SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

March 9, 2004  

War-1-9-Maarso,04,Nairobi.
Beesha Caalamka iyo IGAD oo soo Saarey Qoraal ku ...............

Maanta 9-maarso,04 ayaa Beesha Caalamka iyo IGAD soo saareen Qoraal ka dib markii shaley Kooxda SRRC-da u direen Qoraal codsi ah iyagoo markale wasiirka arrimaha dibada Kenya ahna guddoomiyaha guddiga Farsamada IGAD ka codsadey in uu cadeeyo qoddobka 30-aad ee Qoraalka Buuga Axdiga iyo dastuurka ee shirka Nabada Soomaalida ee ka socda Kenya 16-bilood.

Qoraalka ayaa marka hore qoray heshiisyadii kala duwanaa ee shirka Nabada Soomaalida laga soo bilaabo 15-Oktoober,2002.  Beesha caalamaka iyo IGAD ayaa marka kale taageero buuxda siiyey heshiiskii hogaamiyayaasha Soomaalida ay 29-janaayo,04, ku gaareen guriga Madaxtooyada Kenya. Waxay kaloo cadeeyeen qodobka xulida xubnaha baarlamaanka ee 30-aad in uu yahay sida wasiirka arrimaha dibada Kolonzo Misayoka u qeexay 17-bishii Febraayo,04, kaasoo dhameystirayey heshiiskii hogaamiyayaasha Soomaalida ku gaareen kulankii wada tashigam ee safari Park oo socdey 9-janaayo ilaa 29-janaayo,04. Waxay kaloo beesha Caalamka iyo IGAD soo dhaweyeen warsaxaafadeedkii wasiirka Arrimaha dibada ee kenya 5-bishan Maarso oo qorayey in wajiga seddexaad la qabanayo 13-bishan.

Beesha Caalamka iyo IGAD ayaa soo dhaweynaya Hogaamiyayaasha Soomaalida ee shirka dibada uga maqan in ay dib ugu soo laabtaan. waxay kaloo ayideen Go'aankii Golaha Amaanka ee 25-Febraayo oo sheegaya in Ciidamo Nabad Ilaalin oo Afrikaan ah la geenayo Soomaaliya .

Beesha Caalmaka iyo IGAD ayaa mar kale ka codsadey hogaamiyayaasha Soomaalida qaarkood in ay ka gudbaan cabashadooda iyagoo fiirinaya dhibka shacabka Soomalida oo dagaalo sokeeye ku soo jirey 14-sanno ugu danbeeyey.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

War-8-Maarso,04,Nairobi.
Hogaamiyayaasha SRRC: Waxaan Dawlada Kenya kala Laabaney Kalsoonida, Wejiga 3-aad ee shirka waa in lagu qabtaa wadan kale.

Hogaamiyayaasha SRRC-da ee ku sugan madasha shirka ayaa maanta wasiirka arrimaha dibada kenya ka codsadey in uu faahfaahin ka bixiyo warsaxaafadeedkii 6-bishan Maarso, waxaa kaloo ay sheegeen in wareysigii safiirka dawlada Kenya ee Soomaaliya uu siiyey BBC-da uu khalad ahaa.

Ugu danbeyn waxay codsadeen in shirka wajigiisa 3-aad lagu qabto meel kale ama in uu qeexo wasiirka qoddobka 30aad ee xulida xubnaha baarlamaanka ergada la horkeeno ka dibna iyaga ansixiyaan.

Kooxda SRRC-da ayaa caalamka u sheegtay in ay kala laabanyaan kalsoonidii ay ku qabeen kenya oo ay doonayaan in shirka qaybtiisa danbe lagu qabto meel kale sida Uganda.

Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD