March 14, 2004
Radiyoow Midnimo (Boosaaso) oo u istaagay
midnimada Soomaaliya

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Boowe BBC Laga Reysay oo Raadiyoow Midnimaa
Burqatay!
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis
Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Daqiiqado ka hor markaan maqaalkan qorayo
ayaa waxaa MSN iisoo galay qof sheegtay inuu joogo Boosaaso dabadeed waxaan
weydiiyey waxa BBC-du (laanta Af-Soomaaliga) sheegtay laakiin wuxuu i siiyey
akhbaar dheeraad ah. Wuxuu yiri Boowe BBC laga reysay oo Raadiyoow Midnimaa
burqatay! Waxaan ka dalbaday inuu hadalka ii jilciyo. Wuxuu yiri Radiyoow
Midnimo ayaa qabtay dooddo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah golayaasha
Puntland. Wuxuu sheegay inay dooddu ku saabsanayd hay’adda sirdoonka Puntland
oon anigu u aqaan hay’ada cabsigelinta Puntland. Iyaga iyo aniguba marka
lasoo gaabiyo isku si baan u qornaa (PIS). Laakiin “I” dhexda ku jirta waan
isku khilaafnay. Iyagu waxay dhahaan “intelligence” anna waxaan dhahaa
“intimidation”. Su’aalihii la isweydiiyey waxaa ku jiray: yaa lacag siiya
hay’adaas maaddaama aan arrinteeda baarlamaanka la horkeenin oon la aqoon
cidday u shaqayso? Rag kujira golayaasha ayaa yiri ma ahan arrin la fahmi
karo oo waa arrin u baahan in laga wada hadlo maxaa yeelay jir qof binu Aadam
ah iyo mid doofaar haddii la yiraa ha la isku dhajiyo waxaa halkaas ka furan
dood. Wuxuu ka wadaa hadday hay’addu Puntland u shaqayso, arrinteeda hala hor
keeno golayaasha Puntland, hana u hogaansato xeerarka u yaal.
Waxaa kaloo jirtay dood ku saabsanayd
xilli-kordhinta golayaasha Puntland. Waxaa kaloo mas’uuliyiintii sheegeen
inay Puntland Soomaaliya tahay aysanna macquul ahayn in la aado Jowhar oo
hadba qof la iska daba-ordo.
Markaan akhbaartaas helay ayaan waxaan
xasuustay beydad ay tirsheen labadii gabyaa waa Qamaan Bulxan iyo Maxamed
Cumar Dage oo ahaa:
· Diinkaan akhriyey way imaan, Dooy
raggii jiraye
· Dunji maalintaa waxaad qabtaan, waan u
daahirine
· Ma dammaniye daynkayga waa,
dabaggelaayaaye .
Intaas waa tii Qamaan halka uu Maxamed lahaa:
· Doqonkii la guubaabin jiray, dib u
guhaadow dheh!
Waligey waxaan is lahaa shacabka iyo
saxaafadda Puntland waxaa hor kacaya shacabka laakiin hadda waxaa hormaray
saxaafaddii. Ninkii wuxuu yiri haddaad mooddeen Ingiriiska iyo reer Galbeedka
kaliya inay yaqaanaan in si xor ah dooddaha la isu weydaarsado oo qof walba
wuxuu qabo halkaas soo dhigo, ku xisaabtan inuu annaga (Puntland) noo beryey
waa’ cusub oo saxaafadeed.
Haddii uu ninkaasi run sheegay waxaan shaki
ku jirin inay noqonayso horumar cusub. Dad badan oo reer Puntland ah ayaa
aniga iyo hadalkeyga la yaabbanaa laakiin waxay hilmaameen murtidii Faarax
Gololeey Allaha u naxariistee. Miyaan la sheegin sidii Faarax Gololeey
kaligiis uga dhiidhiyey cabburinta iyo af-qabashada? Faarax wuxuu ka digayey
soow nama qabsan?
Qofkii akhriya aayadda 148 ee Suurat An-Nisaa
wuxuu arkayaa halka culuunta laga soo qaato. Af-Soomaali ahaan aayaddu waxay
leedahay: Ilaahay ma jecla hadalka xun ee lala jahro ilaa qof la dulmiyey
maahee. Dadka ”Psychology” iyo ”Psychiatry” barta maxay dadka dhibban u
dhahaan iska hadal si ay nafis u dareemaan? Anigu ayaddaas waxaan ka fahmayaa
faa’iidooyin badan sida midda qof kasta arko ee ah in dulmiga qofkaas haysta
la arko oo ciddii caawinkaraa caawiso. Sidoo kale waxaan ka fahmaa middaas ay
laamaha cilmigaas ka hadlaan in marka uu qofku dhibka loo geystay sheegsheego
uu iska nafiso oo mar dambe iska samro.
Haddaan dadka afka la qaban waxaa imaanaysa
in si aan laablaab lahayn loo xisaabtamo dabadeedna qaab-dhismeed la isu
mucaarado laakiin hadday meesha soo gasho afqabasho oo aan hadal la isu
ogalayn waxaa dhacaysa in hogog la isu qodo oo hooto la isla raadsado.
Waagii hore waxaa la yaqaanay maahmaahdii
ahayd: nin yari intuu laan ka booduu talo ka boodaa laakiin intaan caqlisaday
waxaan arkayey oraah aad mooddo inay tahay: nin walba intuu jiruu talo ka
boodaa. Haddaad 70 jir tahay waxaad talo ka boodaysaa 70 mitir laakiin
haddaad 40 jirto waxaad ka boodaysaa 40. Haddaad u rumaysan weydo fiiri cidda
dhibka Soomaaliya wadda iyo cidda Amxaarada u adeegaysa. Ama dheh nin walba
wuxuu qodaa hog intuu jir oo mitir ah. Waa jiraan dad waaweyn oo akhyaar ah
laakiin hadda Soomaaliya dhibka ugu badan waxaa wada dadka da’da ah.
Waxay ilatahay in Radiyoow Midnimo soo wado
dooddo ku saabsan dhaqaalaha, nabadgelyada iyo isku soo dhawaanshaha shacabka.
Marka dhaqaalaha laga doodayo waxaa meesha soo galaya arrinta ku saabsan
baddaha Puntland iyo kalluunka. Waa dood ay shacabka Puntland aad u sugayaan
laakiin waxaa dhibaato ah sida dadka ku jira golayaasha ay uga doodi karaan
arrintaas maaddaama aan la hor keenin golayaasha oon wax akhbaar ah oo sax ah
laga hayn.
Maxaa Maraykanka iyo Ingiriisku uga hadlaan
dimuqraadiyad lagu soo dabbaalo Bariga Dhexe maaddaama ay markoodii horaba
sameeyeen dowladahaas iyo dadka xukuma? Waxay fahmeen dhibka ay leedahay
cabburinta, oo dadka kunool Bariga Dhexe intooda badan waa necebyihiin
dowladahooda iskaba daa kuwii sameeyee. Marka reer Galbeedka waxaa faa’iido
ugu jirtaa inay shidaalkoodana iska gurtaan laakiin aan shacabka dab lagu
shidin si aysan arrintu faraha uga bixin. Hadday maanta dadkey argagixisada u
haystaan sida Al-Qaacida ay si xor ah iskaga joogi lahaayeen waddamaday ku
dhasheen, maanta reer Galbeedka dhibkaas ma qabsadeen. Ka hortaga dadkaas
waxaa uga baxda dhaqaale aan la qiyaasi karin.
Waxaa nasiibdarro ah in dad Soomaaliyeed oo
wax ku qora internetka iyagoo u danaynaya qabqablahooda ay ka hadlaan in
Soomaaliya iyo dadkeeda la sii dhibo halka reer Galbeedku fahmeen dhibka ay
leedahay cabburintu. Waxaad arkaysaa dad ganacsatadoodii iyo
aqoonyahannadoodii eedaynaya iyagoo leh waa aragagixiso. Miyeydaan arag in
Maraykanku soo daayey wiilal muslimiin ah oo haysta dhalasho Ingiriis ah oo
Afganistaan laga soo qabqabtay? Sideed ku keentaan inaad eedaysaan dad aan
dhib lagu ogayn oo layaqaan meeshay habayn kasta seexanayeen ilaa intii
hooyadood dihatay? Mise waxaad hilmaanteen in Soomaalidu yihiin dad is yaqaan?
Sidoo kale waxaan Mela Zenawi ku leeyahay
haddii xoog iyo xabbad ciddi nabad ku keenayso waxaa ku keeni lahaa Israa’iil.
Meeshii la filayey in dowlad Falastiin ah la dhiso ayaa waxaa la dhisay
gidaar. Marka haddii Zenawi uu dayn waayo dabkuu hurinayo waxaan filayaa inay
Soomaaliya ka tashanayso Zenawi, oo aan xiran doonno xudduudaheenna. Cidda
koowaad ee khasaaraysa waa Zenawi ilayn bad ma haysto, horay buuna deriskiis
ula dagaalay sida Eriteriya, Jibuuti iyo Yeman.
Haddaan shisheeye u yeerayno waxay ila tahay
in la gaaray waqtigii aan kala dooranlahayn Beesha Caalamka iyo Zenawi.
Tusaale ahaan waddankan Britian waxaa jooga dad Soomaaliyeed oo ka badan
100,000 oo qof. Dadkaas intiisa badan waa dumar iyo carruur. Dadkaas oo
haysta nolol sidoo kalana ay ku xiranyihiin dad intaas ka badan oo waddankii
ama waddamo u dhow jooga. Sidoo kale Maraykanka, Yurubta kale, Australiya,
iyo Newzealand waan buuxnaa. Marka haddaynaan shisheeye-jacayl deyneyn maan
wax la qabsanno kuwaan dhaqaalaha aan la inkiri karin naga soo galaan, sidoo
kalana ah dadka adduunka horbooda? Mise ”ragga geela leh ragga dabayaal
baannu dabonaal? Bal fiiri sanadka iyo barkii ugu dambeeyey waxa Itoobiya
”nagu caawisay” waa boqolaal gaari oo hub iyo saanad ah halka Beesha Caalamku
nagu caawisay maalaayiin Doolar iyagoo leh waan idin heshiisiinaynaa halka
Zenawi uusan qarsanayn isku-dirkeenna. Sidoo kale ogoow adduunka dan baa
jirta laakiin haddaan anagu caqli leennahay danteena baan wax kasta ka
hormarin lahayn.
Waxaan aad ugu mahadnaqayaa walaalaha haga
Radiyoow Midnimo doodda fiican ee ay shacabkooda u fureen. Waxaan shaki
lahayn in saxaafaddu tahay lafdhabarta horumarka iyo wadajirka dadka iyo
dalkaba. Sideedana saxaafaddu waa seef labo af leh marka waxay wax u goysaa
dhinicii loo isticmaalo. Hadduu horumaryahay horumar haddii kalana burbur.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |March 14,
2004
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|