Taariikhdu halkay kaga jirto
horumarka umadah.
Daahir cumar abtidoon
abtidoon_97@hotmail.com
Sida umadaha aduunyada ku dhaqan intooda badani ay noloshooda aasaas uga
dhigto taariikhda iyo wax qabadka aabayaashood ayaa waxay tariikhdu tahay
muraayad ay isku daawadaan umaduhu waayo hadii qof intuu labisto oo
timaha feedho oo uu dibada gurigiisa ubaxayo wuxuu u baahanyahay muraayad
uu isku eego sida uu isku hagaajiyay .hadaba marka aynu eegno dadaalka ay
samaynayaan umado badan oo dunidan ku nooli waxad arkaysaa inay
taariikhdoodii hore ka dab qaadanayaan. oo wixii qalad ahaana ay saxayaan
intii fiicnaydna ay ku camal falayaan ayna dhaqaalaynayaan.
halka umada somaliyeedna aanay kuba hamiyin wixii soo dhaafay.
Sida uu qorayo Dr rajab maxamad cabdil xalim oo ahaan jiray la taliyaha
arimaha Africa ee wasarada arimaha dibada ee dalka masar kitaabkiisa uu
ku magcaabay cilaaqaadka muslimiintii saylac iyo nasaradii xabashida ee
qarniyadii dhexe isga oo leh waqtigaa uu ka waramayo ma jirin magaca
somaligu oo qarnigii 5aad ilaa iyo qarnigii 15aad
wuxu kitaabkiisa ku magcaabay cinwaankan oo kulmisanaya dhamaan
muslimiintii deganayd waxaynu imika u naqano geeska Africa kadib markuu
ka soo sheekeeyay dagaaladii iyo weeraradii is daba jooga ahaa ey isu
qaadi jireen muslimiinta iyo nasaradu wuxu hadana si faahfaahsan uga soo
waramay taariikhda boqorada xabashida iyo siday xilka ukala qaadeen..
waxa uu wax ka taabtay dadka muslimiinta ahaa uu yidhi waxay ku
hawlanaayeen kaliya ganacsi iyo dagaalo.
Oo ahmiyad may siin jirin taariikhdooda kumana ay dadaali jirin inay wax
qoraan
Oy taariikhdooda meel dhigtaan.
Waxyaalaha uu usoo daliishadana waxa kamid ahaa inaan wali la haynin wax
tusaalaynaya taariikhda soomaaliyeed quruuntii fogayd iyo kuwii dhawaaba
oo iyaga meel uyaala inaanu jirin.
Hadiibase wax la helo waa wax uun masar yaala ama dalakii gumaystay ee
reer galbeedka ahaa yaala oo iyagana qaarkood uu ku tuhunsanyahay inay si
qalad ah wax uga qoreen taariikhda somalida iyaga oo u janjeedh dhanka
xabashida..
Hadaba tan Dr.rajab ka sokow marka aynu inagu isku noqono waxa inoo
cadaanaysa inaanay jirin wax aan inagu gacanta ku hayno carabtuna waxay
ku mahmahda (nin aan arin hore lahayn arin danbe maleh)
Aniguna waxan ku dari lahaa tan Dr. rajab in aynu cadifad ka fikirno
oynan caqli ka fikirin.
Wayo nin waliba oo Somali ahi tarikhda inta isaga ku xumayd ama reerkoodu
liitay wuu ka saara liiskiisa wixii umadaha kale inaga waydiiyaana been
baan ka sheegnaa.
Waayo waxad arkaysaa nin ajaanb ah oo somaliya wax ka qoray oo dadkii uu
waraystay ee soomaaliyeed si qaldan warka ugu soo gudbiyeen iyaga oo ka
duulaya caadifad qabiil.
Halka dadka reer japana ay sanad guuro u sameeyaan qunbuladihii Hiroshima
iyo nagazaki oo malin qudha ah ay ku qudh baxeen umad ka badan boqol kun
ooqof
Wayo waxay leeyihiin wa wax taarikhdayada ka mid ah. Hadaba iyada oo
keentay inay imbraadoriyadii japan is dhiibto hadana kamay masaxin
kamanay fakarin caadifad ee waxay ka fakareen caqliyad .
Tasina waxay tusinaysaa jiilalka soo socda wadadii abayaashoda soo mareen
iyo waxay dhiibaato la kulmeen .iyo siday uga badbaadi lahaayeen inta
fiicana ugu dhaqmi lahaayeen.
Iyaga oo waliba dib usii raacaya aya qoraa japan ahi wuxu leeyahay
dagaalkaa waxa noo gaystay askarta japan oo kalsoonidii boqorka ku
guulaysatay
Ka dibna waa in la iska jiraa in talada askarta gacanta loo geliyo.
Ninkale oo reer japan ahina wuxuu leeyahay 1945kii markii dagaalkii 2aad
istaagay dhaqalaha japan wuxu ku masaxmay dhuka waxana dhacday qoyska
dhami inay degaan hal qol oo kaliya laakiin buu yidhi mar hadaan naqaanay
halka nolosha laga bilaabo waanu bilawnay mudo yar ka dibna waxan kamid
noqonay dawladaha safka hore maantana waxan nahay dawlada labaad ee
dhaqaalaha ugu horaysa.
Halka somaliduna aanay wali is waydiinin dagaalkii sokeeye ee hora maxa
sababay iyo kii kadanbeeyay iyo kuwii kasii danbeeyay ooy arintu tahay
kaliya hala dagaalamo kadibana wada hadal ha lagalo.
Iyada ooynu waliba qabqablayaashii wadanka buburiyay ayny ka sugayno iny
xal keenaan oy wadanka dib u dhisaan
.
Waliba waxa cad inan ku wareegayno halkii awaw yaasheen shalay ku
wareegayeen
Walina aynaan ogayn in halkan aabaheen soo maray iyo in kale.
Tana waxad ku garan kartaa iyada oy Somaliland manta tariikhdeedu marayso
13sonon oo waliba is badalina kart halka somalida kalena aannau wali
taariikhiba u bilaamin.wayo waxay uqabaan waqtigii siyaad bare inuu ahaa
waqti madaw oo u baahan in maskada laga sooro dawladii shicibka ahay ee
ka horay sayna ahayd mid la is boobay waqtigii ingiriiskana isticmaar
lagu jiray wixii ka horeeyayna wax dhacay maba ogin.
Hadaba iyada oy sidaas tahay ayay shir lagu qagtay jamicada magalada
shariqa oo lagaga hadlayay dib u dhaca umadaha carbeed ku dhacay waxay
sheegeen in umada carbeed mudo todoba boqol(700) oo sanadood ah ka
danbayso reer galbeedka, hadaba waxa is waydiin leh mar hady umadii ay
taariikhdoodu u qornayd mudada intaa la,eg danbayso somalidu imisa sano
ayay danbaysaa?
Is garab dhiga caqliga soomalida iyo kan umadaha kale
Daahir cumar abtidoon
abtidoon_97@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2004
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO