March 11, 2004
Cawaaqib-xumada Carqaladdaynta shirka
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato.
Jariidadda la yiraahdo the Guardian oo ka soo baxda
Britian ayaa nuqulkeedii soo baxay March 10, 2004 ku qortay faallo iyagoo soo
xigtay buug uu qoray Geoffrey Robertson oo lagu magacaabo “Crimes Against
Humanity – The Struggle for Global Justice”. Af-Soomaali ahaan waa:
dambiyada laga galo Aadanaha iyo halganka loogu jiro caddaalad loo dhanyahay
(adduunkoo dhan). Mr Robertson wuxuu ka midyahay qareennada ugu horreeya
waddanka Britian ee u dooda xuquuqda Aadanaha ahna guddoomiyaha maxkamadda
dambiyada dagaalka ee UN ka samaysay Sierra Leone.
Cutub ka mid ah buuggaas oo uu kaga hadlayey
casharadii laga bartay Sierra Leone wuxuu ku sheegay jamhadda la yiraahdo “Revolutionary
United Front (RUF)” dambiyo foolxun oo Aadanaha laga galo (grotesque
crimes against humanity). Hogaamiyahoodii dhintayna, Foday Sankoh:
dadqalkii qaranka (the nation’s butcher). Wuxuu sheegay in jamhaddaasi
tababarto ciyaalsuuq iyagoo ku hubeeya qoryo aake ah, shaqadooduna tahay
bililiqo, kufsi iyo dheeman-dhacid.
Buuggaas wuxuu jamhaddaas ku eedeeyey jirdil qaab
daran iyagoo sameeyey qolol loogu talogalay ciqaabtaas si dadka addimada (gacmaha
& lugaha) looga gooyo, sidoo kalana tolaya xubnaha taranka dumarka iyagoo
isticmaalaya cayngariga lagu kalluumaysto iyo iyagoo dadka afka ka qufulaya.
Bal aan English ahaan u soo qoro waxa jariidaddu sii tiri markay buugga soo
xiganaysay:
“The scale of the atrocities amounted to a crime
against humanity which must never be forgiven sufficiently for the RUF to be
given a slice of power, it said. On the contrary, its leaders deserve to be
captured and put on trial”. Soomaali ahaan waxay noqonaysaa: baaxadda
xaasidnimada ay dambiyadaas u adeegsadeen ayaa khasab ka dhigaysa inaan la
cafin, caddaynna u ah inayna xukunka meel ka soo gelin bal hogaamiyaashaasi u
qalmaan in la qabto oo maxkamad la soo taago.
Xasuusta maqaalkii ahaa “warlords of mass
destruction (WMD)” waxaan soo iri hadal u eg kaas qareenkaas. Hadalka
waxaan u iri sidan:
“Warlords should be held in
solitary confinement, not to be chosen as members of the Somali cabinet”.
Soomaali ahaan waxay noqonaysaa:
dagaal-oogayaasha waa in xabsi la dhigo ee maahan inay ka mid noqdaan xubnaha
wasiirrada xukuumadda Sooomaliya.
Bal ka warran dagaal-oogayaal la leeyahay
kaalaya aan idin cafinnee oo na hogaamiya oo haddana diidaya?!
Waxay ilatahay inaan labo is weydiinayn waxa
ay dagaal-oogayaashu u qalmaan. “Doqini cad carro loogu tuuray calaf uma
qabto”. Beesha caalamku waxay dulmiday xuquuqdii shacabka Soomaaliyeed
maaddaama ay ku fiirsatay dhurwaayadaas. Marka waxaa la yaab leh haddiiba
dagaal-oogayaasha qaarkood fahmi la’yihiin sida beesha caalamka u caawinayso
qabqablayaasha siday u noqon lahaayeen madaxdii Soomaaliya. Waa sida loo
dhaho xaq feeruu ka dilaacaa.
Waxaan Maraykanka iyo reer Galbeedka kale
waydiinayaa waa idinka ku dooda inaad Bariga Dhexe ka dhigaysaan meel
dimuqraadiyad lagu soo rogo si aan argagixiso iyo belaayo halkaas uga soo
bixine maxaad Soomaaliya wax uga qabanweydeen intaad waddamo dowlado haysta
hadalkaas ku leedihiin? Mise waxqabadkiinnu waa qaska waddamo dhisan?
Soomaaliya iyo Sierra Leon kee dhib badan
soo arkay? Waxa jamhadda RUF laga sheegayo, Soomaaliya ma ka dhaceen? Waxaan
shaki ku jirin inay tobanaan laab haddaysan boqolaal ahayn ka dhaceen. Haddii
la is barbar dhigo SRRC iyo RUF kee ku leh? Hogaamiyayaashooda ka warrama?
Yaa noqonaya “ the nation’s butcher”?
Hadal lama saarnaadee aan kala doorano
Musyoka iyo Mela Zanawi? Qof kastoo Soomaaliya waa yaqaan dhinacuu isu
badinayo maxaa yeelay labo dhib kan yar baa la qaataa waana arrin fidrada ku
fadhida. Horta waataan horay usoo niri anoo oraahdii sideedii ka bedelay:
· Musyokaheenii diid
· wuxuuna yiri maya (Mela Zenawi)
· ma ogalinne maya ee (Zenawi)
· maxaad idinna leedihiin?
Dabcan shacabka badankiisu waxay dhahayaan:
· Mela Zenawi baannu diidannahay
· Musyookaanu raacsanahay
· waxaanu leennahay maya (Mela Zenawi)
· ma ogalinne maya ee (Zenawi)
· mabda’aaga meel mari (Musyoka).
Marka beesha Caalamka lacagtoodu feero ka
xisaabsan marka dagaal-oogayaasha shirka diiddan ha ogaadeen inaysan Musyoka
iyo beesha caalamka afduubi karin. Itoobiyaba waxay xirxirataa
odaydo-dhaqameedyada Soomaliya sidii Hiiraan ka dhacday, guddoomiyayaal
degmaa weli u xiran sida kii Baladweyn, waqtigay rabtana waxay gudaha u soo
gashaa Soomaaliya marka maxaa u diidaya beesha caalamka inay faraha
Soomaaliya lasoo gasho iyadoo shacabka badankiisu raali ka yihiin in
qabqablayaasha shaqo laga qabto?
Marka haddii kooxyar oo SRRC ahi ka xoog
bataan IGAD, IPF, OAU, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Beesha Caalamka haddee
waxay ilatahay in shacabka Soomaliyeedna uu malaayiin jeer ka xoog badanyahay
ururadaas. Awalbaa Maraykanku ka laablaabtay Soomaaliya marka haddii beesha
caalamku wax ka qabanweydo dagaal-oogayaasha Soomaaliyeed waxay arrintu kusoo
biyo shubanaysaa inaan dib dambe faraha loola soo gelin sheekada Soomaaliya.
Waxaa la rumaysanyahay in dagaal-oogayaashu
“aysan lahayn kal cabsata laakiin leeyihiin kor xanuunsada”. Marka ciddaan 13
bisha ka soo xaadirin shirka waxaa loo qaadanayaa inay rabto in lagu
wareejiyo maxkamadaha qaabilsan dacwooyinka dagaalka. Ogaadana Caruusha wax
badan kama foga Nayroobi.
Mahadsanidin.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |March 11,
2004
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|