March 23, 2004
“Ma
Boosaasaad ka timid, ma soo badi baad is tiri”
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis
Nabi Muxamad korkiisa ha ahaato.
“Carruurnimo waa cadow laga koray” dhaheen
waa haddii nolashii miyiga ee qalafsanayd laga hadlayo ama xagga garaadka
laakiin yaa naga dhiga carruur cago waaweyn oon adduunyo iyo aakhiraba wax
loo raacan!? Dadkii suubbanaa iyo dadka xaddaaradda leh dhexdooda, carruurtu
waxay leeyihiin mudnaanta koowaad.
Inkastoon reer Mudug ahay waxaan xasuustaa
markaan carruurta ahayn inta qurucyada iyo geed-talaalka fuulno oo laamahooda
lugaha ka kala ridano baan dhihi jirnay: “faraska Bullaale Berberuu u
socdaayoo biyo waa ka WALLAAHI”. Maanta anoo afartan madaxa la galay haddaan
oraahdaa ku cesho waxaanan ka baxsanayn labo qolo. Waa kuwee?
1. “Somalilanders”. Iyagu waxaad mooddaa
inay leeyihiin xuquuqdaad Berbera ku lahayd waa lagaala noqday. Ogoow
weligay Berbera iyo Boosaaso midna ma tegin. Soow ma aragtid
carruurnimadii waxaan haystay baan hadda lumiyey?
2. “Puntlanders”. Dadka intooda badan
kala goo’ga’a Soomaaliya ma jecla laakiin qaarkood baa raba in la
yiraahdo: faraska Bullaale Boosaasuu u socdaayoo biyo waa ka WALLAAHI!
Berbera waa in meesha laga saaro haddii Boosaaso jirto!
Nin muslim wanaagsan ahaa oo ka dhashay
qabiil Carbeed oo Canza la yiraahdo baa yiri: annaga Nabigaa(SCW) na sharfay
oo xaggayada usoo tukaday. Ninkaas warkuu sheegay waxbaa ka jira laakiin
sidee arrintu u dhacday? Nabigu (SCW) Canza xaggeed buu u tukaday laakiin
waxay ahayd ul uu sutro ahaan u mutay si aan salaadiisa loo hormarin marka
wuxuu u tukaday sutrada xaggeeda. Carabi ahaan usha noocaas ah oo afka hore
ku leh bir wax lagu mudi karo waxaa la yiraahdaa “Canza”.
Waxaa jirta shimbir markay ciyeyso aad
mooddayso inay leedahay “ma Boosaasaa ka timid”. Hadday “Puntlanders”-ku
lahaan lahaayeen xag-jiro kuwa “Somalilanders”-ka oo kale ah waxay oran
kareen magaaladu waa mid “barakaysan” maxaa yeelay shimbirahaaba yaqaan!
Maalin ay cayaarihii gobollada socdeen baan
soo galay garoonkii kubbadda cagta ee Istaadiyo Muqdisho. Qiyaastii waxay
ahayd 1982 ama 83-dii. Waxaa jiray labo ciyaarood oo kala duwan. Midi waxay
dhexmaraysay gobollada Sanaag/Togdheer (Sanaag baan jeclahay) iyo Bari, tan
kalana naaddiyadii heerka koowaad ee Madcadda iyo Batroolka oo isku
hardinayey ciyaar “semi-final” ah koobkii jeneraal Daa’uud (Allaha u
naxariisto). Sida la filayey waxaa la hormariyey tii labadaas gobol. Qoraxdaa
Ilaahay nala maagay iyo inaan ku sugno ciyaarta labaade laakiin waxaa ka
qurux badnayd ciyaarahaan bacaadka iyo Tarabuunka ku ciyaari jiray. Dadka
qaarkii waxay usoo galeen gobol jacayl ee ciyaar meesha ma oolin.
Ciyaartii, Bari baa laga gacan-sarreeyey.
Waxaa dhinaca hooska ee garoonka fadhiyey koox aan filayey inuu ku jiro nin
aad u taageeri jiray gobollada Waqooyi oo la oran jiray Seeri oo caan ku ahaa
dayaacadda gobollada kale oo uusan taageerin. Hal mar baa waxaa is qabsaday
sawaraxan ah: ma Boosaasaad ka timid! Abuurista Ilaahay cajaa’ibsanaa!
Intaysan weedhii kale ku darin ayaa waxaa maskaxda ku soo dhacayey shimbirtii
aan sheegayey iyo waxyaale kale laakiin waxay hadalka u dhaheen sidan:
· ma Boosaasaad ka timid?
· ma soo badi baad is tiri!?
Runtii kooxda Bari uma qaabaysnayn kuwo
ciyaar soo aaday ee waxaad mooddaa inay tiro-buuxis iska ahaayeen si siddeed
(8) kooxood oo Xamar yimaada loo helo. Sanaag lafteedu ciyaar ma hayn.
Waxaan uga danleeyahay, hadda reer Waqooyi
waxay dhaheen annagu lama ciyaari karno reer Koonfur oo waan ku ciyaar
guuraynaa mana horfariisan karno Walaweynta ku shirsan Kenya halka reer
Waqooyi Bari isa soo maqiiqeen iyagoo wata koox aad u tabar daran oo taas
kubbadda cagta oo kale ah. Waxaan moodday in la igu yiri Seeri waa dhintay.
Hadday saas tahay Allaha u naxariisto. Inkasta oo uusan Seeri meesha joogin
laakiin anaa firimbigii qaatay oo dadka reer Puntland ku iri xitaa haddaydaan
deynayn shirka waa inaad dadka idin metalaya bedeshaan haddii kale sidii
Seeri sheegay badinmaysaan.
Cali-Dhuux Allaha u naxariisto mar hadduu
dhaho:
da’dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka
haboowshay?
Da’du tii sanadka maahan ee xaraf buu ka
wadaa.
Ergada reer Puntland iyo ninka horboodaa
waxay mar ka badan dhaheen waan u dhabar-adaygaynaa shirka waxaanna
noqonaynaa dadka u dambeeya ee shirka ka baxa. Taasi ma run bay noqotay? Soow
mar hore may oran shirka waan ka baxnay. Waxaa iiga sii daran siday u dhaheen
oo ah: shirka waan ka baxnay haddaan cabashadayada wax laga qaban.
Khaliif Allaha u naxariisto muxuu u lahaa:
· nin duddumo u qayshanahayoo, daalan
baan ahaye.
Ma la gaaray waqtigii reer Puntland ka
arrinsan lahaayeen aayahooda si ay naftooda iyo tan Soomaaliyeedba u
badbaadiyaan? Jawaabta waxaa laga sugayaa shacabka. Waxaa la filayaa in la
abaabulo shir ay ka soo qaybgalaan siyaasiyiinta ugu caansan geyigaas ooy ku
jiraan Prof. Cali Khaliif, C/Risaaq Xaaji Xuseen, Xasan Abshir, Jaamac Cali
Jaamac, Kingkong, Dr Goonle, Maxamed Cabdi Xaashi, kuwo kale iyo
odayo-dhaqameedyo badan.
Marka ciyaaraha gobollada reer Waqooyiga
laga badsho waxaa la oran jiray:
· Jaaw Hargeysaay jaaw
· Jaad ma haynee jaaw.
Maxaan hadda ku dhahnaa waftiga Waqooyi Bari
ee Kenya looga adkaaday? Marba haddaysan jaaw Af-Soomaali ahayn, maan dhahno
sidan:
· Baay (Bye) Garoowaay Baay
· Beeyo ma haynee baay.
F.G. maqaalku kama hadlayo Boosaaso ee
dantaan ka leeyahay waa kooxda matalaysa Puntland iyo in Soomaaliya mid tahay
oo sida Boosaaso aan u jeclahay aan Berberana u jeclahay. Doorkay Boosaaso ka
qaatay nolasha Soomaaliyeed dagaalkii sokeeye intuu socday iyo
nabadgelyadeedii qof kasta waa ogyahay.
Mahadsanid.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |March 23,
2004
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|