Hogaamiyayaasha SRRC-da ee ku sugan
madasha shirka ayaa maanta wasiirka arrimaha dibada kenya ka codsadey in
uu faahfaahin ka bixiyo
warsaxaafadeedkii 6-bishan Maarso, waxaa kaloo ay sheegeen in wareysigii
safiirka dawlada Kenya ee Soomaaliya uu siiyey BBC-da uu khalad
ahaa.
Ugu danbeyn waxay codsadeen in shirka wajigiisa 3-aad lagu qabto meel
kale ama in uu qeexo wasiirka
qoddobka 30aad ee xulida xubnaha
baarlamaanka ergada la horkeeno ka dibna iyaga ansixiyaan.
Kooxda SRRC-da ayaa caalamka u sheegtay in ay kala laabanyaan kalsoonidii
ay ku qabeen kenya oo ay doonayaan in shirka qaybtiisa danbe lagu qabto meel
kale sida Uganda.
<><><>
8-Maarso oo si Weyn Looga Xusay Madasha Shirka
Xaflad balaaran oo lagu maamusayey maalinta haweenka Adduunka ,Gaar ahan
haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtey madasha shirka nabada
Soomaalida uu haatan ka socdo ee Mbagathi, Kenya.
Xafladaasi ayaa ugu horey ka hadashey Marwo Caasho axmed Cabdalla oo ka
hadasjhaey tariikh haweenka Soomaaliyeed iyo marxaladihii kala duwaa ay
soo mareen.
Faadumo Cali Cigaal ayaa iyana ka hadashey qaabka gudniinka iyo
taariikhda gudniinka soomaalida,waxay kaloo sheegtey in gudniinka
soomaalida uga yimid wadanka Masar.
Paul Sinkins oo ka socdey midawga yurub ayaa sheegay in ay harumariyen
barnaamijyada harumarinta haweenka Soomaalida 2-sanao ugu danbeysay waxa
kaloo uu sheegay in haweenka soomaalida loogu talagaley dhaqaale gooni ah
oo ka duwan haweenka ku nool wadamada kale ee afrika.
ygy danbey waxaa halkasi ka hadley Amnasator Winistons A.Tubman oo ah
wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada Midoowey oo sheegay in shirkii golaha
amaanka looga hadley arrimha Nabdeynat Soomaalida ,waxaa kaloo uu sheegy
in qaramada midoobey ka go`an tahay in shirka nabada Soomalida laga hello
dawlad ,waxaa kaloo taageeray heshiiskii 29- Janaayo.04 hogaamiyayaasha
Soomaalida ku gaareen Guriga Madaxtooyada dalka kenya ee Nairobi.
ugu danbeyn waxa uu sheegay in ay qwaramada midoobey qaadi doono talaabo
deg deg ah oo ay shacabka soomaalida ku farxi doonaan madaama dawlad
la`aan ku soo jireen 15-sanno.
xafladaasi waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyey shaqsiyaad ay ergada
haweenka soomaalida ku sheegeen kuwa muteystay in la siiyo shahaasdo
sharaf madaama ay ergada haweenka si hagarli ula shaqeeyeen
shaqsiyadkaasi ayaa kala ah:-
1-Wasiirka Arimaha Dibada Hon. Kolonzo Misayoka
2-wasiirada shaqada iyo labdhidhiga ee Uganda Hon.Zoe Bukuka Bakoka.
3-Prof.Wanjira kibira.
4-Midawga Yurub.
5-Prof.Maxamed Cabdi Maxamed Prof. Gandi.
6-Khaliif Xasan Axmed oo ka socda Novib-Somalia.
xafladasi ayaa soo agaasimey hayadaha Samafal ee kala ah Novib-Somalia
iyo Midawga Yurub.
xafladaasi ayaa waxaa lagui soo bandhigay heeso iyo majaajilo ka hadlayey
taariikhda Haweenka iyo gudniinka Gabdhaha Soomaaliyeed.
dhamaad.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya
abdikarimhussein@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2004
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO