SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

March 8, 2004  

DHALLAAN-RUUG

Tixdaan gabayga ah waxaa tiriyey Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon). Tixdu waa waano iyo digniin ku socota ragga dhowr iyo tobanka nin ah ee taloxumadu, hungurixumadu, fulaynimadu iyo nacasnimadu ku kalliftay in ay qarankii Soomaaliyeed ku baddeshaan nolol maalmeedkooda. Nabaddoon wuxuu yiri: Tixda
magaceedu waa Dhallaanruug oo lagu bedelay magacii Dagaal ooge.

Dhallaan ruugyadow talo maanta hoo, dhaaxaan kuu digaye
Haddaad dhego waxmaqal leedihiin, waa dhab waanaduye
Ha ku dhicina hoobaal god dheer, dhuxulo hooseeya
Dhug u yeesha maansooyinkaan, dhiilada xambaarsan

Nimuu dhuuni qaadaa ka daran, kii dhintoo tagaye
Dhaldhalaalka qaarkiis ma aha, dheeman lacageede
Dhulkii aad lahaydeen baa rag kale, dhiil u culayaaye
Dhab u fiirsha taariikhdu waa, dhaxal maguurtaaye

Dawalad loo dhanyahay bay ahayd, inaad dhisaysaane
Dhulkii iyo dadkii baw xanniban, dhababacdiinaase
Maxaa dheriga oon weli bislaan, loogu dhacay hoosta?
Dhardhaarrada maxaa loo durkiyey, loo dhabqalateeyey?

Ninka dhuumanaayee haddana, dhabarku uu muuqdo
Dhiigiyo xinjiruhuna ka di'in, dhoolashiyo foolka
Dhanna uma ogola qarannimiyo, dawlad dhalataaye
Dhab u fiirsha taariikhdu waa, dhaxal maguurtaaye

Hadba kii dhagaha raaracshuu, dhaqayo maalaaye
Ninkii dheesha suu rabo u qaban, meel xun buu dhigiye
Ama dhabarka hooraarsha oo, dhiiba calankiinna
Ama dhaxalku waa taariikhda ee, waxuun sidaan dhaama

Halka dhaanka loo wado ma aha, saad u dhigateene
Geeridu inay dhaanto baan, dhaar ku marayaaye
Ma dharbaaxadii lagu dhuftaa, dhaban dhurwaa taagan
Ma dhufaanantiin oo ragannimaa, dhimatay oo guurtay?

Dhallaankuba ma yeeleen waxaad, hawl ka dhigateene
Dhalanteedka beentaa ayaad, dheef u aragteene
Miyirkii ayaa idinka dhumay, oo waa dhab waaliduye
Dhareerkiyo celyada yaan laqubin, dhimasho waa goore

Afartaas dharaar maaliniyo, dhaxal maguuraan dheh
Dhallaanruug hadday waano gelin, talo dhammaanteed dheh
Dhayal uma iraahdee murtida, kala dhiggeedii dheh
Nin dhulkiis la iibsaday ilmada, dhobo'tankeedii dheh

Cagtaad dhawrsan weydaba marbaad, meel xun dhigataaye
Dhabaqdhabaqdi hore iyo la fahan, dhagarfalkiineeye
Dhammaan shacabku waa wada arkaa, dheeshu say tahaye
Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane

Dhallaan iyo cirrooliyo hablaha, meelkastaba dhooban
Gadhmadoobe caatada la dhacay, ee dhabarku qoolaammay
Dhibka adinku aad geysateen, baa ka dhigay saaye
Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane

Dhabbahaad istaagtaba kun baa, haadda loo dhigaye
Dhurwaagaa ku meyraca hilbaha, dhool iyo haldhaaye
Dhaxantay badh jiifaan, hablihii dhabancas taahaaye
Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane

Afartaas dharaar maaliniyo, dhaxal maguuraan dheh
Dhallaanruug digniin waafiyoon, meel u dhigay taa dheh
Dhayal uma iraahdee murtida, kala dhiggeedii dheh
Nin dhulkiis la iibsaday ilmada, dhobo'tankeedii dheh

Dhawaaqaani waa aragtidii, shacabka dhiilloone
Dhayal how malaynina midkani, waa dhambaal culise
Dhawriyo toban sanay beelahood, dhowrayeen nabade
Dhagaxtuur ayaa soo socdee, dhabu ogsoonaada

Baryo way dhammaatoo waqtigu, waa is dhimayaaye
Ama dhaqanka doorsada, oo ka kora dhiiga jaqiddiisa
Ama dhowrta waydiin imaan, waxaad dhitayseene
Dhan uun raaca Soomaali iyo, cadowga loo dhiibay

Dhammaad: Cumar C/nuur Nuux - Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD