SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

March 5, 2004 

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya

Tarjumadii: SomaliTalk.com

  • Waxaa dastuurka kumeel gaarka ee dawlada dimoqraadiga ee Soomaaliya si rasmi ah loo ansixin doonaa 13ka Maarso 2004
Warsaxaafadeed uu maanta (March 5) soo saaray wasiirka arimaha dibadda ee qaranka Kenya, isla mar ahaantaana IGAD u qaabilsan arimaha shirka nabad kusoo celinta qarankii dumey ee Soomaaliyeed ee muddada dheer ka socdey Kenya, Stephen Kalonzo Musyoka, ayaa shaaca ka qaaday in 13ka Maarso 2004 magaalada Nairobi lagu qaban doono xaflad rasmi ah taas oo loogu talo galay bilowga ansixinta dastuurka kumeelgaarka ee dawlada dimoqraadi ah ee Soomaalida loo dhisayo, xafladaas waxaa hagi doona xubnaha golaha IGAD. Dastuurkan oo loogu talo galay in Soomaaliya lagu dhaqo muddo shan sano ah.

Warsaxaafadeedku waxa uu xusay in xaflada furitaanka ay kasoo qayb geli doonaan  Alpha Omar Konare oo ah shir gudoomiyaha ururka midowga Afrika iyo Amr Mousa oo xoghayaha guud ee ururka midowga Carabta. Waxa kale oo kulankaas ka soo qayb geli doona hoggaamiyayaasha siyaasada ee Soomaalida, hoggaamiye dhaqameedyada Soomaalida, iyo wufuud & xubno ka socda golaha jaalka IGAD ee loo yaqaan IPF (IGAD Partners Forum). 

Warsaxaafadeedka wasiirka Arimaha dibadda ee qaranka Kenya waxa uu weydiistey hoggaamiyayaasha qarankii dumey ee Soomaaliyeed ee Soomaaliya ku laabtay in ay Kenya kusoo noqdaan si ay uga qayb qaataan qabyta saddexaad ee gababada u ah shirka muddada dheer soo jiimayey, si loo xaqiiqasado nabad waarta iyo in la dhiso dawlad loo dhan yahay.

Wasiirku waxa uu ku dhiiri geliyey siyaasiyiinta Soomaalida iyo madax dhaqameedyada Soomaaliyeed in ay heshiisiiyaan qabaa'ilka Soomaaliyeed si wada xaajoodku uu u noqdo mid qoto dheer.

Si loo helo heshiis qoto dheer waxa uu wasiirku ka codsaday dhammaan siyaasiyiinta Soomaalida iyo madax dhaqameedyadu in ay qabtaan kulamo dhex mara dhammaan qabaa'ilka iyo hoggaamiyayaasha siyaasada si loo dhiso is aaminaad iyo si loogu gogol xaaro wajiga ugu dambeeya ee xukun wadaagga. Waxana uu wasiirku soo dhoweeyey xiriirka tooska ah ee hadda u socda kooxaha Soomaaliyeed ee siyaasada ku kala duwan.

Warsaxaafadeedka Kalonzo Musyoka ayaa si toos ah u xusay dawlada Itoobiya, gaar ahaan waxa uu wasiirku yiri: "Waxaan maqsuud ku noqday xaqiijinta uu walaalkay iyo jaalahay, Seyoum Mesfin, wasiirka arimaha dibadda ee qaranka dimoqraadiga ah ee Itoobiya, in Itoobiya ay si rasmi ah uga qayb qaadanayso shirka nabada qaranka Soomaaliyeed ee ay hoggaamineyso IGAD, shirkaas oo ujeedadiisu tahay sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada Soomaalida".

Ugu dambayntii wasiirka arimaha dibadda ee qaranka Kenya waxa uu uga mahad celiyey dhammaan hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya wada shaqaynta, adkaysiga, dulqaadkooda iyo rabitaankooda iyo isu tanaasulidooda si la isugu yimaado meel dhexe si nabad loogu helo dadka Soomaaliyeed.

A REPORT PREPARED
BY THE OGADEN HUMAN RIGHTS COMMITTEE
(OHRC)

Qoraalkan oo Ingiriisi ah.... ENGLISH VERSION..

Tarjumadii: SomaliTalk.com | March 5, 2004 

Maanta waa Jimce: Fadlan Gargaar u fidi Hodo:
Hoodo Ismaciil Cali waa 3-sano-jir ku nool magaalada Hargeysa waxaana madaxa..
Guji 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD