SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 3, 2004

GEEDKA LA WARAABINAAYO OO AAN WAXBA KA SOO DHALANEEYN
( SHIRKA KA SOCDO DALKA KENYA)

Cabdinasir Iidle Sabriye
Kenya Nairobi
nasiridle@hotmail.com

S.C.W.W

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Dawladdii aan la ilaabi karin ee digtoo toriyada ee ka jirtay dalkeena Somaliya uu madaxda ka ahaa Allaha u naxariistee General: Maxamed Siyaad Barre ayaa dalkeenii ugu danbeeysay maamul iyo kala danbeeyn ka jiro.

Anigoo jiro lix sano ayaa weerar lagu qaaday dowladii somaliya ma aan ogeeyn wax is dagalaayo balse waxa aay dhagaheeygu maqlayeen madafiic indhaheeygune arkayeen dad qaxaya ma aan ogeeyn cida is dagaaleeyso balse marka aan qaan gaaray ayeey waaridkeey ii sheegeen in dowladi Somaliya weerarkaas lagu qaaday meeshaasne uu ka bilaawday bur burkii Somaliya wallow uu abaheey askari ka tirsan dowladii xukunka xooga loogu tuuray ahaa balse ciyaalkiisa ayuu la Qaxay.

1991 ayuu dalkeenii ka bilaawday dagaal sokeeye uu ku bur buray dalkeenii kuna dhinteen kumanaan qof kuna dhaawacmeen kumaanan qof kuna bara kaceen kuma naan qof. ilaa iyo hadane uu ka socdo qeeyba ka mid ah gobalada somaliya cid u maqan oo aan alle aheeyne eeysan jirin .

waxba inoo ma aaysan qaban dadkii weerarka ku qaaday dowladii Somaliya ka jirtay oo aan fiirsaneeynay ilaa iyo hadane wax aay inoo hayaan ma jiraan wallow qaar aay geeriyooden kuwii ka danbeyay bur burkii Somaliya balse qaar ayaa matalo oo bur burkii sii wado oo aan rabin in dalkii hello maamul iyo kala danbeeyn iyo dowlad mideeysan.

inkastoo aay been u sheegayaan warbaahinta caalamka iyo dad u adeego oo aay lee yihiin (waxaan rabnaa dowlad somaliya u dhalato) balse waa hal bacad lagu lisay hadaladaas dhamaan hogaamiyaasha ku shiraya dalka Kenya ama kuwa dalka gudihiisa ku maqan waa wada heshiis ma jiraan cid is dagaalsan hoos ayeey heshiis ka wada yihiin balse waxeey hub iyo rasaas u dhiibeen kuwa ilaah lumiyay oo aan aqli laheeyn oo aay iska horkeenaan ka dibne dagaal faraha looga gubta isku qadaan bal dhalinyarada is dagaleeyso ee hoos yimada hogaamiyaasha kooxa ma ii sheegi karaan nin hogaamiye ah oo qori wada oo dagaalka ka qeeyb galaayo oo aad xabada aad ku rideeysaan walaalihiin aduunyada yaab badanaa?

ubadkoodii iyo caruurtoodii ayeey ka qaxiyeen dalkii oo aay geeyeen dalalka amaanka ah oo ilmahooda waxbarasho sare ku haaystaan anagane caruurteenii qoryo ayaan isugu dhiibnay si aay isku layaaan qaarne maan doorye ayeey cunaan iyo jaad iyo sigaar iyo qurun oo dhan ilaa maahine dad dhaqaalo ka hella eheladoda dibadaha ku maqan.

ma ogi waxa aay naga damacsan yihiin hoogaamiyaasha ilaa hadane indhaheeyga ma arkaan dhagaheeygu ma maqlaan dowlad somaliya u soo socoto wallow aan war baahinta ka maqlo geed la waraabinaayo oo aan waxba ka soo dhalaneyn kaas oo aan ula jeedo shirka ka socdo dalka keenya

maxaan sugnaa? ninwalba waxaa uu rabaa in uu madax weyna dalkii ka noqdo hadii uu waayane waxaa uu sheeganayaa xoog qabiil nin walba ma rabo in aay dowlad u dhalato somaliya maxaan dolwad helnaa nin walba hadii aan loo yeeleeyn sida uu rabo. Maxaan sugnaa hadii aay hogaamiyaashi aan sugeeynay aay sidaas yihiin

nin walba oo ka mid ah hoogaamiyaasha ka qeeb galaayo shirka ka socdo dalka Kenya ma rabaan in aay dowlad Somaliya u dhaladto oo waxaa hoos ka wadato dowlado aan rabin in dalka soomaaliya aay dowlad u dhaladto balse ogaada somaliyeey rag iyo dumar in aay anaga inoo tashanayaan oo aaysan inoo maqneeyn ogaada in aay mar kale rabaan in dagaal sokeeye bilabaan oo aay isku keeyn diraan sidaad u jeedaanba qaar ayeey joohar u direen si dagaalka aay u sii bilabaan waa arin aan aad ula yabanahay ee somaliyeey toos oo hurdada ka kaca hogaamiyihii yimadaa dalka qofkii qori heli karo ha xabadeeyo kii dhagax heli karo ha tuuryeeyo kii ul heli karo ha uleeyo war aaway adoyaashii war aaway haweenkii war aaway dhalinyaradi ciil belay war toosa oo midooba sida aay u midoobeen hogaamiyaasha aan u midoobno oo aan iska celino waxaan aniga oo da,yar la yaabanahay waxa haaysto ugaasyada iyo odayaasha iyo dhalinyarada wallow bur bur xoogleh uu soo gaaray dhalinyaradii in aay fikiraan aay ka maqantahay oo aay jaahilnimada ku badatantahay balse 14sano dhalinyarada waxeey ku mashquulsan yihiin waxaan aad iyo aad ilaa iyo hada ula yabanahay kaas oo ah ciyaaro iyo buufis mana garanaayo goorta aay soo jeesan doonaan balse waxaan oranayaa dhibka Somaliya haaysto waa wax alle xagiisa ka imaaday ee ilaah waxaan ka baryeeynaa in uu dhibka inaga qaado .

ugudanbeeyntii waxaan baaq u soo jeedinayaa ururada ardayda somaliyeed ee jaamacada aduunka ka dhigto meel kasto oo aay joogaan in aay ogaadaan in aay ayaga dalka u maqan yihiin oo aay u soo dadaalaan

waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dhamaan macalimiinta iskuulada ku dhigo iyo jaamacadaha dalka gudihiisa iyo dhamaan dhaqaatiirta dalka gudihiisa ka shaqeeyo in badan ilaah qeeyr ha idiin ku badalo

hogaamiyaasha somaliya ha xasuustaan in maxkamad aduunyo iyo mid aan qiro aay u dhimantahay dalka waxaad rabtaan ka sameeya balse maalin ayaa la idin cadaabayaa oo aan aheeyn maanta hadaba wixiina hor mar sada waxii idiin dhiman ee aad nagu sameey laheeydeen

argagixo waa adinka

ogaaw soomaaliyeey in hogaamiyaasha kooxaha ku shiraayo Kenya aay dantooda oo kaliya ka shirayaan ogaada in aay idacadaha aduunka aay been been isku canbareeyaan balse heshiis hoose uu jiro ee soomaaliyeey toos waxaan ka codsanayaa kuwa qoryaha u sido hogaamiyaasha in mar kaan aay ayaga u soo jeestaan oo aay weraraan war ogaada in aay adinka walaalaha ah isku kiin dirayaan balse ogaada in aay isku kiin dirayaan ee naga qabta hogaamiyaha aad u adeegeeysaan

dowladaha aduunak ma idiin sheegaa arga gaxisada meesha aay joogaan war indhaha maad laa dihiin waa hoogaamiyaasha kooxaha somaliya Kenya ayeey joogaan oo aay ku shirayaane ee teendhada xun ku qab qabta.

Ma jecleeyn in aan ka hadlo arimaha siyaasada balse ciil ayaa ii kenay

Aniga waxaan ahay wiil da yar oo kenya u imaaday waxbarasho

Cabdinasir Iidle Sabriye

Kenya Nairobi
nasiridle@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD