SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 8, 2004  
xuska Sannadka cusub
(si aysan culumadu u sheegin)

sahid maxamed yusuf
 sahid_yusuf@yahoo.com

Akhristoow bishan February, 22,2004 waxaa dhashay sannadkii cusbaa ee Taariikhda Islaamiga ah ee Hijriyadda oo ka bilaawda bisha barakeysan ee Muxaram kuna dhamaada bisha kale ee barakeysan ee Dul -xujah.

Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri: (Tirada bilahu waa labo iyo toban bilood ilaahay agtiisa sida ku sugan kitaabka allaah, laga soo bilaabo maalintii allah uu samada & arlada khalqay, afar ka mid ah ayaa xurmad leh taasna weeyaan diinta saxa ah ee naftiina ha dulminina ...) 9:36.

Sidoo kale wuxuu nabigu yiri Xajkiisii weynaa ee ugu danbeeyey NNKH: (Hooyaay!!! zamanku wuu soo wareegsaday siduu ahaan jiray maalintii allaah samada & arlada khalqay, Sanadku waa labo iyo toban bilood afar bilood ayaa - xurmo weyn allah agtiisa ku leh- seddex wey isku xigaan waa: ( Dul- qacda, Dul- xijah iyo muxaram) midna waa gooni waa Rajabta reer mudar ee u dhaxeysa Jumaadul-aakhir & shacbaan) xadiiska oo dheer waxaa wariyey imaam Axmed bin xanbal.

Hadaba akhristoow Aayadddaas Quraanka ah & xadiiskaas sharxayba waxaan ka qaadaneynaa Duruus Ballaaran ooy ka mid yihiin:

1)in sanadku yahay sida uu rabi sheegay mid ka kooban 12 bilood ha ahaado midka islaamiga ah ee hijriyada ee ku saleysan dayaxa( lunar)ama midka Gregorian-ka ee ku saleysan qoraxda.
Akhristoow ma ogtahay in sumuuriyiintii ku noolaa 3000 B.C dhulka musubataamia in ay wadaadadoodu ahaayeen kuwo u qeybiyey bilaha sida kuwa haatan oo kale 8 bilood oo min 31 ah,seddex min 30 ah & hal bil oo marna 28 ah marna 29( leap year).
marka si kastaba ha ahaatee qeybinta biluhu waa wax Allah dejiyey se jaahiliinta baniaadamka ayaa marba sideey rabaan u bedesha ayagoo dulmi falaaya.
2) In sanadkii xajkii sagootinta ee nabiga ugu danbeeyey uu ahaa mid uu zamanku sidii rabi u khalqay u soo noqday oo bil kasta meeshii ay laheeyd ku soo noqotay, maalintaas laga bilaabana uu si sax ah
u socdo marka la fiiriyo taariikhda islaamka ee hijriyada.
sida uu culumadu sheegaan waxa la yiraa sanadkaas ayaa ahaa mid ay iswada waafaqeen ciidaha islaamka & yuhuuda & kiristaan oo ay maalintaas uu nabigu khudbadda jeediyey ay noqotay maalinta ciida carafo ee la yiraahdo maalinta xajka weyn, waana 10naadka dulxajah.
Akhristoow ma istiri sanadkii 2000 ama 2001 ayey hadana isku soo dhawaadeen oo hal usbuuc isla wada galeen.
3)in sanad kasta ay ku jiraan afar bilood oo xurmo leh taas oo ayasan banaaneyn in dagaal la qaado, waxaana Allah ugu tala galay in xujeyda beytkiisa ay nabad ku yimaadaan beytkiisa bilaha Dulcaqda &
dul xujah sidoo kalena ay nabad ugu noqdaan guryahoodii bisha muharam, haddii u baahdaanna inay cimreystaana in ay nabad ku soo noqdaan bisha Rajab ayagoo ruuxna ka baqeynin.
4)Haddaba akhristoow aan markaana aan u soo daadago xuska sanadka ama bilahaba ma banaantahay mise ma banaano?

Jadwalka Taariikhda Islaamka

Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan "Gregorian".

Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada "Al-Tawbah" ee macneheedu yahay "Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh...." [9:36].

BILAHA SANNADKA ISLAAMKA


1. Muxarram 7. Rajab
2. Safar 8. Shacban
3. Rabi'c al-awwal  9. Ramadan
4. Rabi'c al-thani 10. Shawwal
5. Jumada al-awwal 11. Dhu al-Qic'dah
6. Jumada al-thani        12. Dhu al-Hijjah
 

Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo (bilowga dayaxa), taas oo ah in la arko bisha. [Eeg bogga muujinaya khariida bisha].

Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.

Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].

Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan

Culumadu waxay badanaaba ka jawaabaan xuska sida xun loo sameeyo ee haatan adduunka daadsan ama aan si kale aan u iraahdo xuska la caabudaayo sanadka ama bilaha.kaas oo markastaba xaaraam ah ama
jawaabta ugu horeysa aad maqleysid ay tahay ma banaano. Se akhristoow anigu waxan ka hadlayaa mid kaas ka duwan oo ah xusid bannaan oo aad bilaha ama sanadka u xusi kartid. waana xuska uu nabigu sameyn jiray mar kasta uu bil dhalatay arko nnkh, taas oo ah:
Sida laga wariyey Dhalxa bin cubeydilaah allah ha ka raali noqdee in uu yiri Nabigu wuxuu ahaa haddii bil dhalatay arko kii yiraahda:( Ilaahow nooga yeel mid nabad & iimaan noo leh, iyo mid nabadgalyo iyo islaam noo leh, bilyahay rabigaaga & rabigeyguba waa ALLAAH, bil hanuun Iyo kheyr ilaahoow nooga dhig) xadiiskaas waxaa wariyey Tarmadi wuxuuna yiri waa xadiis saxiix ah.

Haddaba akhristoow ma aragtay waxa islaamka & diimaha kale ku kala duwan yihiin in uu islaamku uusan caabudin marna bilaha & dhagxaanta,geedaha iwm bal dhadhanso hadalka nabiga uu bisha kula hadlay:( rabigaaga & rabigeygu waa Allaah) Allah ayuuna nabad & iimaan ka baryey kama baryin bisha ama sanadka. Sidoo kale acmaasha xajka waxaa ka mid ah in la dhunkado dhagaxa madoow ama lagu kor meereysto kacbada.

Bal fiiri Cumar bin khadaab allah ha ka raali noqdee markuu dhagaxa la hadlay waxa uu ku yiri:
( dhagax yahow waan ku ogahay in aadan waxba anfacin waxna dhibin ee haddii aanan ku arki laheyn nabi muxamed nnkh oo ku dhunkanaaya kuma dhunkadeen) sidoo kale wiilkiisii c/llaahi bin cumar caalimkii weynaa ee saxaabadda wuxuu yiri asagoo kacbada dawaafaaya: Kacbayahay mid Allah xurmeeyey oo sharfay baad tahay se waxaa Allah agtiisa kaa sharaf badan nafta qofka muslimka ah.

Haddaba akhristoow ma fahamtay in uusan islaamku wax Allaah ka soo haray uusan caabudin, malag allah u dhaw ama nabi ilaah soo diray ha ahaatee,sida uu Allaah ku yiri Quraankiisa:
(Allah idinma faraayo in aad ka sameysataan Malaa'igta & nabiyada kuwo rabiyaal ah, ma waxa uu idin farayaa kufri markaad muslimteen kadib) 3:80.

Se waxaa banaan in aad Allah ka barido nabad & barwaaqo & bash bash & islaam & iimaan bilkasta oo dhalata ama sanad kasta oo dhasha in uu allah kugu maneysto waa taas xuska aan leeyahay badanaaba
wadaadadu sidaas uma sheegaan.

Ilaahow sanadkan sanadkiisa nagu gaarsii barwaaqo & bash bash islaam & iimaan, nabad & caano, Soomaali oo dawlad ah.

mahadsanidiin
sahid maxamed yusuf
 sahid_yusuf@yahoo.com

QORAALADII HORE EE SAAHID

1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 

http://www.somalitalk.com/cashuura/

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD