Juqraafi ahaan wadanka Haiti waxuu ku
yaalaa jasiiradda Hispaniola ee Caribbeanka, jasiirada Hispaniola waxay la
wadaagtaa jamhuuriyada Dominica, dadka reer Haiti waxay dhanyihiin 8 malyuun
oo qof, dadkaas 95% waa madow, 5% soo harayna waxy isugu jiraan dad kala
jinsiyada, magaala madaxda waddankaasi waa Port-au-Prince waxaana ku nool dad
gaarayaa ilaa 2.3 malyuun oo qof, waxy ku hadlaan reer Haiti afafka
Faransiiska iyo Creole, dadka intiisa badan waxy haystaan diinta kaatooliga
inyar uun ayaa ah Brotestan iyo voodoo.
Taariikh ahaan waddanka waxaa gumaysan jirey
wadanka Spain ilaa 1697dii waxii ka horeeyey, markaas kadibna waxaa ku soo
duuley faransiiska oo haystey ilaa 1804, xilligaas oo ah markii ay dalka
Haiti ka xoroobey gumastuhii gumaysan jirey.
Haiti waxay lahayd maamullo boqortooyo iyo
jamhuuri ilaa ay maraykanku ku soo duuleen sandkii 1915 oo ay joogeen
1934kii.
Sanadkii 1957kii ayaa Francois Duvalier
waxaa loo doortey madaxwayaha Haiti, laakiin madaxwayne Duvalier waxuu isu
beddeley keligii taliye sandikii 1964kii, wiilkiisa Jeanclaude ayaa beddeley
aabihiis 1981kii. Laakiin Duvalier waxuu dalka iskaga baxay Feb,7,1986, intii
xiligaas ka dameesey wadanka Haiti waxuu ku jirey xukun military, ilaa
madaxwaynaha hadda Aristide la doortey 1990, laakiin sanad ka dib doorashada
Aristide waxaa dhacay afgenbi xukunkii lagaga wareejiyey madaxwayne Aristide,
markaas oo maraykanku dib ugu soo celiyey xukunka madaxwayne Aristide 1994tii
isaga ka maqnaa muddo saddex sano ah.
Jean-Bertrand Aristide Madaxwaynahii
Haiti |
Waddanka Haiti xaaladiisa siyaasideed way
deganeed muddo tobaneeyo sano ah inkastooy jireen dad lid ku ah xukunka
madaxwayne Aristide, haddaba dhworkii beri ee ugu dameeyey saxaafadda
caalamka waxy ka waramsyey dhibaatooyinka ku soo cusboonaadey waddanka Haiti
iyo khalkhalka ku yimid madaxwayne Arsitide, waxaa dhowarkii asbuuc ee ugu
dameeyey ka bilaabmey wadanka Haiti magaala madaxdiisa ee Port-au-Prince dhac
iyo dil ay wadaan rag gaangeestarro ah oo hubaysan, kuwaas oo loo anaynayo in
madaxwayne Aristide uu ka dameeyo, dadka ka soo horjeeda siyaasadda aristide
waxy sheegaan in dadka isaga taageera ay geesteen xasuuq badan taas oo
keentey in dad tiro badan oo reer Haiti ah ay xukunkiisa ka soo hiorjeestaan.
Mucaaradka Haiti ee oo uu hogaamiyo ninka la
yiraahdo Philippe ayaa waaydanba ku jirey halgan dheer oo ay awooda kaga
xayuubinayaan madaxwayne aristitde, taas oo keentey in gebi ahaanba gayiga
Haiti uu ka bilaabmo mushkilad iyo dagaal sokeeye, asbuucaydii uu socdey
dagaalkani u dhaxeeya dawaldda iyo mucaaradka waxaa dahcay falal ka baxsa
bini aadamnimada oo isugu jira dil iyo dhac loo geysanyey dadka rayidka ah.
Taas waxay sababtey in maraykanku tuhmo oo
eedeeyo madaxwayne aristide inuu ka dambeeyo mashaakilaadka jira, laakin
araistide waxuu sheegey inaan ka baxayn dalka ilaa xiligiisa u dhamaanayo
2006da.
Maalmahan waxaa magaala madaxda
Port-au-Prince ku soo badanayey caadaysi rabshado joogto ah, markii habeenku
dumo wadooyinka magaalda Port-au-Prince waa cidla iyada oo ay dadku ka cabsi
qabaan gaangiistarro daacad u ah madaxwayne aristitde oo samaynaya dil iyo
dhac xad dhaaf ah, markii waagu dillaaco dadku waxay u soo daawasha tagaan
maydka dadkii xalay to lagu diley wadayoonka, waxaaba dhici karta in mayd qof
uu dhowr beri yaalo wadada ilaa qof uu ka qaado.
Nafta qof ka bani aadamka ah waxay Haiti
maanta ka joogtaa 300 oo lacagta Haitian dolarka ah oo u dhiganta $30 US,
gabadh la yiraahdo Jocelyn oo hor taagan mayd qof ayaa u sheegtey wariye
madax banana in maydakni uu oolaa muddo laba beri ah markaas oo la toogtey
jeebkiisana lagala baxay lacag iyo waraqo kale oo uu watey, waxay sheegtey
inaaysan dadntoodu ahayn cadaawad ay u qabaan qofkan dhintey ee ay doonayeen
uun lacagtaas jeebkiisa ku jirta.
Laakiin subaxnimadii axadda ee 29kii bishii
tagtey ee faeebaraayo, dadka waxay ku waabariisteen maqaanshaha madaxwayne
Arsistide oo uu uga caraey dalka dhinaca qaaradda Africa, tani waxay
beeninaysaa ballan qaadkii uu madaxwaynuhu siiyey saxaafadda ee ahaa inuusan
tegaynin ilaa uu dhamado xiligiisa oo ku eg 2006da, si kastaba ha ahaatee
madaxwayne arsitide waxuu ka tagey waddan uu aafeeyey fakhri ayna maanta ugu
darsantey dagaal sokeeyo iyo burbur ku dhacay,
Haddaba waxaa soo baxaysa su’aashaan ah reer
Haiti ma helayaan madaxwayne u dhaama Aristide, isagoo mar loo yaqaaney
Mandeelihii reer Haiti?...
Ma ahan markii koobaad ee uu dalka ka baxo
aristide oo waa markii labaad, balse maanta cidna rajaynmayso inuu si fudud
ku soo laabto, astaantiisii hore ee ahayd Mandeelihii reer Haiti maanta waxaa
u baxey magaca keligii taliye, oo masuulnimadii waxaa ugu bedelmey dibad joog,
Waddanka Haiti |
Dadkan ku khasbey arsitide oo door bidey in
ay eryaan ma helidoonaan nin u beddela aristite, waayo aristitide ma aha
hogaamiye loola dahqmo sedan oo kale haitina ma ah waddan ah maanta siduu
yahay oo doorashdii Aristide ak dib waddanku waa soo kabaneyey oo
siyaasadiisa way hagaagsanyd.
Waddankii taageeri jirey siyaasadda
madaxwayne aristide waa maraykanka e ayaa maanta ku soo jeesatey oo kula
taliyeyba inuu ka baxao wadanka kuna eedeeyey mushkilada haatan ka aloosan
gayiga Haiti taasina waa dhabar jab ku dhacdey Aristide iyo gaddoon haleeley
taageeradiisii maraykanka.
Saxaafadda caalamka iskuma halayn karto
helitaanka xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta waddanka, sababo amaanka la xiriira
awgood, taasina waxaa ku tusinaya doraad to bixitaankii arsitide ka dib
saxafadda oo isku daydey inay wax ak waydiiso saraakiisha ku sugan caasimadda
taasina ay kala kulmeen gaabsi ku saabsan in saraakiishu ka warhayaan
bixitaanka madaxwaynaha.
Aristide inta badan siyaasdda noloshiisa
waxuu ku dabakhay cadalaad bulshada dhexdeeda, hase ahaatee waxuu aaminsanaa
keligiistalinimo (authoritarianism), waxuu ahaa masuul aragti dheer, sandkii
1980kii waxuu aad uga soo horjeestey fikradda hanti wadaaga (Capitalism) oo
uu ku tilmaamey denbi wayn (Mortal Sin), madaxwayne Aristide oo 1990kii ku
guulasytey doorasho dimuqraadiyad ah ayaa intuusan dhisin dawldiisa waxaa uu
ka badbaadey isku day afgenbi, laakiin sanad ka din waxaa laga cayriyey
wadnka isagoo diabad joog ku ahaa Maraykanka.
Dadka hadda ka soo horjeeda siyaasadda
Aristide waxay leeyihiin dabeecadah iyo dhaqanka ka dhigey ogaamiye caan ah
waxay haddan hadii dhinac laga eego ka dhigayaan hogaamiye maangaab ah
sababtoo ah bay yiraahdeen ma uusan samaysan xulafo iyo dad la taliye, balse
uu isgau samaystey sharci uu u malaynayey in dadku ku dhaqmi doonaan,
dadkaasi waxaa ka mid ah wasiirkiisii dhaqanka ee hore oo la yiraahdo
Jean-Claude Bijoux waxuu yiri “Isma uusan bedelin Aristide, waxaan ku
khaldanayn inaanu ka aaminno hogaamiye siyaasi ah, laakiin waa nin aanba
fahansanyn waxa xisbi siyaasi uu qabto”.
Lakiin ka maqnaanshihii saddexda sane oo uu
Aristide dalka uga maqnaa Washington DC waxuu kaga faaidaystey inuu beddelo
qaabkiisii hore ee keligii talisnimada ahayd isagoo bilaabey abaal gudkii
sxbadiisa waddankooda ku hayey sadexda sane waa maraykanka e, waxa uuna
siyasadiisa ku dabakhay, horumar xagga dhaqaalaha ah waayo waa hawl isgaa u
taal inuu kor u qaado dhaqaale waddan ka mid ah wadamada ugu faqiirsan
qaarada maraykanka.
Waxaynu dhowrnaaba waa waxa beddela Haitian
Mandelaha Aristide, inkstaoo dadka ku kacsan ayba ka mid yihiin ganacsato iyo
arday.
Waddanka Haiti waxuu dhaqaale ahaan ku
taaganyahay dhinaca beeraha, waxaa lagu qiyaasaa wax soosaarka Haiti 42%
(Gross Domestic Product), wax soo saarkooda waxaa ka mid ah Qasabka sonkorta,
mooska, kafeega, iyo canabaha, warshedahooda waxaa ka mid ah kallumaysiga iyo
kuwa kale. Dadka reer Haiti 67% waa faqiir taas ayaaa keentey in Haiti loo
aqoonsado mid ka mid ah wadamad adduunka ee faqriga ba’an la dhibaatysan,
waxaana lagu leeyahay dayn dhan 1.048million, dadka 45% oo keliya ayaa aqoon
leh inta (litrate), inta kale waa dad aan waxna qorin waxna akhrin
(Illiterate), wayna adagtahay hadii inta waxtaqaani yartahay inay ka kabtaan
dhibka faqriga ee haatan haysta.
Dhamaad.
Wabillahi tawfiiq,
Ahmed Osman Farah (Zahid)
Karachi-Pakistan
axmedshiino@hotmail.com
Tel: +92-300-2252724
QORAALKII HORE EE
AHMED ZAHID
Faafin: SomaliTalk.com | March
3, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan