Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato.
Anagoo galab dhex fadhina dugsigii “Allaahida” 1986
mar la yiri waxaad qaadanaysaan koorso Ingiriis ah si aad ugu biirtaan
Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole iyadoo buuggii naloo dhigi jiray la oran
jiray Kooshin ayaa anagoo seddex arday ah, labo wiil iyo gabar dhexda noo
fadhida waxay gabadhii soo bixisay sawir Nairobi ay iska soo qaaday mar ay
halkaas caafimaad u tagtay. Sawirkaas halkii laga soo qaaday oon mar dambe
arkay waxaa ka muuqday Uhuru Park iyo saraha dhaadheer ee dhinacyada ka xiga.
Waxaan shaki ku jirin in halkaasi tahay meel qurux badan gaar ahaan xilliga
uu cawsku si fiican u baxo.
Nairobi: Uhuru Park |
Gabadhii wiilkii dhinaca kale fadhiyey bay ku tiri
arag anoo Maraykan jooga! Wiilkii wuxuu ka bixi waayey hambalyeyn iyo isagoo
ku sheegay inay ilbax tahay. Aniga laftayda markaan sawirka indhaha ku
dhuftay iyadoo ninkaasi hayo ma beenaysan waxay sheegtay laakiin hadal iyo
hambalyo igama tegin waxaanse ku fakaday gabadhii baa inta afka ii soo
dhawaysay tiri waa Nairobi ee ka aamus. Wiilkii sidii buu run u qaatay.
Gabadha waqtigaas deris baan ahayn marka waxaan garan waayey waxay iigu
eexatay. Ma darisnimadaa mise waxay is tiri ninkaas ciddiisaa dowladda
mucaarad ku ah marka Kenya iyo Itoobiya annagaa uga fara-dhuudhuuban?
Waxaa sidoo kale jiray in dhallinyaro Soomaaliyeed oo
Canada iyo Maraykan tagay ay sideetameeyadii dabayaaqadeedii ama
sagaashameeyadii bilowgeedii inta Soomaaliya ama waddamada deriskaa tagaan
tusa sawir iyaga ah iyo sanam leh suuraddii Roland Reagen dabadeedna dadka ku
dhaha waxaan qaabilnay oon salaannay Reagan laakiin waxaanan weli fahmin sida
dadku ukala garanwaayeen sawirka runta ah iyo kaas. Haddaad dibad cabsan
tahay waxaa laga yaabaa in markaas ay maskaxdaada wax kale ka guuxayaan.
Marka shukaansiga laga hadlayo harowsiga iyo beentu
waa iska caadi haddii aad hadafkaaga ku guulaysatid oo ah soo xerogelin.
Xasuuso maahmaahdii ahayd: dumar been kusoo xero geli runna ku dhaq. Arrintan
siyaasad ahaan ma loo isticmaali karaa?
Bilowgii sanadkii 2002 waxaa taageerayaasha C/hi na
barayeen inuu odayga casuumad ka helay madaxweyne Bush oo uu dhinaca ka
istaagi doono xafladda sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegaysay
qaraxyadii Maraykanka ka dhacay. Waxaa boggaggooda iyo saxaafada taageertaa
si sheex la’aan ah u baahiyeen arrintaas. Xitaa waxay dhaheen waxaa garoonka
ku soo dhawaynaya saraakiil sarsare oo ka socota wasaaradda arrimaha dibadda.
Waxaa jiray dooddo loo daleelay arrintaas darteed, anigu halkaas baan ku
saadaaliyey inay khiyaali tahay. Ilaa hadda booqashadaas waa la sugayaa.
Sidoo kale waxaa maalmo dhexe internetka lala ordayey
in Daahir Riyaale iyo wafti balaaran ay marti u ahaan doonaan Tony Blair,
maamulkiisa iyo waliba xubno baarlamaan oo kale. Waxaa la sheegay in 17/03/04
uu sarta baarlamaanka ku qaban doono hadal sidoo kalana uu arki doono
ra’iisul wasaaraha iyo madax sare. Sidii aanan ugu degdegin ka hadalkii
sawirka gabadhii ayaan qaatay inaanan sugo inta waqtigaas ay weriyayaal iyo
qorayaal uusan wejigoodu nagu cusbayn sheegeen la gaarayo.
Haddii arrinta goosashada xaggeeda la fiiriyo, xitaa
haddii Riyaale uu qarsoodi ku arko Tony Blair wax micno ah oo buuran ma leh
maxaa yeelay waxaa isaga dani ugu jirtaa in la isla sawiro labadooda
dabadeedna qofkii rabaa wuu oran karaa wuxuu ka la hadlay aqoonsiga
Somaliland. Waxa arrintaas beeni kara oo kaliya labadooda waa haddii la isla
sawiro.
Qofkii kala yaqaan dadka Soomaaliyeed waxaan shaki ka
galayn Soomaalinimada madaxda ugu sarsaraysa Somaliland intooda badan laakiin
maxaa waalay waftigaas? Maxay beenta laga qorayo u diidi waayeen? Ani ahaan
waxaan aamminsanahay in wefdigaasi la khalday ama ay na khaldayaan oo soo
qaraab tageen. Marka sidee lagu khaldi karaa? Waxaa suurtogal ah seddex
waxyaalood:
1. Shaf u garaacii xubno baarlamaan oon culays
lahayn “backbenchers”.
2. Balag ay luleen qurbo-jooga reer Waqooyiga.
3. Iyo haweenay arrintaas garqaad ka ah.
Labada qodob oo hore waa iska caddahay laakiin waxaan
ka cududaaranayaa inaan ka hadlo dumarka iyo hooyooyinka laakiin ka hadalka
marwooyinka “wuxuu noo egyahay marka bakhtiga naloo banneeyey (daruuro)
waxaana nooga bannaan inta bakhtiga nooga bannaan (in yar)” marka haddii laga
maarmiwaayo waa laga hadlaa. Sida ragguba qaar khaldan u leeyihiin waxaad
arkaysaa dumar sidoo kale khaldan laakiin dumarku mar kasta ka naxariis badan
ragga, taasna waa arrin fidrada iyo diinta lagu ogaaday.
Waxaa walaasheen Edna Aadan laga sheegay inay tiri
dadka reer Koonfurka isku asal ma nihin! Yaa arkay wax tusinaya in dadka
Hargeysa ku dhashay ay kuwa Garoowe ama Marka ka nasabsanyihiin? Haddaad
suugaanta fiirisid ma arkaysid wax sheekadaas ka jira.
Horta Soomaalidu badanaa wax makala saarto. Dumarka
hooyadu ka mid tahay oo naxariistii dabiiciga ahayd leh warkooda iyo
taladooda waa la qaadanayaa sidii Nabi Muxamedba (SCW) uu u qaatay taladii
Umu Salama (RC). Laakiin haddii dumarku isku dayaan inay ka hadlaan arrimo
aan waaqici ahayn oo khaldan waa inaan taladooda la yeelin. Ninkii taladaas
khaldan qaatana waxaa horay uga maahmaahay Soomaalida oo tiri: rati rati wado
iyo nin naagi waddo midna kaama leexdo. Marka aqoonsiga Somaliland laga
hadlayo waxaa garwadeen ah marwadaas waana taas halkaas Riyaale iyo
waftigiisii ku furtay. Marka la yaab ma leh inaad aragtid Edna oo sheeganaysa
inay naga nasab fiicantahay.
Malaga yaabaa in Tony Blair arko Riyaale? Haddii Tony
Blair ku socda indho-adaygiisii uu Ciraaq ku weeraray oo kale waa suurtagal
sidoo kale waa suurtogal inuu qarsoodi ku arko laakiin waxaan shaki ku jirin
inay taasi dan ugu jirin Tony Blair. Sabab? Tony Blair waxaa cusleeyey
dhibaatadii Ciraaq iyo garab-istaagii Bush. Sumcaddiisii ayaa dhacday oo
dhulka gashay marka suurtogal ma ahan in isagoo qarash shirka dib-u-heshiisiinta
Kenya wax ka bixinaya uu yiraahdo waxaan Riyaale u qaabilayaa madaxweyne.
Hoolasha Westminster ka hadalkiis wax micnaa oo saas
ah ma leh laakiin haddii ra’iisul wasaaruhu joogay waa arrin kale. Waxaa
shirar ku qabsado ururro Soomaliyeed oo London jooga iyadooy fadhiga soo
xaadiraan xubno ka socda baarlamaanka Britian, qaarkoodna yihiin kuwa xibsiga
talada haya, jagana ka haya dowladda. Marka sidii sawirkii Reagan haddii
hoolkaas tegidiisu Daahir iyo waftigiisa wax u tarayso, dadka BBC-da
laanteeda Afsoomaaliga ka dhagaystana looga dhigo horumar weyn, hala arko.
Dad faallo ka bixinayey kulankaas oo boggagga
Soomaaliyeed kusoo qoray waxay sheegeen in wafdigaasu soo xigtay hadalo ay
horay u dhaheen dad Ingiriisa oo hore oo ay ku jireen Margaret Tatcher iyo
Churchill. Caqligu wuxuu keeni lahaa inay soo xigtaan waxii George Bush,
aabbihiis, Reagan iyo Clinton dhaheen! Reer Waqooyigu ma garan waayeen markay
ka hadlayeen qarnigii 13-aad ama 17-naad inuusan Maraykanku wax la xuso ahayn
ama aysan dadkii Yurubka ahaa halkaas tegin? Markii Ingiriisku xudduudaha
samaynayey ama adduunka gumaysanayey, isagaa horboodayey laakiin taasi waxay
ahayd taariikh. Marka waa Maraykan inay raaligeshaan oo taariikhdooda iyo
oraahahooda xusaan.
Marka qolada kaabooyga ah (cowboy) oo Waqooyi Galbeed
siin karta “good”, Puntlandna “bad”, Xamarna “evil” waa Maraykan. Marka maad
George Bush fiirisaan isagaa idin oran haddaad reer Waqooyi tihiin ku darsada
Gaarisa isagoo Garoowe u qaba. Waxaana isaga khaldami kara gobolka hadda la
yiraahdo Waqooyi Bari Kenya iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.
Hor Ilaahay haddii loo hadlo waxaan la inkiri karin
horumarka hadda ka jira Waqooyi Galbeed. Daahir Riyaale cidna xoog kuma
qabsan waloow wax la sheegsheego haddana waakaas dad taageeraya Waqooyi
Galbeed soo dhaweeyeen halka hogaamiyaha Puntland uu dadka ka dhuunto markuu
London yimaado.
Sidii horay loo yiri: sammaanteediyo xumaanteed
Soomaaliya Soomaali baa leh.