SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY

March 8, 2004  
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/008/02 London, 08/03/2004

Ujeedo: Maalinta Haweenka adduunka

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan haweenka adduunka gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Haweenka Soomaaliyeed waxay kaalin ka soo qaateen dhaqdhaqaaqyadii xornimo-doonka Soomaaliyeed ee lagu doonay madaxbanaanida aanu maanta harsaneyno, isla markaana Soomaaliya noqoto dowlad madax banaan oo leh calan, horseedna u yihiin isbadallada maanta ka soconaya gayiga Soomaaliya.

Haweenka Soomaaliyeed waxay dhab ahaan galeen kaalin lama ilaa-waan ah, gaar ahaan sanadihii ugu dambeeyay ee uu burburku daashaday ummaddeenu, isla markaana buuxiyeen kaalintii laga sugaayay ragga.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu haweenka Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay kaalin buuxda ku yeeshaan xal u helidda arrimaha Qalafsan ee Soomaaliya, Goluhu wuxuu si buuxda u taageerayaa dhamaan dhaqdhaqaaqyada ay horseedka ka yihiin haweenka Soomaaliyeed ee ka socda gudaha iyo dibedda jamhuuriyadda Soomaaliya.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu aaminsan yahay in dhibaatada iyo xanuunka ugu badan bulshada uu soo gaarey haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan dagaalada sokeeye ee ka soconaya Soomaaliya mar haddii ay si sahal ah ku waayeen wiilashii ay dhaleen iyo raggii u dhaxay.

Kama dambeystii waxaan ka xun-nahay isla markaana si buuxda uga soo horjeednaa tacadiyada sii soconaya ee dhanka ka ah guud ahaan haweenka dunida, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed hadaba annaga oo ka faa'iideysaneyna munaasabadan qiimaha badan darteed tacsi u direynaa haweenka Soomaaliyeed ee sida waxashnimada leh loola beegsaday Kufsiga, Dilka, Dhaca, Afduubka ka soo horjeeda bini'aadamnimada.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD