SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

March 2, 2004

Gabay: QAYLADHAAN II
 

MAXAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]
February 20, 2004 | Faafin: March 1, 2004
abdall02@email.franklin.edu 


Hordhac:


Gabaygan la magac baxay Qayladhaan II waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla. waa gabay aan ugu tala galay in aan ku waaniyo qolyaha ku shirsan Kenya ee labada sano natiijo la’aanta isku hor fadhida. Waxa isagoo maqala laga sii deyn doonaa gabaygan idaacadaha, si ay u dhegeystaan dadka farriintani si gaara ugu socoto. Aniga ra’yigayga iyo in kale oo badan, dhibaatada dadka waddanka ka wadaa, waa kuwa halkaa ku urursan, haddii la ina ka qaban lahaa, dadku waa heshiin lahaa baan filayaa. Gebagebadii walaalayaal gabaygani wuxu taabanayaa runta iyo debmiyada dadkaasi ka galeen waddanka. Wixii a’ra ah iigu soo hagaajiya emailka kor ku qoran.
Akhris wanaagsan.
Gabaygiina waa kan:

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Qabqablaha dagaalkiyo kuwaa Kiiniya u qoolan
Ee qalinka xabashiga sitoow waad qarribantiine
Qabribaad ku dumiseen dalkii qaaliga ahaaye

Ummadii qax iyo baad baddeen qaxar colaadeede
Qiddad iyo sunbow daadiseen aad ku qaladdaane
Qaran aad dhistaan lama sugiyo waxad qorshaysaane

Qirbuu idin ka joogaa nafluhu qaaddirka hortiise
Qoloqolo u qaybsiga xilkana way qawadayaane
Qudha ruux ka jara aadamaha qaatil dhiig yacaba

Nin qalloocan iyo quud mid jecel odayo quudhaadhta
Qareen cadow u doodiyo nimaan garasho qiimaynin
Qaad iyo daroogiyo nin gada quudadka iblayska

Qaani nimay ku maqan tahay hantina booli ku qadeeya
Qarannimo ma geyo iyo inuu shirar ka qayshaaye
Qasadkiinnu ba’anaa malaha waad qatalanteene

Quraafaystayaalyohow shacbigii waydin qoonsadaye
Qiiqa isku qarintiyo qabiil qiil uma hashaane
Waa laydin qaaddacay dadkuna quus idiin badiye

Anna tala ku qaybkay runtaan qabax idiin siine
Qoortiinna deynbaa ku maqan qorar agoomeede
Qaranbaad burburiseen arliga qiime ku lahaaye

Qurux iyo wuxuu sharaf lahaa waad ku qadafteene
Wax ku qaata dhiiggaad qubteen qalad wixii gaadhay
U quwaaxsi taga meel kaliyo qooman idin soori

Naga qariya nuurkiinna waad nagu qaldaysaane
Qasaariyo wixii aano dhacay qaanta nagu dhaafa
Qoobkana ha soo dhigina waa midan qabsoobayne

Qasab kuma geleynee maruun qaarad kale aada
Qirta eedda iyo godobtu waa idinka qaybtiine
Qaaddirkiin hortaga maalinbuu idin qisaasayne!

Afartaa qafilay oo dhabtii waan idiin qoraye
Qawlakayga kii ugu wacnaa baan ku qaayibaye
Qarqarsiga ma geynee tashada nooma qalantaane

Qaddar kalena aayaha haddaan qun uga faalloodo
Taariikhdu way qeexan tahay waana qoyn dhigane
Ummaddaa ku kala quban geyiga ee la kala qaybshay

Ee qoysba qoyskii u xiga dabin u qoolaayo
Waa wada qaraabiyo xigtiyo xidid ma quudhaane
Idinkaa qardoofada dhexdhigay qaab u dirikaase

Qoryahaad isugu dhiibaysaan lagu qabiil waaye
Quruumaa ku baaba’ay hubkaad qarab ka keenteene
Qalanbaawi wiiliyo hablaba waad qalqalateene

Maatadiina waad qaawiseen qabo ku ooddeene
Qamuunyaysi iyo oohinbay qiiqda la hayaane
Hantidoodii waad qaadateen kuna qammaarteene

Qabowbaa jaroo waalidkii way qadhqadhyaane
Qobbad bay ku oodmeen xeryaha qaarahaa dilaye
Qanjidhaaba quud looga dhigay mana quraacdaane

Qaxwe looma shubo jeer ilmadu dhabanka qoysaaye
Qoorqabasho iyo waxay muteen lama qiyaasaane
Maantana qabuurtoodi baad sii qatimaysaane

Qunsurbaad markale doonaysaan inaad qarqoortaane
Annagaa qarsanaynee dhibtee idinku qoondaysta
Qayrkiin ka hadhayaal kolley kuma qancaysaane

Naga qariya nuurkiinna waad nagu qaldaysaane
Qasaariyo wixii aano dhacay qaanta nagu dhaafa
Qoobkana ha soo dhigina waa midan qabsoobayne

Qasab kuma geleynee maruun qaarad kale aada
Qirta eedda iyo godobtu waa idinka qaybtiine
Qaaddirkiin hortaga maalinbuu idin qisaasayne

Afartaa qafilay oo dhabtii waan idiin qoraye
Qawlakayga kii ugu wacnaa baan ku qaayibaye
Qarqarsiga ma geynee tashada nooma qalantaane

Mid kaloo qaddarin mudan haddaan weliba soo qaado
Cadowgii na qaybsaday dorraad ee na kala qaaray
Dalkeennii kuwii qaatayee loo qarridhay waaxyo

Ee qurusba noo diiddanee belo loo qoodhaadhi
Qorshohoodii goortuu hirgalay qurub xalaalaysi
Qabbaansiga docdii soo hadhaa lagu qalqaashaaye

Qosol beenle iyo cadownimaa laygu qoofaliye
Ma anaa mindiya lay qarshaa qaradka maahmaahdan
Goortii qalbigu soo gocdaba sow qub lay yiriye

Waase qaaba-qowseyn halkaan qawda ku hayaaye
Waa qayla dhaan gabay waxaan qalab ka haystaaye
Qaar dani ka haysaan is iri tan ugu qaadhaane

Qoodha iyo xeraday arrini waa qadhaadhahaye
Qaloonbiga dugaaggaan maqliyo aarka qawdhamiye
Qayrkiin ka hadhayaal kolley kuma qancaysaane

Naga qariya nuurkiinna waad nagu qaldaysaane
Qasaariyo wixii aano dhacay qaanta nagu dhaafa
Qoobkana ha soo dhigina waa midan qabsoobayne

Qasab kuma geleynee maruun qaarad kale aada
Qirta eedda iyo godobtu waa idinka qaybtiine
Qaaddirkiin hortaga maalinbuu idin qisaasayne!

Email: abdall02@email.franklin.edu 
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2004

Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BBC-du Dadkay Kala Dishaa
Qore: MAXAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]
Walaalayaal gabaygan waxa curiyey Maxamuud Axmed Cabdalla [shine] waxana lagu magcaabaa sida kor ku xusan..Guji... March 1

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD