WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
March 30, 2004
Habeenkii ugu Dambeysay Noloshiisa Sh. Axmed
Yaasiin
Xaaska u dhaxday Sh. Axmed Yaasiin oo u
warramaysay Wargeyska Al-Qudus ee ka soo baxa London ayaa sheegtay in
maalmihii ugu dambeysay nolosha Sh. Axmed Yaasiin la dareensiiyey in uu
Shahiidayo, arrintaasina waxa uu wada gaarsiiyey ayay tiri qaraabadiisa iyo
carruurtiisa oo dhan.
“Xubno badan oo qoyskiisa ka tirsan oo uu
maalin ka hor dhimashadiisa uu la kulmay ayuu u sheegay in uu dareemayo in uu
Shahiidayo oo uu Aakhiro doonayo oo uusan dunida dooneyn, waxay xustay
xaaskiisa in ay jirtay cabsi ay ka qabeen cadowgooda Yuhuudda oo dhowr mar ku
hanjabay in ay dili doonaan Sh. Axmed Yaasiin, hanjabaaddooda wixii ka
dambeeyeyba inta badan qoyskooda gurigooda ma seexan jirin shiikhuna dhowr
sanaba si toos ah guriga uma seexan oo xittaa anigu ma ogaan jirin halka uu
ku hoydo, balse habeenkii ugu dambeysay noloshiisa wuxuu waqtigiisa ku qaatay
isagoo ku cibaadeysanayay masaajidka, markii aan maqlay qaraxyada gantaallada
Yuhuudda waxaa markiiba I gashay cabsi ah in gantaalladaasi lala beegsaday Sh.
Axmed Yaasiin, waan soo cararay anigoo xitaa xijaabkeygii soo illoobay,
waxaana markiiba ogaaday in qofka gantaalka lala helay uu yahay odaygeygii Sh.
Axmed Yaasiin oo jirkiisii oo dhanba la waayay” ayay tiri Xaaskii uu ka
geeriyooday Sh. Axmed Yaasiin oo intaa ku dartay “Allaha u naxariistee Sh.
Axmed Yaasiin maalintaasi wuu soommanaa oo waxaa caado u ahayd noloshiisa in
uu maalin kasta oo Isniin iyo Khamiis soomo”.
Dhinaca kale gabar uu dhalay Sh. Axmed
Yaasiin oo lagu magacaabo Saamiya Axmed Yaasiin ayaa iyana sheegtay in
Aabahood ay caado u ahaan jirtay in qoyska uu mar walba kulmiyo, ayna kala
war qaadan jireen, balse kulankii ugu dambeeyey oo ahaa maalin ka hor
dhimashadiisa uu u muuqday mid aad u murugo badan, kaddib markii uu aabbahood
u sheegay in uu dareemayo in uu Shahiidayo oo uu aakhiro u socdo
W/D Amiim Yuusuf Khasaaro
E-mail
amiinkhasaaro@hotmail.com.
Faafin: SomaliTalk | Muqdisho | Maarso
30,
2004
-dhammaad-
Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji
»
M.DHEEROOW WAXAAD LA DAGAALAMEE DAD MAAHANE
WAA DIINTA DAA'IMKAA (Ra'yi) D.F.Kulmie... GUJI
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|