Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato.
Nin wanaagsan baa laga sheegay inuu yiri: ma jiro
shariif ama qof saalax ah ilaa hadduu jiro wuxuu leeyahay ceeb laakiin haddii
wanaagiisu ka bato ceebtiisa, khaladkiisa yar waa loo hibeeyaa. Sidoo kale
haddii qofka xumaantiisu ka badato wanaagiisa qofkaasi waa qof xun.
Marka qabyaaladda laga hadlayo, fannaanniintu waxay
ku jiraan dadka ugu badan ee ka xoroobay caaddifadda qabiilka, had iyo jeerna
u taagan inay helaan qaran Soomaaliyeed. Marka haddii qof ka mid ahi khalad
sameeyo miyeysan ahayn in inta badan la tixgeliyo oo khaladkooda loo qariyo?
Dhaqan Islaam ahaan iyo mid Soomaaliyeedba, qofku
hadduu Ilaahay hortago waxay ahayd in laga haro kaliya waxaad xusi kartaa
markay dan culus kaa gasho marka maxaa Xaliimo Khaliif (Magool) Allaha u
naxariistee lagu galay? Horta ma aragtaan sida fannaanniintu qabyaalad uga
xoroobeen ilayn waa iyada la leeyahay sidee marxuumaddaasi khaladkaas u
samayn kartaa? Dagaal-ooge hadduu dhinto cidna dan kama leh oo eed uma
qabsato maxaa yeelay dilkooda iyo qabyaaladdoodu, wax la koobi karo maahan.
Qolyaha wadaadada sheegtana arkayoo, wax fannaanniin iska jecel weligay ma
arag halka aad arkaysid dad culumo sheeganaya oo lagu ibtileeyey cayda
culimada saxdaa.
Inkastoo samaanta & xumaantaba, rag iyo dumarba u
simanyihiin laakiin waxaa fidrada lagu ogaaday inay dumarku ragga ka
caaddifad badanyihiin dhinac kasta. Xagga naxariista dumarka ragga ka
naxariis badan guud ahaan. Xagga degdegana waagii hore dumarkaa caaddifaad
badnaa. Waa arrintaas waxaa Islaamku u diiday inay haweenku noqdaan
madaxweyne. Waad aragtaan in Xasan Aadan Samatar iyo raggii la midka ahaa
aysan eedi ka tegin.
Marxuumaddaas dadka heystaa waa labo. Kuwa waa kuwo
ay dhici karto inay iska qoraan khaladaadka dadku galo iyagoon dan ka lahayn
kuu yahay. Kuwana waa kuwo xag siyaasadeed ka wata. Kuwa khaladka iska
dabagala intaas koreey ku qancayaan.
Haddii hal-abuurada iyo fannaanniinta loo isticmaalo
difaaca dhulka waxaan shaki lahayn inay qaybo iyo gaasas ciidamadaa ka
muhiimsanyihiin. Marka kaalintay marxuumaddaas iyo fannaanniinta kale ka soo
qaateen xornimadii iyo dagaalladii Xabishada ninna ma mooga. Marka khaladka
marxuumaddaas laga sheegayo dagaalkii sokeeye, Allaha ka cafiyo, inteenna
kalana Allaha na cafiyo oo na xafido.
BUUG
CUSUB |

Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh.
Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa:
shaafici54@hotmail.com
|
Weligiin ma aragteen fannaan ku diganaya dad
Soomaaliyeed oo Xabisha huf iyo halaan jirin ka dhigtay, guryahoodiina dukun
daakun ka dhigtay? Lama hayo laakiin waxaa la hayaa dad diintii Islaamka si
fiican u bartay oon culumo u naqaan oo dadka casharo u akhriya oo ku diganaya
dadkii ay Xabashidu ku laysay Luuq, Balad-Xaawo iyo Gedo. Waa mar ay
Xabashidii gubtay masaajiddo, sidoo kalana ay ku xad-gudbeen masaaxiftii
Qur’aanka ahayd. “Culumadani” inta teleefoonno isku xirteen iyagoo kala jooga
Somaliya, Kenya, Canada, iyo Yurub bay dhaheen Xabashida waa la daandaansaday
oo laga cariyey (marka inay gudaha Soomaaliya gashay waa loo garaabi karaa,
saasay ka wadaan) iyagoo waliba dhallinyaradii ku sheegay kuwo tuugo ah oo
dadka lacagtiisa iska cuna. Laakiin markii Xabashidii Baydhabo faraha la soo
gashay, “culumadani” sheekadii waa bedeleen. Ma aragtaa in xagga qabyaaladda
fannaanniinta looga horreeyo?
Arrinta marxuumad Magool u soo noqo waxaa jira qolyo
Ilaahay nagu imtixaamay oo iyaga iska dhigaya inay “Puntland” metalaan, kana
tagey dhaqankii Islaamka iyo kii Soomaalinimadaba. Haddaad booqato boggagga
dagaal-oogahooda taageera waxaad arkaysaa kuwa sheegtay “ShASNA” oo sharta ka
shaqeeya oo diinta iyo muslimiintana horay ugu gafay haddana Magool magli
usoo qaatay. Miyeysan ogayan inaan meydka ixtiraami jirnay? “Ha yeeshee
qolyahan waan la dacwiyi doodna waan celin”.
Ma maqasheen kornayl C/hi oo Tarabuunka daqiiqo u
istaagay isagoo sharfaya USC? Waa intii Caydiid noolaa. Marka haddii
kornaylkuna mooryaanta maamuusay, Xaliimana u mashxaraday, maxaa midna loola
jiraa midna looga soo horjeestay? Inkastoo kornaylku kursi doon ahaa wuxuu
iska dhigayey inuu jabkii ciidamada Maraykan gaaray ku faraxsanaa.
Cajaladihii laga duubay waa la heli karaa. Soow kornayl C/hi Xamar uma tagin
inuu Caydiidkii intaas sameeyey madaxweyne noqdo, isna ra’iisul wasaare?
Micnuhu waa Caydiidoow wixii hore xalay dhalay baan ka noqonnay. Haddii
maalintaas Caydiid madaxweyne noqon lahaa C/hina ra’iisul wasaare waxaan oran
karay in qolyaha kornaylka taageera ay si xushmad leh uga qayb qaadan
lahaayeen aaska marxuumaddaas iyagoo waliba u furaya boggag tacsi. Waxaa iska
caadi ah, qofkii qof iska dabagalaa inuu la mid yahay neef adduunyo/xoolo ah
oo inaad dabartid ama hogaamisid, aday kuu taal. Dad horaa sidaas yiri.
Soowse hadda shir dib-u-heshiiseen looma fadhiyo,
SRRC qaarkoodna isku jaal ma tihiin? Bal dadweynaha aan su’aal weydiiyo. Ka
warrama dad Maxamed Dheere iyo Moorganna muslixiin iyo halyeeyo u arka,
Magoolna ku eedaynaya inay USC u mushxaraday oo guubaabisay?
Waxaan u sheegayaa in wax-iskuma-falayaashaas ay wax
iskula haraan. Sidaan maqaalo dhowayd ku xusay waxaaba dhib ah in dumarka wax
laga sheego anoo soo iri waxaan dumarka ka hadli karnaa markii bakhtigu noo
bannaanyahay oo kale (daruuro) waliba inta nooga bannaan (in yar) waa marka
qoftaas dumarkaa nooshahay hadday dhimatana kuma sii jirto.
Fanaaniinta ceebtoodu waa hiwaayaddaas aan diin ahaan
fiicnayn marka iyaga iyo annagaba Allaha na hanuuniyo oo na xafido. Shaki
waxaan lahayn in lahwigu yahay wax naftu iska jeceshahay laakiin in woowtida
la mudmudo waa wax xun oo caqliga ka fog. Waxgarad reer Waqooyi ah baa
madaxdood ku naynaasay meyd-canaante laakiin qolyahan kornaylka taageera
wixii loo bixin lahaa dadweynahaan u deyn.
Ninkii u qaba in hal-abuurada iyo fannaanniintu ay
Islaamka ka fogyihiinoow dib u feker. Mar horaan is-barbar dhigay hal-abuur
miro uu sameeyey oo fannaan qaaday iyo hogaamiyaha SHASNA wuxuu yiri. Hal-abuurkii
wuxuu yiri: