SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 4, 2004

Siilaanyo Abti

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Ahmed Mohamed Siilaanyow abti Soomaalidu waa hal beel ah, waxayna u qaybsan tahay afar iyo badh qabiil. Qabiil waliba waa degan yahay Gobal walba. Adigu waxad tahay Dir, labada aad dhulka u qaybiysay oo kala ah Somaliland iyo Soomaali Talyaani waad degantahay. Anigu waxan ahay Daarood labada dhulba waan deganahay.

1884tii shirkii Barlin ee Soomaalida lagu qaybsaday inteenii laysku goostay ee loola baxay magaca British Somaliland, waxay dhamaatay June 26/1960. Xoriyad ayeynu qaadanay, walaalaheen Soomaali ayeynu midowney, dowlad loo dhanyahay ayeynu dhisanay refaranduun(afti) ayeynu ansixinay ilaa maanta waa sharci jira. British Somaliland waa tagtay, adigu hanagu soo celin gumeysigii.

Abti Siilaanyo, hadaad Soomaali ka baxayso anigu ka goosanmaayo, kana bixi maayo walaalahayga Somaaliyeed. Hadaad sabab ka dhigato shaqsiyaad Daarood ah ayaa ila jira, xaga kalana koox xoog leh oo ay ka mid yahiin engineer Cusman kaluun iyo ganaral Jama Qaalib oo Isaaq ah ayaa xaga Somali weynta jira.

Arinta dagaalka , xooga, khasabka, jujuubka, iyo handadaada aad wadid, dagaaladii habarjaclo gashay maalintii hore ee ka biloowdey baliyada Hayayaal, waxa soo gaaray dhib aan la xisaabi karin. Waxana ku xigey tii Burco ka dhacday ee dhexmartey Habaryoonis iyo Habarjeclo. Taasoo daarihii Habarjeclo la burburiyey dhamaantood dad ku nool daayoo, ilaa fiigii Habargeclo isa sii taagey tuulada Yiroowe. Labadaas dhibaato tan hore waxa u sabab ahaa ina Kaahin, tan dambese adiga ayaa huriyey.

Haduu dabada kaa wado ina Sheeq Yuusuf Madar isagu ma degana Gobalka Cayn, Sacad Muusena qasaaro uu ku rogmado ka soo gaari maayo ee yuusan kuu yeedhin dictation.

Hadaba, waxan ku talinayaa Ahmed Mohamed Siilaanyow adigu ama gooso, ama ha goosan Soomaali ayaan kuula mid ahay, laakiin ha isku deyin khasab iyo dagaal keena dhimasho dhinac walba leh, burbur iyo barakac aad adigu sabab u noqotid.

Dr. Abdimalik Askar
Minnesota U.S.A
aabdimalik@hotmail.com

QORAALKII HORE EE ASKAR....

Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD