ku leeyahay “laa marxaban
bika” wax soo dhawayn ah kuma heli doontid UK.
Waxaan
maqaalka ku soo xirayaa labo arrimood oo middi shacabka ku socoto midna
maamulka Somaliland hadday ka noqdaan siideynta boqorka iyo qorshahoodaas
fiican.
Beri baa
waxaa isa soo raacay labo wiil dabadeedna iyagoo keyn dhex maraya ayaa waxaa
kusoo baxay shabeel. Wiilashii mid ka mid ah baa halhaleel u fuulay geed
dheer isagoo saaxiibkiis ka cararay. Wiilkii laga cararay wuxuu sameeyey,
inta dhulka isku tuuray buu iska dhigay mayd (qof dhintay). Waxay dhahaan
shabeelkii inta wiilkii usoo dhowaaday ayuu ka ursaday madaxa iyo dhuunta si
uu u fiiriyo inuu dhintay iyo in kale. Markii wiilkii is nuuxnuuxin waayey
ayaa shabeelkii iska tagay. Cabbaar ka dib baa waxaa soo degay wiilkii geedka
saarnaa dabadeedna weydiiyey saaxiibkiis waxa shabeelku ka samaynayey
dhegtiisa oo uu u sheegayey? Wiilkii wuxuu yiri shabeelku wuxuu igu yiri
waligaa ha raacin saaxiib kaa cararaya. Marka in shabeelku bakhtiga cuno iyo
in kale waa arrin kale laakiin sheekadu waxay ku qornaan jirtay buugta
Af-Soomaaliga ee dugsiyada hoose-dhexe.
Maxay
dadku ugu caanoshubtaan boqor aysan hadhow wax u tarayn ooysan garab is
taagayn? Arrintan waxay ahayd inaan xuso marka laga quusto sii deynta boqorka
laakiin hadda waa iska xasuusin. Soow ma xasuusataan in ergo gaaraysa 400 iyo
dheeraad reer Puntland ah oo kakala yimid qabiilooyinka halkaas dega oo dhan
ay Jaamac Cali Jaamac madaxweyne u doorteen dabadeedna maalmo ka bacdi isagoo
marti u ah, meeshuu degenaa iyo waardiyayaaashiisiiba la gumaaday?
Tan kale
waxaan maamulka Somaliland ka codsanayaa inay sii dayaan boqorka sidii la
isku ogaa haddii kale waxaan leeyahay sidii Qamaan Bulxan u lahaa:
-
·
Labadeenna
gobol xaajadeer, la isku guubaabshay
-
·
Haddaydaan
guddiyin oo ciyow, gunno la noo keennin,
-
·
Wallee
inaan tix laysugu go’o, gaagna harin sheegin!
Marka
arrintaas darteed waxaan filayaa in maamulka Somaliland isagoo u danaynaaya
shacabkiisa iyo siyaasaddoodaba ay sii deyn doonaan boqorka, raaligelinna
bixindoonaan.
Mahadsanidin.