Awoowayaashii hore ee Midgaanku waxay ahaayeen dad aad iyo aad isula
qab weynaa oo u arkayey inay ka sareeyaan dadka intiisa kale. Waxaa la
yaab leh sida ay faracooda maanta joogaa ay isu duleynayaan ee ay u
qaadanayaan wax kasta oo quudhsi ah. Waxaay nafsad bideen inay sheegtaan
ab iyo aabe aan Illaahay u baneyn, Suubanihiina (scw) uu ka digay in
laysku dhejiyo oo la sheegto dad aadan sinji ku lahayn.
Waxaa muhiim ah in Midgaanku ogaado inaysan waxba uga kordheyn haddii
uu sheegto qoys Aji ah denbi iyo dulli mooyee. Marna ma ogola Ajigu inaad
sheegato qabiilka uu ka soo jeedo inuu dan ka leeyahay Midgaanka mooyee:
Qaaraan, Hiilo, Farsamo iwm.
Haddaba maxaa Midgaanow huqda kugu dilay? Maxaad u sheeganasa qabiil
nin kaa faana uu leeyahay oo ay ku xigto yaad ka tahay, yaad ka sii tahay,
jilibkee tahay iyo ina ayaad tahay. Waxaan shaki ku jirin in
dhiraandhirinta qabiilka ee Ajigu sameystay uu Midgaanku meelna ka soo
geli karin oo aan ilaa iyo hadda la helayn qabiil Aji ah oo leh waanu is
sheeganaa, anagaad tihiin oo waad nala siman tihiin. Mar haddii aysan
arrintaasi dhacayn, waxaa haboon in Midgaanku isu tashado oo uu ka baxo
isyasida, isduleynta iyo jirjiroolanimada.
Waxaa wanaagsan in Midgaanku ogaado in xagii la eegaba uu Ajiga kala
mid yahay amaba bara dheer yahay: Qurux, Farsamo, tacliin, Biniaadnimo,
Wadaninimo iwm. Haddaba maxaa kelifay dad aad intaaba isku mid ka tihiin
ama aad dheer tahay inaad isku lamaaniso iyagoon ku rabin?
Waxaa su’aasheydan si wanaagsan uga jawaabay waxgaradka da’da yar ee
Ali-Azhar oo ku soo qoray ma qaal (THE FACE AND VOICE OF MIDGANS)
aad uga sheekeynaya niyad jabka ku dhacay Midgaha iyo waxa ku kelifay
Bogga
Hadalkii Eebe Weyne, Suurada 33:4-5 ayaa waxay na baraysaa in
carruurta la korsado aan laysku lamaanin karin oo Illaahay agtiisa ay ku
haboon tahay in carruurta aabihii dhalay iyo asalkooda loogu yeedho.
Haddaba waxaa haboonaatay marka la eego aakhiro iyo Aduunba in
Midgaanku uusan cidna isku dhejin ee uu asalkiisa iyo waxa loo yaqaan uu
u noqdo. Si kasta iyo wax kasta oo Midgaanku Ajiga ku qanci is yiraahdo
waxay u eg tahay hal bacaad lagu lisay. Waxaan jeclahay inaan idiin soo
gudbiyo wada hadalkan soo socda.
Aniga iyo nin aanu isla soo kornay oo la yiraahdo Umarow oo muddo
isugu kaaya danbeysay bay doodani na dhex martay. Afka lagu hadlayaana
waa May(Raxanweyn)
Umarow (Cumar): Heey Eediran! Salama Aleikum? Iska warran?
Eediran (C/Raxmaan): Waa la fiican yahay. Oo, oo, een kumaad ahayd
ninyahow?
Umarow: Saaxiib igaran meysid miyaa. Waxaan filayaa timahan cadaaday
iyo bidaarta baadan igu garanayn
Eediran: Saaxiib aad kuu garan mayo, laakiin wejigaagu wuu igu yaalaa!
Xagaanu isku aragnay, USA, Africa, Baidoa, Madhaaytii, Kismaayo, Xamar.
Xagee, xagee?
Umarow: Waa wareertay Wallaahi! Xusuuso Baidoa iyo Dugsigii sare ee
11-ka Janaayo ayuu yidhi isagoo qoslaya
Eediran: Isla markii uu qoslayba waxaa ii soo baxay sawirkii isagoo
yaraa aan arki jirey! Woooooooow Umareey ahaa! Waar Umar bal warran?.
Halkii baanu salaan fooda is darnay. Kadib waxaa bilaabatay sheekooyin ku
saabsan beri samaadkii. Markii aanu isku daalnay buu Umar isoo jaleecay
isagoo doonaya inuu wax I weydiiyo igana xishoonaya
Umarow: Eediran ma la yaabtaa waanu isla soo kornay intaasaanu iskool
isla dhigananey haddana maanta qolada aad tahay ma aqaano. Horta yaad
ahaydeen?
Eediran: Waxaan ahay Midgaan
Umarow: Naga daa sheekadaase runta ii sheeg
Eediran: Saaxiib ma qola kale oon ahayn baan kuu sheegtaa. Waxaan
filayaa inaan kuu sheegay meesha aan ka soo jeedo.
Umarow: Saaxiib waxaas waa iska sheeko ee maxaad iska qarinaysaa koley
waan ku soo ogaanayaa. Geesinima badana! Ma adigaaba sheegan kara!
Eediran: Saaxiib Nabadeey. Ogow inaadan waxba I dheereyn. Ha kugu jiq
ahaato!
Saaxiibkey wuxuu la yaabay sida cad ee aan u idhi Midgaan baan ahay.
Wuxuu weligii arki jirey iyadoo aan la sheegan oo laysku caayo ama
qolooyin kale laga door bido. Wuxuu kaloo arki jirey iyadoo dadkii lagu
sheegayey ay ka carari jireen sheegashada Midgaan.
Bal ila akhri qoraalka hoose ee ku jirey qoraalkii Ali-Azhar ee aan ka
soo minguuriyey Bogga Midgaan ee internetka. Qoraalkani wuxuu cadeynayaa
sida ay isula qab weynaayeen awoowayaashii ay dadkan la takooro ka soo
jeedaan. Waxay ku faani jireen farsamadooda iyo waxqabadkooda taasoo
dhaxalsiisay inay sameeyaan Hubka sida ba’an wax u xasuuqi jirey ee
waagaa aadka looga argagixi jirey ee la oran jirey Waabaayo. Qoraaga ayaa
Xirsi kula yaabay sida uu isula weyn yahay iyo geesinimida, fatooshka iyo
quudhsiga ku jira. Wuxuu qoraagu sheegay in aan Soomaalida kale oo dhan
aysan kula tartami karin oo uu Xirsi bara dheeryahay arrimahaa kor lagu
soo sheegay. Wuxuu yidhi waxay ka yimaadeen fir ku cajab gelinaya waayo
wax cuqdad is yasid ah ma leh mana ka heeybeeystaan ninka cad,
sharciyadiisa iyo hubkiisaba. Waa dad aad kuu cajb geliya oo runtii lala
rafiiqi karo. Hiirad ayaa ii sheegay buu yidhi in ay ahaayeen Midguhu
dadkii ugu horeeyey ee carriga Soomaalida deganaa. Kadib markii dagaal
ba’an oo Hargeysa agagaarkeeda ka dhacay looga guuleystay la qafaashay oo
ay Islaameen. Kadib waxay Midguhu u leexdeen xagii farsamada,
dhakhtareynta, Umulisada oo ah waxyaabo uusan Ajigu marna ka maarmi karin,
haddana uu ku duleystay Midgaha. Aroosyada Ajiga iyo marka islaamahoodu
foolanayaanba waxaa khasab ahaan jirtay in Midgaan laga casumo!
“The Somalis (Midgan) race, the most interesting, the most proud, the
most courageous and intelligent, and the most ‘difficult’ of the
races of Africa, has gone into politics, for if they do not others will,
in this age of turmoil, and if by some strange chance Hersi should read
this (he was always in touch with the west I would be happy to have
contact with him again”…….“You can not beat them. They have no
inferiority complexes, no wide-eyed worship of the white man’s ways, and
no fear of him, of his guns or of his official anger. They are a race to
be admired, if hard to love”… “He (Hirad) claimed that they were the
original inhabitants of the Somali-lands who had lost the great and final
battle near Hargeysa and were then taken into slavery until they became
Mohammedans. After that they were Mohammedans slaves instead of mere
slaves. They became metalworkers, carpenters, herbalists, hunters, and
leathers workers. Every Somali woman, when she was ready to bear her
child, liked to have a Midgan woman present. Wedding and dances were not
complete without Midgan dressed in their gay colors and bringing luck to
the nobles” Gerald Hanley, 1941, Warriors Life and death among the
Somalis
( The History of Midgan)
Waxaa nasiib xuma ah in iyadoo qarni hore Midgaanka dadkii la kulmay
ay la yaabeen dhaqanka iyo bilicda wanaagsan ee uu lahaa ayaa maanta uu
weli Ajigu sheeko xariiro lagu bah dilayo laguna habaabinayo dadka
intiisa kale ay ka sheekeeyaan amaba ay buugaag ku daabaceen.
Weli ma akhrisay Sheeka xariirta Fallaartii Cirka ee ku qoran buuga
Sheeka Xariirta Soomaaleed ee uu qoray Hassan Abdi.
Wuxuu na barayaa “ Nin Midgaan ah oo murqo kuus kuusan oo fool xun oo
madow badan baa intuu xanaaqay falaar cirka ku toogtay markaasaa cirkii
cararay oo durkay, tegayna meesha uu manta joogo………!”
Waxaa hubaal ah in colaada maanta Soomaali weyn kala gaadhay ay
maareyn karaan Midguhu sidii ay u xaliyeen khilaafaadkii ba’naa ee
Xornimada ka dib soo baxay: Qowmiyadan la yasaa waxay ka mid yihiin
qowmiyadaha tirada yar ee aan ka qayb qaadan is-xasuuqii Soomaalida,
waxay degaan dhamaan Geyiga Soomaaliyeed oo dhan, Waxay ku hadlaan
dhamaan lahjadaha kala duwan ee looga hadlo carriga Soomaaliyeed.
Waxaa haboon in qowmiyadani ay is aqoonsato, is dhisto, boodhka iska
jafto oo ay hiigsato heerkii ay awoowayaashood joogeen.