SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

March 7, 2004  

War-07-Maarso,04,Nairobi.
Mario Reffeli Wakiilka Midowga Yurub oo Dhaqaale

wakiilka midawga yurub ahna safiirka Dawlada Talyaaniga ayaa shaley u ambabaxey dalka talyaaniga. safiirka ayaa ujeedada socdaalkiisu ku saabsantahay raadinta dhaqaalaha ku bixi doona wajiga 3-aad ee shirka soomaalida oo la furmi doona 13ka-bishan Maarso.

Ambasator Mario Reffeli ayaa wadanka talyaaniga kula kulmi doona wakiilada wadama yurub ee Midawga yurub, kulankana ayaa waxaa looga hadli doonaa kharashyada ku baxay shirka soomaalida tan iyo markii uu ka furmay magaalada Eldoret 15-Oktober,2002, iyo dhaqaalihii ku bixii lahaa wajiga 3-aad ee shirka nabada soomaalida oo lagu waddo in uu furmo 13-bishan Maarso.

Wakiilka midawga yurub Mario Reffeli ayaa bishii hore bedelay ambasator Carlo Ungaro oo horey u ahaa safiirka talyaaniga iyo Midawga yurub ka dib markii uu bishii hore galey Hawl-gab.

Safarka wakiil ayaa ah markii ugu horeysay uu safar ugu baxo tan iyo markii uu xilka la wareegay.

<><><>

Wasiirada arrimha Dibada ee IGAD oo kulmaya 12-maarso......

Wasiirada arrimaha dibada ee Dawladaha ku jira urur goboleedka IGAD ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmi doona maalinta 12-bishan.

Kulankii ugu danbeeyey ee wasiirada arrimaha dibda wuxuu ahaa 8-dii disember,2003 ee magaalada Nairobi.

kulankan wasiirada ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan hab sami u socodka iyo qaybsiga wajiga seddexaad ee shirka Nabada soomaalida oo lagu wado in la galo 13-bishan.

IGAD ayaa beesha caalamka waydiisay qarashyo iyo deymo ku baxay wajiga labaad ee shirka Nabada Soomaalida oo dhaafey xiliigii IGAD ugu talagashey .

Dib u dhaca iyo socod la`aanta shirka ayaa lagu macneynayaa IGAD iyo Dawlada kenya in ay ku xirtey beesha Caalamka in marka hore lagu guddo deynta , ka dibna la soo shubo qarashka wajiga seddexaad ee shirka Nabada Soomaalida oo 16-biloodka socda dalka kenya.


dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com  

13ka Maarso oo La Ansixin Doono Dastuurka Kumeel Gaarska ee Soomaaliya
Warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka arimaha dibadda ee Kenya ayuu shaaca kaga qaaday in.... Guji... March 6

Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD