SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

March 27, 2004

NIN SOOMAALI AH OO LA SHEEGAY INUU SABAB U AHAA XIRITAANKII SAFAARADDA IYO QUNSULIYADDA MAREYKANKA EE IMAARAADKA

(koox doonaysa inay Somalia ku xiriiriyaan Argagaxisada)

Wargeys ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta maalintii khamiista ahayd ayaa qoray in ninkii dartiis loo xiray safaaraddii Mareykanka ee Abuu Dubai uu ahaa Soomaali oo looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay Arrimaha Argagaxisada.

Wargeyska Golf News ayaa sheegay in sababta loo xiray safaaradda iyo Qunsuliyadda uu Mareykanku ku leeyahay dalka Imaaraadka Maalintii arbacada ay ahayd hanjabaad kooban oo soo gaartay safaaradda taasoo kaddib la ogaaday inay ka timid koox doonaysay in dalka Somalia ay ku xiriiriyaan inuu xiriir la leeyahay Argagaxisada caalamiga ah. Wargeysku wuxuu sheegay in ninkaas Soomaaliga ah ee subaxnimadii arbacada ahayd lagu qabtay albaabka hore ee safaaradda Mareykanka waxa uu doonayay inuu safaaradda u gudbiyo macluumaad la xiriira goobo ka tirsan dalkiisa Soomaaliya oo uu isagu sheegay inay ku kaydsan yihiin hub, balse koox kale oo arrintisa ogaatay ayaa safaaradda la xiriiray oo u sheegay inay jiraan shirqool argagaxiso oo ku soo aaddan safaaradda. Mas’uul ka tirsan dowladda Imaaraadka ayaa dhab ahaan galabnimadii arbacada u caddeeyay in ninkaas Soomaaliga ah la xiray kaddib markii ay safaaradda mareykanka soo gaartay hanjabaad kooban.

Wakaaladda Wararka ee Franca Press oo uu mas’uulkaasi la hadlayay ayaa sheegay in booliska dalka Imaaraadka carabta uu su’aalo badan weydiiyay ninkaas Soomaaliga ah ee isagu lagu tuhmay inuu ahaa qofkii hanjabaadda u soo jeediyay safaaradda, waxaa si rasmi ah loo weydiiyay in hanjabaadahaasi ay ahaayeen kuwo sax ah ama kuwo been ah, balse wargeyska Golf News ayaa xusay in baaritaankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay ninkaas Soomaaliga ah ay sheegayaan inuusan xiriir la lahayn argagaxisada.

Safaaradda Mareykanka ee Abu Dubai iyo qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai ayaa albaabbada la isugu dhuftay markii ay soo gaareen hanjabaadahaas kooban. War cad oo ay safaaradda iyo qunsuliyadduba soo saareen ayaa lagu sheegay in si ku meel gaar ah ay albaabbadu u sii xirnaan doonaan illaa maalinnimada jimcaha iyadoo la filayo in maanta oo sabti ah dib loo furi doono albababada safaaradda. Wasaaradda Arrimahada Dibadda ee Mareykanka ayaa maalintii talaadada uga digtay dhammaan dadka Mareykanka ah ee ku kala nool dunida inay ka digtoonaadaan kharato ka imaan kara falal aragagaxiso oo lala soo beegsado, kaddib dilkii Sheekh Axmed Yaasiin ee Magaalada Qaza, kaasoo ay ka soo baxeen in weerarro loo gaysan doono danaha Israa’iil iyo Mareykanka

amiinkhasaaro yuusuf  amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib loo furay ka dib markii maalintii arbacada albaabada loo laabay, cabsi laga qabay in weerar loo geysto awgeed.

Saraakiil ka tirsan Safaarada Mareykanka iyo weliba ciidanka nabad sugida ee Imaaraadka ayaa sheegay digniin laga bixiyey nin soomaali ah oo dhawaan booqday safaarada uu maleegayey shirkool lagu weeraro safaarada albaabada loogu laabay.

Sarkaalkaasi waxaa kaloo laga soo xigtay in koox soomaali ah ay ka been abuurteen ninkaasi soomaaliga ah iyagoo sheegay in uu ka tirsan yahay aragagaxisada isla markana qorsheynayey qaab lagu weeraro safaarada mareykanka

“Baaritaano ay sameeyen saraakiil Imaaraad iyo Mareykan ah ayaa lagu ogaaday in ninkaasi aanu wax danbi ah laheyn, aragagaxisadana wax lug ah ku laheyn” sida laga soo xigtay mid ka mid ah saraakiishii Baaraysay eedaymaha loo haysto ninkan soomaaliga ah,

Ninkaasi soomaaliga oo xabsiga la dhigay markii laga digay, ayaa dhawaan booqday safaarada Mareykanka isagoo u sheegay in uu hayo warbixino la xiriira hub ku kaydsan waqooyiga soomaaliya isla markaana ay isticmaali karto Argagixisaddu,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2004

WARARKA MAANTA EE MUQDISHO 27/3/04
DKM oo cambaaraysay Go’aankii Xijaab manuuca ee Maxamed Dheere
5qof ayaa ku dhintay dagaal ka bilowday Xaramka ee Jubbooyinka
Dhammaan ka akhri halkan....

Maxamed Dheere oo Xabsiga u taxaabay 17 dumar Soomaaliyeed  Xijaabka Islaamka oo ay xirteen awgeed:  Wararka ka imanaya shabeelada hoose ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu maanta xabsiga u taxaabay Dumar Soomaaliyeed sabatoo ah waxay xirteen xijaabka gabdhaha Muslimaadka ay xirtaan,  waxaa sabab looga dhigay manuucii uu maxamed dheere inta uu xakumo ka mamnuucay in aan lagu xiran karin  xijaabka niqaabka... Click

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD