March 1, 2004
Hogaamiyayaasha Xamaroow guushiinna xagsada
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis
Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Oday Soomaaliyeed baa mar u dhawaaqay balli
ku yaal Doollo mar ay xareedi ceegaagtay ooy dhinacyadiisa qariyeen doog iyo
cagaar. Odaygii wuxuu yiri war Ximcaddoow (waa balliga magaciisa) Rabbi deeq
kuuguma dhimannee biyaha cesho.
Inta aanan dulucda sheekada u gelin waxaan
aad u soo dhawaynayaa waraysigii uu Cismaan-Kalluun siiyey BBC-da laanteeda
Afsoomaaliga isagoo uddoodaya Soomaaliweyn. Wixii laabta ku jira Ilaah baa
daalacankara laakiin waxaan shaki lahayn inuu u hadlay si Soomaalinimo iyo
siyaasadi ku dheehantahay. Bal suurayso madaxda iyo mucaaradka Somaliland oo
ku dhadhaba goosasho, ninka ku dhiirraday inuu fikraddiisa dhiibto isagoon
cidna uga haybaysan. Way dhici kartaa inay jiraan sheekooyin hoose laakiin
mar haddaan Islaam la isku xukumeyn waxaa caadi ah in siyaasadda la i sugu
dhameeyo marka wuxuu muujiyey geesinimo iyo Soomaalinimo.
Usoo gal sheekadii odaygee waxaan la
soconnaa meeshii ugu dhibka badnayd Soomaaliya dhowr iyo tobankii sano ee u
dambeeyey inay ahayd Koonfur khaasatan Xamar. Dhabcan hogaamiye kooxeedyadii
ugu dhibka badnaana iyaday joogeen.
Horta siyaasaddu waa cayaarta waalada oo
kale. Waxaa ciyaara labo qof oo midna qaato gudub midna dhinac/socod. Ilaah
baa og cayda halkaas ka dhici jirtay marka la ciyaarayo xattaa waxaad
arkaysaa rag waaweyn oo waxay ku hadlayaan aad la yaabaysid intay
waalaysanayaan laakiin waxaa muhiim ah guusha. Waa cayaar aad la isugu been
guuro oo cajiib ah. Hadda wax hogaamiye kooxeedyada Soomaalidu ay diin, dad
iyo dal caayaanba waxaa muhiim ah gunaanadka shirarka. Hogaamiye kooxeedyo
badan oo Xamar, oo afkooda wax xil lihi ka dagi jireen siday waalo
cayaarayaan ayaa markii ugu dambaysay guulaystay markay arkeen waxa shacabka
Soomaaliyeed rabo. Anigu iyaga waxaan ku leeyahay sidii odaygii yiri: war
hogaamiyayaasha Xamaroow guushaas ma ceshan kartaan?
Akhristayaal balliga odaygu sheegayo inuu
biyo ceshado iyo in kale waxay ku xirnayd ciiddiisa. Haddii ciidda balligu
tahay bacaad waxaan shaki lahayn in balligu dhakhso u gurayo laakiin haddii
ciiddu dhoobo ama adag tahay muddo dhan buu biyaha hayn. Fiicnaanlahaydaa
haddii hogaamiye kooxeedyada Xamar maqlaan dadka waxgaradka ah ooy taladooda
ku dhegaan dabadeedna ay is dhaafiyaan talooyinka cadowga Soomaaliyeed ooy
dhegta kale ka baxshaan.
Inkastoo Xamar makhluuqaad badan lagu
gumaaday, intaas oo dumar ah lagu faroxumeeyey, intaas oo qofna laga qaxiyey
waxaan aamminsanahay in qof kasta oo Soomaali ah jecelyahay inay degto oo ugu
yaraan dadka halkaas degen ay nabadgelyo iyo kala dambayn helaan. Xamar waa
wadnihii Soomaaliya. Hadday degto waxaan xag Ilaah ka rajaynaynaa in
Soomaaliya oo dhanna degi doonto. Marka gobolkii Soomaaliyeed oo nabad noqda
wuxuu la mid yahay qayb jirkeena ka mid ah oo xanuun ka bogsatay marka danbaa
noogu jirta waloow ay dhici karto in qofkaasi uusan ahayn dadka halkaa degan.
Ururka xallinta mashaakilka Soomaaliyeed oon
u hadlo wuxuu gartay muhiimadda Xamar iyo waxay ku tari karto Soomaaliya.
Markuu ka hadlayey furidda garoonka diyaaradaha iyo dekedda wuxuu soo
jeediyey in hogaamiye kooxeedyadani isku yimaadaan:
1. Cismaan Caato
2. Muuse Suudi
3. Maxamed Dheere
4. C/Qaasim
5. Cumar Filish
6. Xuseen Caydiid
7. Maxamed Qanyare.
Maxamed Dheere marka laga reebo lixdii kale
waa saxiixeen heshiiskii 23/02/04. Marka ururuku wuxuu ku celinayaa talooyin
uu qaarkood horay usoo daayey. Markaan Xamar ka hadlayo booskii Maxamed
Dheere waxaan ku bedelaynaa Xasan Qalaad. Marka toddobadu waxay noqonayaan
sidan:
1. Cismaan Caato
2. Muuse Suudi
3. C/Qaasim
4. Cumar Filish
5. Xuseen Caydiid
6. Maxamed Qanyare
7. Xasan Qalaad.
Si shirka Kenya u mirodhalo waxay ku
fiicnaan lahayd in toddobadan hogaamiye ay si dhaqso ah Xamar u tagaan iyagoo
wadajira ooy ka degaan garoonka Xamar ama kan Deyniile dabadeedna reer Xamar
oo guuraya ay soo dhaweeyaan. Marka waxaa la filayaa in ururada xuquuqda
dadweynaha u dooda, kuwa haweenka, dhallinyarada iyo shacabka Xamar oo dhan
maalintaas soo dhaweeyaan. Waa intaan loo gudbin qaybsashada baarlamaanka,
sababahan owgood:
· Markay hogaamiyayaashu arkaan dadkii ay
shalay qolo qolada iskugu direen, ooy qaarkood dileen, qaar kalana dhib u
geysteen oo maalintaas u tuban milicda cadceedda iyadoon awoowayaal &
ayeeyooyin, aabbayaal & hooyooyin dhallaankoodi tafta haysta iyo
dhallinyaradii ay isku soo baxaan si ay u soo dhaweeyaan hogaamiyayaasha.
Waxaan aamminsanahay in marka ay hogaamiyayaashaas ay ishoodu qabato dadka
dhamacdaas taagan in ay ilmo ka soo quban doonto ooy qalbigooda ku dhici
doonto in dadka Soomaaliyeed yihiin dad wixii hore oon wax laga qaban karin
iska ilaawa.
· Waxaa la rabaa in fagaarahaas la iska
cafiyo iyadoo hogaamiye kooxeedyadu dadka weydiistaan in la cafiyo ooysan
dib dambe ugu noqonayn dhibka dadweynaha.
· Arrintaasi siyaasad ahaan bay
hogaamiyayaashaas wax ugu taraysaa. Soow meynaan arag Maxamed Qanyare oo
shirkii Mbagathi lagu xambaarayo halka hogaamiye kooxeed kale meeshaas
fadhiyey isagooy foolxumo ka muuqato.
· Arrintaas waxay quusinaysaa cadowgii
Soomaaliyeed ee rabay inuu isku diro hogaamiyayaasha Xamar si ayna
Soomaaliya u degin oo mar walba waddanku ugu jiro burbur iyo kala dambayn
la’aan. Cadowga Soomaaliya wuxuu arkayaa malyan qof oo isagu soo baxday
Xamar si ay u soo dhoweeyaan hogaamiyayaashooda wuxuuna dareemayaa inuusan
Soomaaliya wax ka qaadi karin.
· Waxaa saf u soo galaya waddamada
daneeya arrimaha Soomaaliya markay arkaan shacabkii iyo hogaamiyayaashii
Xamar oo isku soo dhowaaday. Marka qofkii dan lihi wuxuu aadayaa dadkii
taageero haysta.
· Arrintan waxay keenaysaa in
hogaamiyayaashu Kenya ku soo noqdaan iyagoo la soo cafiyey kuna faraxsan
sida shacabkoodu u soo dhaweeyey dabadeedna waxay gudogalayaan in shirku
najaxo waxayna ka ilaalinayaan dibindaabyada cadowga Soomaaliyeed.
Sidoo kale ururku wuxuu codsanayaa inay
Kismaayo tagaan siyaasiyiinta kala ah:
1. Barre Hiiraale
2. Jaamac Cali
3. Axmed Cumar Jees
4. Maxamed Saciid Moorgan.
Sidoo kalana kornayl Shaatiguduud uu booqdo
Bay & Bakool iyadoo la rabo inuu soo dhaweeyo Xaabsade.
Waxaan ku kalsoonnahay in hogaamiyayaashu
aysan diidi doonin codsiga ururkan maxaa yeelay waxaan ognahay in fikradaha
fiican lakala qaato waana la xiriiraynaa hogaamiye kooxeedyada inay naga
aqbalaan. Bal aan xasuusanno in markii dagaalkii Badar labadii ciidan isku
soo dhawaadeen in uu Nabigu (SCW) ciidankii muslimka ku furay meel ceelka
gadaal ka xigta dabadeedna nin saxaabi ah yiri Nabi Alloow (SCW) arrintan ma
Waxyi baa ku soo degay oo saas u yeeshay mise waa fikraddaada? Nabigu (SCW)
wuxuu yiri waa fikradayda. Saxaabigii wuxuu yiri haddaba aan ceelka hortiisa
degno oon dar ka samaysano si markaan oonno u cabno marka mushrikiintu
oontana aan uga difaacno oon biyaha uga dhaarano. Nabigu (SCW) ma oran ma
anoo dadka ugu fadli badan baad talo igu kordhinaysaa ee wuxuu qaatay taladii
saxaabigaas. Sidoo kale Nabigu (SCW) wuxuu qaatay taladii hooyadeen Umu
Salama (RC) markii Makka laga hor istaagay. Sidoo kalana dagaalkii Khandaq
waatuu Nabigu (SCW) qaatay taladii Salmaan Faaris (RC). Marka la yaab ma leh
in hogaamiyayaashu qaataan talooyinka ururkan.
Mahadsanidin.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |March 1,
2004
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|