SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - INTERNET

March 26, 2004  
 

Dhiibaatooyinka Internetka Iyo Caruurta Soomaaliyeed.

  • Ilmaha aan lagu ilaalin isticmaalka internetka waxa uu la mid yahay adiga oo ku tuuray badweyn isaga oon dabaal aqoon.

Markii aan qiyaasay khasaarada internetku u leeyahay ilmaha soomaaliyeed ayaan waxaan go'aan saday in aan wax ka qoro Sida looga hor tagi karo iyo waxyaabaha lagaga hor tagi karo.

Maanta oo aduunku gaaray casri aad u sareeya xaga tiknoolojiyada ayaa waxaa aad u fududaatay in waalidku u iibiyaan ilmaha kombiyutar (Computer) iyo Internet ( Internet Access) iyaga oo aan ka fiirsan dhibaatooyinka ka imaankara korniinka maskaxda, fikradda iyo caqiidada ilmaha.

Inaga oon iska indhatirayn faa’iidooyinka internetku leeyahay ayaa hadana haboon in loo xadido isticmaalkiisa.

KHASAAROOYINKA INTERNETKA:

Hadii aan wax ka taabano khasaarooyinka internetku u leeyahay ilamaha waxaa ka mid ah.

  • 1) Isticmaalida beyjajka xun xun oo ay ku jiraan sawirada qaaqaawan.
  • 2) Beyjajka laga barto tuugada, xashiishka iyo xumaanta kaleba.
  • 3) Lasaaxiibida dumarka xun xun iyo raga xun xun iyo tuugada waaweyn ee loo yaqaan ( Drug Dealer)
  • 4) Wakhti dhumis oo ilaa 10 saacadood ilmuhu ku fadhinkaro netka.
  • 5) Barashada luuqadda xun sida cayda, aflagaada iyo ixtiraam la aanta.
  • 6) Ka mashquulida waxbarashada iyo diinta Alle.

Inaga oon buun buunin 50% internetku waxa uu ka kooban yahay wax yaabaha aan u fiicnayn korniinka, fikrada iyo caqiiqada imaha.

Tijaabadii ugu danbeysay ee lagu sameeyey maraykanka ayaa waxaa la ogaaday in shantii caruur ah mid ka mid ah ku xumaaday isticmaalka internetka, waxaana sabab u ah markii ilmihii loo furay Email oo loogu soo diro iimeelo kasheekaynaya daroogada, saaxiibtinimada wiilka iyo gabadha , sawirada dumarka & ragga xunxun. Dhamaan markii waxaas aan soo sheegnay dhab yihiin intee in le’eg ayaa waalidku ka difaaci karaan ilmaha ama ilmuhu iska ilaalin karaa?

Sidee Ilmaha Loogu ilaalinkaraa isticmaalka Internetka?

Waalidku waa asaaska qoyska wanaagsan, waalidkastana waxa uu la jecelyahay ilmihiisa in uu ku barbaariyo akhlaaq wanaagsan , tarbiyo diini ah, iwm. Hadaba waxaa dhacda jacayka waalidku u qabo ilmihiisa in uu u soo iibsho computer u gaar ah iyo internet ( Internet Access) ama uu u ogolaado meelaha lagu isticmaalo netka ( Internet Cafes)

Taas oo sababta in ilmihii yaraa ku dhaco fasahaad iyo lasaaxiibida dadka xun xun. Waxaa kaloo dhacda in ilamaha qolkiisa loo dhido computer u gaar ah markaasna waalidku aysan ka war qabin waxa uu samaynayo ilmuhu.

  • Ma qiyaasi kartaa inta waalidiin ka digtoon isticmaalka internetka iyo ilamaha?
  • Waa imisa inta isticmaasha barogaraamada ( Sofwares) loogu tala galay in ay ka ilaaliyaan ilmaha, isticmaalka xumaanta ku jirta netka ?
  • Waalidku maxuu ka qaban karaa internetka iyo caruurtiisa?
  • Ma in waalidku xornimo siiyaa ilmaha mise in ay ku ilaaliyaan sideese ugu ilaalin karaan?

Siyaabaha Waalidku ugu ilaalinkaraan ilmaha isticmaalka netka:

Talobixin Kooban
. Passward : Qofna ha'usheegin, weligaa iyo abidkaa.
. Username & Email: oo qura isticmaal marka aad kujirtid qolka kaftanka (chat)
. Cinwaankaaga: Weligaa qof ha'ugusheegin Internet-ka dhexdiisa.
. Email aadan garanayn: meesha iyo qofka soodiray hadii aad hishid , tirtir adiga oo aan furin. Waxaa lagayaabaa in uu kulifaaqanyahay cudurka Kambiyuutarka burburiya.
. Qoraalka aad kuqortid Internet-ka, xusuusnow in aysan ammaan ahay ama xafidnayn oo ay dadka udhexeeyaan.
. Taxadar markasta oo aad Internetka dhex-mushaaxeysid.
. Ballan meel cidla'ah weligaa hakula dhigan qof aad ku kulanteen Internetka.
. Hubsiinyo hal baa lasiistaa ee ogsoonow. Hana Ilaawin tala saarka Rabi.
. Tababar carruurtaada si ay u ahaadaan kuwo ka badbaada khataraha Internetka.

EEG QISADAN DHACDAY.......

Halkan waxaan ku diyaariyay qodobo muhiim ah oo loo baahan yahay waalidku in ay ku dhaqmaan si ay u badbaadiyaan mustaqbalka iyo aayaha caruurta Soomlaaiyeed.

  • 1) Marka ilmuhu isticmaalayo internetka waa in uusan sheegin ama gudbin arimaha khaaska ah sida Taleefonka Guriga, Addresska, Magaca iwm
  • 2) Waa in waalidku la socdo marwalba qofka ay isku fiican yihiin ilmihiisa ama uu la sheekaysto.
  • 3) Marwalba waa in waalidku weydiiyaa ilmaha waxa uu maanta ka fa’ iiday internetka.
  • 4) Computerka waa in aan la dhigin qolka caruurta, hadii uu yaalana laga soo qadaa.
  • 5) Waa in computerku yaalaa meelaha dad ka u dhexaysa sida fadhiga , qolka qada iwm
  • 6) Ilmuhu waa in uusan isticmaalin magacyada xun xun sida Khamriile (Drunker), CiyaalSuuq (Gung), Qaatil (Killer), ama dilaa (Snapper), lamayaqaan (Strange), iwm.
  • 7) Waa in computerka loogu duubaa barogaraamada ( Softwares) aan u sahlayn isticmaalka beyjajka xun xun kana ilaalinkara iimeelada xun xun.

Aniga oo soo koobaya, Internetku faa’iido iyo khasaaro labadaba waa leeyahay waana hadba sida loo isticmaalo iyo sida loogu ilaaliyo ilmaha. Ilmaha aan lagu ilaalin isticmaalka internetka waxa uu la mid yahay adiga oo ku tuuray badweyn isaga oon dabaal aqoon.

Hadii aad doonaysid ilmo baari ah, qoys fiican, bulsho wanaagsan iyo mujtamac islaam ah, ku tar biyadee caruurtaada diinta Islmaamka kuna dadaal masuuliyada kaa saran.

Wixii su’aalo iyo fikrad ah waad ila soo socodsiin kartaan. Hadii aad u baahan tahay Barogaraamada ( Softwareska ) aan soo sheegay oo kaa difaaci kara xumaanta internetka waxaad ka helikartaan……
http://www.somlink.com/softwares.htm

President Of Somlink Enterprises
Abdul Hakim Mohamad Saleban
smart_hakim@hotmail.com

www.somlink.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2004 

. Xagee Email Lagaaga Soo diray...
.
Mikerowesoft vs M.
. Barnaamijyo muhiim ah

 

Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD