Gudoomiyaha Sportiga Somalida Norway Mr Mahad
Turbashaash oo ka qayb galaya shirka dhalinyarada iyo Sportiga dunida ayaan
waxaan nasiib u yeelanay in aan ku soo booqano hotelkii u daganaa.
Marka hore waxaan waydiinay gudoomiyaha sababta uu u
yimid Dooxa \ Qadar,. Waxana uu noo sheegay in ay casuumad u soo direen Dalka
qadar si uu u masalo dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dalalka
EUROPE iyo waliba kuwa Africanka ah ee iyaguna dagan dalalka Europe.
Waxa kaloo uu gudoomiyuhu noo sheegay in uu rabo in
uu isku xiro CyaartooydaSomalida ee ku nool Europe iyo cayaartooyda Carabta.
Waxa kaloo uu noo sheegay in ay casuumadana la
xiriirto ti uu sanadkii hore ku tagay Paris uuna xiriir wanaagsan la soo
sameeyay gudoomiyaha Sportiga Qadar oo uu markaa kula kumay Paris.
Waxa kaloo uu Mahad Turbashaash Noo sheegay in ay
dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool Europe anan noqon kuwo kubada cagta oo
kaliya ciyaara ee ay isu qaybiyaan dhamaan cayaaraha, sida kubada Miiska,
orodada,dabaasha, Tenniska dheer i.w.m.
Waxa kale oo uu gudoomiyuhu halkan u joogaa ka
qaybgal shirka Table\Tennis. Iyo aqoon is waydaarsiyo kale.
Waxaa bari casuumad u fidiyay jaliyada Somaliyeed ee
ku nool Dalka Qadar.
Mahad Turbashaash |
Waxa kaloo Mahad noo sheegay in uu Arbacada la kulmi
doono kooxda kubada cagta ugu wayn ee ka dhisan dalka Qadar isaga oo kala
hadli doona in ay is waydaarsadaan cayaartooy gaar ahaan kuwa Europe ku nool
oo runtii laga helayo cayaartooy ku soo iita gaar ahaan dalka Norway iyo UK.
Waxa uu Mahad aad u amaanay dadaalka ay dhalinyarada
Somali Sport & Culture ee dalka Norway ugu jiraan wax u qabadka dhalinyarada
Somaliyeed.
Waxana uu ku faraxsan yahay in a hada u ka xeeyeen
koox dhalinyaro ah magaalada Stoklom ee dalka Swden, waxaana wafdigaa
hogaaminayay Mr Abdulgadir Ibrahim Caddaay yo Hassan Muse oo runtii dadaal
aan la soo koobi Karin u gala dhalinyarada siku xirooda iyo u dhaqan
celintoodaba.
Caddaay iyo Hassan Muse runtii la aantood marnaba ma
suurto gasheen in aan isku dubo ridno cayaaro haday anan iygu ku
mashquulsanayn.
Waxa kale oo isaguna mahad leh Abdi Jama Farah oo ah
ninkii igu dhiri galiyay in aan ogolaado imaatinka Dooxa Qadar.
Waxa uu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyay in ay
dhowaan jecelyihiin isku xirka dhalinyarada Europe iyo kuwa Somaiya dagan