WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
March 28, 2004
Somali Concern Group oo shir ku
yeeshay London.
28/03/2004.
Ridwaan
Xaaji C/wali
London UK.
waxaa shalay shir ku qabtay magaalada London
ururka dhaq dhaqaaqa bulsho ee isbadal doonka ee loo yaqaano Somali Concern
Group oo sheegay in u rarkaani la aas aasay bishii Jun ee 2003.
Ururkan ayaa la sheegay in uu iskaashi la
samaynayo awood kasta oo wadani ah iyo dimiqraadi si uu uga hortago kala
qaybinta iyo kala irdhaynta shacabka soomaaliyeed ee dagaalada sokeeye ay
daashadeen mudada 14ka sano ah.waxaana la sheegay in ururkaas uu doonayo ka
qaybqaadashada xal walba oo lagu soo celinayo nabad ka dhalata dalka
soomaaliya.
iyadoo markii ugu horeeysay shalay ay
isdiiwaangaliyeen xubnaha cusub ee uu yeelandoono ururkan marka lasoo
gaabiyo loo yaqaano SCG ayaa waxaa tiradoodu ay gaaraysay ilaa 50meeyo qof
oo dhamaantood ay ka muuqatay in ay ka fikiraan hormarka dalkooda hooyo.
Maxamud Maxamed Guure iyo Bashiir Maxamed
Jaamac ( Bashiir Goobe) oo labaduba ka mid ah gudiga kumeel gaarka ee
urukan ayaa sheegay in danaha loo hagaajiyay ururkaani ay kamid tahay dib
uheshiisiinta soomaaliyeed oo ay horayna ururku uu booqday shirka
soomaalida ee ka socda Nairobi. isla markaana ay u bandhigeen fikirkooda ku
aadan nabadda xubnha beesha caalamka iyo ergooyinka soomaaliyeed.
Waxaase su'aal dad badani ay iswaydiinayaan
ah ururkani masii shaqandoonaa mise waxaa uu noqonayaa ururada marka hore
xamaasadda ku dhisma kadibna la iska iloobo? QORAALADA RIDWAAN...
GUJI
-dhammaad-
Safarka
Riyaale Waxba Soo Kordhin maayo.
Guji...
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|