Ilaah
baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaa kaftan lagu sheegaa in oday Soomaaliyeed uu
soo qaatay baasaboor nin il la’ kaddibna uu ka degay garoon kuyaal waddan
Carbeed. Odaygii markuu ku soo dhowaaday kaddinkii ay joogeen waaxda
socdaalku buu isku qabsaday il aan ahayn tii qofka baasaboorka lahaa uu
la’aa. Markii nin ka socda waaxda socdaalku weydiiyey isha uu odaygu
la’yahay baa odaygii gartay inuu mid khalad ah isku qabtay dabadeedna inta
hiih yiri oo tuu isku qabtay kala furay buu middii kale isku qabtay, ninkii
oo hor taagan! Ninka Carbeed lugtuu ku raftay dabadeena odaygii buu ku yiri
war Soomaali baad tahay oo indha-adaygiinna waan aqaane waxaan u yeerayaa
saaxiibayda kalee (kuwa waaxda socdaalka kala shaqeeya) ee ku soo celi
waxaad samaysay waan iska kaa siidaynaynaaye.
Run ahaantii kaftankaas ma baciidsanyo maxaa yeelay
mar magaalada Sheekh lagu dilay lammaane British ahaa waxay haweenta
“Somaliland” u ah wasiirka arrimaha dibadda sheegtay inay dileen dad ka socda
“Puntland”. Kuwo boggagga internetka wax ku soo qoraana waxay dhaheen waxaa
dilay ururka Itixaad. Arrintii hadda ugu dambaysay ee lagu dilay haweentii
Kenyaatiga ahayd ee u shaqaynaysay GTZ waxaa madaxda “Somaliland” u hadleen
sidii markii hore oo kale.
Qof kasta oo Soomaaliya ha ahaado wadaad, waranle,
dhallaan ama waayeele waxay jecelyihiin inay waddamadda Galbeedka yimaadaan
ilaa in yar oo Ilaahay u naxariistay maahee. Lama yaabayo oo indhowaalaba
dadkii Soomaaliyeed iyagaa madaxa isaga taagan oo ciqaab iyo dil iskala
daalay marka dadkii naf baa wadda oo waxay leeyihiin Alloow yaa mar arka meel
aan xorriyad iskaga martid una seexatid. Ma hay’adaa dhibka nagu wada? Dhibka
ugu daran waxaa waday oo haddana wada dadka Soomaaliya horbooda.
Markii Soomaaliya dhib ka dhacdo waxaad dadweyne
badan iyo dagaal-oogayaasha ka maqlaysaa iyagoo qaylo-dhaan ku leh: caalamku
hanoo soo gurmado oo dhibka hanaga saaro iyagoo xitaa ilooba Ilaahoodii
abuuray. Hadday arrintu sidaas tahay maxaan dadka ajnabigaa oo ku doodaya
inay na caawinayaan u dilaynaa?
Tusaale ahaan ciidamadii Soomaaliya soo galay
dabayaaqadii 1992-dii oo Maraykanku hogaaminayey dad badan baa ka faa’iiday
sidoo kalana dad badan bay dhibi kasoo gaartay. Reer Baydhabo oo danyar ahaa
waa ka faa’iideen. Reer Baydhabo waxay ahayd inay gartaan inay Ilaahay u
mahadceliyaan ilayn Isagaa ciidankaas u soo diree. Ilaahay cidduu rabuu kugu
noolayn karaa. Qofkii aan taas fahmaynoow garo in dad gaaraya malyan Soomaali
ahi ay marti u yihiin waddamada Galbeedka. Kii aan shaqayn waxaa lacag cunto
siiya, kirada gurigana ka bixiya hay’adaha qaabilsan. Ilaah baan ku
mahadinaynaa marka hore. Marka xigta wanaag baan ugu haynaa dadka annaga oo
Soomaali kale kasoo qaxnay na soo dhaweeyey. Annaguna waxaan rajaynayaa inaan
martigelinno haddii cid naga dhaqaale iyo nabadgelyo liidataa na soo martido
waa haddii aan meeshaan naalno iska qaadno. Laakiin marna qof aan iimmaan
lahayn ma dhihi kartid waa muslim ama mu’min. Maraykanku dad badan bay
Soomaaliya ku laayeen laakiin waxaa la oran karaa waa dhibaato lagu
ciqaabayey dagaal-oogahaas waxaanna meeshii ku dhintay dadweyne rayad ah oon
wax galabsan oo carruur iyo haweenba ka buuxaan. Sida Ilaah noo sheegay marka
fidnadu dhacdo oo dadku kaalintooda gabo waxay galaafataa dadkoo dhan. Waxaa
dhici karta inuusan Maraykanku markaas caawin kaliya u soconne uu dano kale
watay laakiin Ilaah mar kasta danta dadkuu wadaa haddaynaan diidin.
Horta dhiigga dadka binu Aadamkaa, qof kastaa iskama
daadin karo. Sida loo daadsho iyo cidda daadisa Ilaah baa sheegay waa haddaan
muslim nahay. Dadkii aan muslim ahayna xeerar ay iyagu degsadeen bay
samaysteen. Ma garanayo waxa lagu bannaystay dhiigga kumaankun Soomaali ah
iyo qof qof ajnabi ah. Horta hadda dhiigga qofka Soomaaligaa qiimo ma lehee
maxaa shisheeyaha Soomaaliya jooga lagu galay? Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed
usoo jeedinayaa talooyinkan:
1. Sidaan horay u sheegnay dhibka intiisa badan
annagaa isu keensannay markaan dariiqii saxdaahaa ka leexannay marka
haddii abaaro, colaad iyo masiibo kalaba nagu dhacaan waa inaan dhahno
shisheeye ma rabno iyo hay’ad noo soo gurmada. Marka qofkii shisheeye ah
oon loo yeeran, wixii ku dhaca isagaa ka mas’uul ah. Waa sida loo dhaho
bannaankiisa mare maradiisa geed ma qabsado.
2. Inaan dhahno maanta adduunkii sidii hore
maahan oo muslim iyo gaalo dan baa isaga xiran marka waa in wax lakala
saxiixdaa. Tusaale ahaan hay’addii noogu timaadda inay caafimaadka wax ka
qabato ama qofkii shisheeye ah oo dhaha dhaqtar baan ahay waa inuu
howshiisa ku ekaadaa laakiin hadduu yiraahdo arrin kalaan faraha la gelin
sida isagoo siyaasad ama arrimo kale gala waa in la yiraahdo sidaas
iskumaynaan ogayn ee raali naga ahoow ee nooga tag dhulkayaga.
3. Horta hay’ad kasta dan bay leedahay. Mid
fiican ama mid xun. Tusaale ahaan waxaa jira hay’ado shisheeye dheh
Jarmal oo xarumo ku leh Kenya sida mid loo soo gaabsho “DAAD” waxay
ardada qaxootigaa ooy Soomaali ku jirto ka caawisaa inay bartaan Sayniska
waliba waxay jecelyihiin inaad takhasus samayso sida MSc ama PhD. Mid
kaloo waxaa jirta la yiraahdo “AREP” oo Jarmalku gacanta ku hayo oo isla
Kenya ka furan oo sidoo kale ardada qaxootigaa waxbarashada ka caawisa.
Hay’adahaasi diintaada shuqul kuma leh ee adigu wax baro oo waxaad rabto
aamin weeye. Sidoo kale hay’addaas GTZ ee haweenta Kenyaatigaa laga dilay
waxay ka mid tahay hay’adaha ugu waxqabasho badan dunida seddexaad.
Jarmalku wuxuu ka mid yahay waddamada aan siyaasad aad ah ka lahayn
Afrika, waxyaalo la taaban karo oo muhiim ahna u qabta.
4. Waxaa jira dad hay’ado u shaqeeya oo diin
kiristaan faafiya. Maxaa nagala gudboon? Horta intaanan ka jawaabin
waxaan xusayaa dadka diinta faafinaya waa labo qaybood. Haddaad rabtid
inaad labada qaybood kala ogaatid, dhadhanso macnaha aayadda ugu dambaysa
Suurat Al-Faatixa oo intaas oo jeer akhrino maalintii. Marka qof dhunsan
oo u qaba inaan cadaab ku soconno oo noogu yimid inuu iftiin noo saaro,
ma ahan inaan dilno. In badan waxay xisaabsanayaan ajarka muslimiintu
xisaabsadaan marka Ilaahay qof sababtood ku soo hanuuniyo. Waxaan nasiib
ku yeelannay waxaa noo warramay “Khabiir” waa Allaah. Marka waa in
dadkaas u qaba inay na badbaadinayaan aan annagu badbaadino. Waa in loo
sheego annagu muslimiin baan nahay, nabiyadii oo dhan iyo kutubtii saxda
ahayd oo dhan baan aamminsannahay waana idin ka saxsannahay oo idin ka
horraynaa ee na daaya. Qolo kale Caradii Ilaah baa ku dhacay. Iyagu
hadday rabaan waxay sheegtaan inay masiixiyiin yihiin laakiin waa dad
raba inay muslimiintana lunshaan, kiristaankana meeshooda ku hayaan.
Qolyahan Caradu ku dhacday way ogyihiin in Islaamku xaq yahay, waxaan
kiristaanku aamminsanyihiin sida in Ciise (CS) uu ilaah yahay ama ina
ilaah yahayna waa ogyihiin inaan wax ka jirin. Marka qolyan Caradu ku
dhacday laftoodu waxay u baahanyihiin in xaqa loo sheego laakiin iyagu
xaqiiqda waa ogyihiin laakiin ugu yaraan waxay kuu qirayaan inaad tahay
qof muslim ah oo mabda’ leh marka haba kula dagaaleenne wey ku tixgelin.
Hadday diidaan oo ay diirada saaraan dadka tabarta daran, xanuunsan ama
carruurtaa maxaa la samayn? Horta haddii dastuurka “Somaliland” iyo kan
hadda Kenya lagu qorayba uu ku jiro qodob ah in qofku diintuu rabo qaadan
karo oo wuxuu rabo samayn karo waxaan filayaa inaan hay’adahaas af lagu
lahayn ilayn qayb dadka ka mid ah ayaa dhihi karta annagay wax na
barayaan ee noo daaya dadka masiixiyadda faafinaya laakiin haddii dadku
rabo inay Islaamnimadooda ku socdaan oo qodob saas dhigaya uusan jirin
kadibna dad hay’ado u shaqeeyaa nagu khaldamaan maxaan samaynaynaa? Horta
qof shakhsi ah cidna ma dili karo oo dowlad baa arrimaha noocaas ah fulin
karta. Maaddaama hadda Soomaaliya dowlad ka jirin, meel kasta qolaa
horboodda marka qolyahaas iyo odayo-dhaqameedyada halooga dacwoodo oo
hala yiraahdo dadkaas shisheeyahaa dhibtaas bay nagu wadaan ee nala arka
oo wax ka qabta. Haddii dadka wax maamulaa wax ka qabanwaayaan arrintaas
sideen dhibka ku yaraynaa? Waxaa fiican in shacabku ay arrinta ka doodaan
oo guddi u saaraan dabadeedna guddigii u tago dadkii dhibka waday ooy ku
dhahaan annagu hadda ma haysano dowlad na matasha oo danaheena noo
ilaalisa marka shacbi ahaan qofyahow shisheeyahaa ka bax waxaad nagu
waddid oo nooga tag waddankeenna haddii kale dhibkaas baa ku soo gaaraya.
Waxaan idiin ogahay inaysan dadka shisheeyahaa arrintaas dhayalsanayn.
Qofka shisheeyahaa wuu fahmayaa dhibka Soomaaliya ka jira, suurtagalna ma
ahan inuu arrintaas fududaysto ilayn nin walaalkiis dilaya cid kale kama
damqanayee marka xitaa hadduu rabo inuu dhibka sii wado waa inuu arrinta
u sheegaa dadka dhulkaas maamula. Soow ma aragtid isla arrintii inay
dhinacyo badan yeelatay oo weli laga hadlayo. Waxaan aamminsanahay in
haddii waddadaas la qaado xal la helayo. Marka marna meesha kuma jirto in
koox ama ashkhaas ay qof iska dilaan. Yaa tahay markaad adigu xukun iska
qaadanayso?
5. Kuwa dhaqan xumada wadana waa in sidaas oo
kale loo wajahaa.
6. Dowladahaan maanta adduunka horbooda waxay
diinta ku qaraabtaan markay dan leeyihiin laakiin waxay dabo ordaan dano.
Ma kulatahay haddii diin wax la isugu qabanayo oo waxa afka laga sheego
run tahay in Itoobiyaanka kiristaanka ah, kuwa Ruwaanda, Burundi, Kenya,
Tansaaniya, Saambiya, Musanbiik, Malaawi ay noloshaas xun ku noolaan
lahaayeen? Marka yaan la isku khaldin ashkhaas u qaba inay na
badbaadinayaan iyo dowlado dano kale leh. Marka mararka qaarkood diimaha
waxaa loo adeegsadaa awr-ku-kacsi.
Sidaan kaftankii ku soo aragnay waxaa la yaab leh
sida dagaal-oogayaashu u rabaan inay siyaasadeeyaan dilka ajaanibta sida
iyagoo dhaha waxaa dilay reer Puntland ama Koonfur ama Itixaad. Muxuu
Itixaadka Koonfur ka yimid u dilayaa haween Kenyaati ah oo Berbera joogta
iyadooy Xamar iyo Koonfurta kalaba joogaan shisheeye wax badanna ka badan kan
Waqooyi? Waliba waa Koonfur meesha ay suurtogal tahay in inta wax disho aad
dhuumato.
Waxaa lagama maarmaan ah in dadka xuquuqda Aadanaha u
doodaa ay toosaan oo gartaan in nin hangash ahaa ama askari ama nabad-sugid
Soomaaliyeed aan lagu kalsoonaan karin, sidoo kale waxaa caadi ah in inta dad
aan degaanka ku badnayn la iska qab-qabto lagu khasbo inay qirtaan dambi
aysan gelin. Ma ahan arrin Soomaaliya kaliya ku gooni ah ee waa arrin dunida
seddexaad oo Carabuhu ku jiraan sameeyaan. Hadda lafteeda waa in lagu daro
Maraykanka maxaa yeelay waxaa dhibaato ka soo yeeraysaa dadka ugu xiran
xabsiga ku yaal Kuubba.
Wiilwaal wuxuu yiri maxaa kulmiyey sacii naaso-adag
iyo kor u qaylin marka waxaanan fahmin waxa Zenawi, reer Galbeedka qaarkood,
qolo sheegata inay diinta Islaamka ugu badshaan (Al-Salafiya Al-Jadiidah) iyo
dagaal-ooyaal badan ooy ku jiraan kuwa Somaliland, Puntland iyo qaar
Koonfurta joogaa ay hal mar u eedeeyaan dad masaakiin ah oo sheekadoodu
taariikh tahay oon hadda jirin sida Itixaad? Kaaga darane qolyahan hadda
Itixaad eedaynaya, iyagaa awal kooxdaas ahaa oo wixii qolyahaas kale
sameeyeen waa la soo sameeyeen marka maxay hadda ku keeneen inay dacaayadda
Zenawi faafiyaan? Mise Soomaalidu isma taqaan?
Indha-adaygii Soomaaliya lagu yiqiin wuxuu u gudbay
Maraykan iyo Ingiriis. Wakaas hadda Bush lagu haysto inuu diirada iska
saartay Saddam Xuseen oon shuqul ku lahayn Al-Qaacida. Ninkay Maraykanu u
haysteen dhibtii ka dhacday dhulkiisa, wali waa noolyahay sida la rumaysan
yahay halka ay Ciraaq burburiyeen. Hadda qofkii raba inuu ogaado dadka
Soomaaliya dhibka ugu badan sameeya oo dadka dila, deegaankii sumeeyey,
badihiii mariyey, dhirtii iyo daaqii gubay, daroogo iyo xashiish beeray, oo
nabaddii diiday waa dagaal-oogayaasha. Marka qofkii dad kale iska eedeeya
isagoo dad is-tusaya ama dano siyaasadeed ku gaar is lehoow aday ku jirtaa.
Waxaan kuwaas ku leeyahay sidii Salaan Carrabay yiri: