-
Isbitaal Loogu Magac daray Istarliin Oo
Laga Furay Guriceel iyo Warbixin ku saabsan Guud ahaan Magaaladda
Guriceel.
-
Masaajidda Magaaladda Muqdisho Oo Maanta
laga cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda
Xijaabka Indha Shareerka.
-
Aadan Saransoor oo sheegay inay ka
hortagayaan Waxa uu ugu yeeray Fidnadda uu Moorgan la dhex wareegayo
Deegaanadadooda.
-
Dad Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u
dhaxeeya Libya iyo Sudan.
-
Daahir Riyaale oo sheegay inay qabteen
rag ka tirsan Al_Qaacidda.
-
Munaasibad lagu maamuusayo Maalintii la
aas aasay Xarumaha Agoonta Wiilasha Lafoole Iyo Gabdhaha Afgooye oo
Maanta lagu qabtay Xarunta Wiilasha Lafoole,
-
Maraykanka oo Codka Diidmadda Qayaxan u
adeegsaday Qaraar lagu Cambaarayn Lahaa Isreal.
W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com
garyare@msn.com
garyare20@yahoo.com
Masaajidda Magaaladda Muqdisho Oo Maanta
laga cambaareeyay Go’aankii uu Maxamed Dheere ku mamnuucay Xirashadda
Xijaabka Indha Shareerka.
BUUG CUSUB |

Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi
Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa:
shaafici54@hotmail.com
|
Masaajidda Magaaladda Muqdisho ayaa
qudbooyinkii Jimcaha ee Maanta laga aqriyay waxaa dhamaantood lagu
cambaareeyay go’aankii Maxamed Dheere uu ku mamnuucay Xujaabka
Indhashareerka ah ee ay xirtaan Gabdhaha Muslimiinta ah,
Qudbadaha Jimcaha ayaa maanta waxaa laga
aqriyay qudbado aad u kul kulul oo lagu cambaaraynayay Hogaamiye
Kooxeedka Maxamed Dheere, Waxaana lagu sheegay qudbooyinkaasi inay alla
ka fogaansho tahay go’aanka Maxamed Dheere,
Shiiq Nuur Baaruud oo u hadlay Dallada
Culumadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xijaabka ay jidaysay Diinta
Islaamka sidaas darteedna go’aan kasta oo lagu mamnuuco Xirashadda
Xijaabku ay tahay mid ka hor imaanaya Aayad ka mida Aayadaha Quraanka oo
qeexaysa Xirashada Xijaabka,
Shiiq Nuur Baaruud waxa uu sheegay inay
guddi u diri doonaan Maxamed Dheere si ay ugala soo xaajoodaan inuu ka
noqdo go’aanka qaldan ee uu gaaray, Wuxuuna sheegay in haddii uu ku gacan
sayro dalabkoodu ay Culumadda Islaamku Fadwo ka soo saari doonaan Maxamed
Dheere, isagoo dhinaca kalana sheegay in haddii sida uu Maxamed dheere
sheegay ay jiran rag ku gambaday Xijaabka ay taasi tahay qalad laakiin
aan loo cuskan Karin in la mamnuuco xijaabka,
KHIMAARKA & FRANSIISKA |
Siyaabihii
dunida looga arkay faransiiska oo soo rogey in aan gabdhuha Muslimku
iskoolada ku xiran karin Khimaarka Islaamka...
Guji.... |
Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere ayaa
wareegto uu shalay soo saaray waxa uu deegaanadda uu ka taliyo uga
mamnuucay Xirashadda Xijaabka Indhashareerka ama Niqaabka, Wuxuuna
sheegay in cid kasta oo lagu arko iyada oo wadata xijaabkaasi la ciqaabi
doono isla markaana loo aqoonsan doono inay tahay argagixiso,
Horay ayaa qaar ka mida Dawladaha Yurub
waxay u mamnuuceen Xirashadda Xijaabka Indha Shareerka, laakiin waa
markii ugu horaysay ee Maamul Islaamiya uu Mamnuuco Indhashareerka,
Isbitaal Loogu Magac daray Istarliin Oo
Laga Furay Guriceel iyo Warbixin ku saabsan Guud ahaan Magaaladda
Guriceel.
Isbitaalkii Caalamiya ayaa markii ugu
horaysay laga furay Toddobaadkan Magaaladda Guriceel oo ka tirsan Gobalka
Galgaduud ee Bartamaha Somalia,
Isbitaalkan oo ah kii ugu horeeyay ee
laga furo inta la ogyahay Taariikhda Magaaladda Guriceel ayaa waxa
hirgalintiisa iska kaashaday Qaybaha Bulshadda ee Magaaladda Guriceel,
Waxaana loogu Magac daray Isbitaalkaasi
Istarliin
oo ahayd Samafal ka shaqayn jirtay Gobalka Shabeeladda Hoose oo lagu
dilay Sannadkii 2002-da Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya,
Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Axmed
Macalin Xuseen oo ka hadlayay sababta ay ugu magac dareen Istarliin
Isbitaalka ayaa sheegay in dadka deegaanku ay garteen inay ku maamuseen
Istarliin in loogu magac daro Isbitalka Magaaladooda laga furayo maadaama
ay ahayd Samafalad si wayn ugu adeegi jirtay Bulshadda Soomaaliyeed,
inkastoo uu sheegay in Istarliin aysan ka hawl gali jirin Guriceel
haddana waxa uu qiray in qofkasta oo wax u qabta Shacabka Soomaaliyeed
aan marnaba magiciisu la hilmaami doonin,
Isbitaalkan oo ku shaqayn doono qalab
casriya ayaa waxaa ka hawl galaya 1 Dhaqtar iyo shan kalkaaliye, sida uu
noo xaqiijiyay Dr Cabaas Xasan Warsame oo ah Khabiir ku taqasusay
Cuduradda guud iyo qaliinka isla markaana ah dhaqtarka kaliya ee ka hawl
galaya Isbitalkaasi,
Dr Cabaas waxa uu sheegay in dhibaatadda
ugu wayn ay Shacabka Guriceel ka haysato Cudurka Maleeriyadda oo ay
sannad kasta ugu dhintaan Magaaladaasi Tiro dad ah, wuxuuna u sababeeyo
faafidda Cudurkaas biyaha ay dadku ku kaydsadaan Baraagaha guryaha
dhexdooda ku yaala iyo adeegyadda caafimaadka oo aad u liitay ka hor
furista Isbitalka Istarliin,
Magaaladda Guriceel oo ku taala Xudunta
Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Somalia waa Magaalo carro san oo dhul
gaduud ah isla markaana ka mida Magaalooyinka ku tallaabsaday Horumarka
kadib riditaankii Xukuumadii Milatariga ee Somalia,
Guriceel waa Magaalo Nabadeed oo aysan
ka dhicin dagaaladda ku salaysan qabaa’ilka, Waxaana dadku ay inta badan
ku mashquulsan yihiin kobcinta Ilaha Dhaqaalaha ee Magaaladda,
Guriceel waxaa ka socda Ganacsi xoogan
marka loo eego Magaalooyinka kale ee Somalia, Waxayna u muuqataa
Magaaladda mid sii ballaaranaysa, iyadoo ay ka socdaan gudaha iyo daafaha
Magaaladda Daaro dhaadheer oo ay Bilic xoogani ka muuqato.
Magaaladda Waxaa ka hawl gala Shirkadaha
ugu waawayn Isgaarsiinta Somalia oo ay ka midka yihiin Shirkadaha
Taleefoonadda Nation Link, Telcom Somalia, Hormuud Telecom oo imminka
xarunteeda laga hirgaliyay Magaaladaasi,
Bartamaha Magaaladda Guriceel waxaa ku
yaala dhismayaal isdaba tixan oo isugu jira Hoteel wayn oo la jiifto,
Mini Market, Maqaayad Cunto, Kawaan, Kafateeriyo, oo ay hirgalisay
Shirkadda Beder Guriceel, Waxaana ay shirkadaasi keentay Guriceel Horumar
la taaban karo iyadoo dadku ay inta badan ka maareen baahidii ay u qabeen
inay Muqdisho u soo doontaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Nolosha
Aadanaha,
Dhinaca Waxbarashadda waxaa Magaaladda
ka jira labo Dugsi Hoose/Dhexe oo midkood lagu barto Manhaj Carabiya
halka kan kalana lagu barto Manhajkii hore ee Somalia waxaana maal galisa
hay’adda ADRA Saacid oo ah NGO wadani ah,
Inta badan Khilaafyada waxaa ay dadka
Magaaladdu ku xalistaan Geed Hoostiis waxayna Taladu gacantooda ku jirtaa
odayaasha Dhaqanka oo ah Maxkamadda u dambaysa ee loo gudbiyo Arrimaha la
isku mari waayo, iyadoo loo maro xalinta Khilaafaadka Xeerarkii soo
jireenka ahaa ee Ab ka Ab la iska soo gaaray marka laga reebo arrimaha
Ugubka ah ee aan horay xal looga gaari jirin,
Magaaladda Guriceel waxyaabaha lagu
xasuusto waxaa ka mida inay noqotay Magaaladii ugu horaysay Somalia ee
nasiib u yeelata inay marti galiso Madal lagu heshiisiinayo Beelo
Soomaaliyeed oo dagaalamay, Waliba mid ka mida dagaaladii ugu dabada
dheeraa ee ka dhaca Somalia.
In ka badan Dhawr bilood ayaa waxaa ka
socday Guriceel shir lagu heshiisiinayay Beelo ku dagaalamay Ceelbuur,
Waxaana ugu dambayntii shirkaasi lagu gaaray heshiis taariikhiya oo
nabadii ku soo celiyay Ceelbuur,
Reer Guriceel waxay sidoo kale u
fidiyeen Gogol Nabadeed Beelaha isku haysta Xeraale, waxaana socda wali
dadaalo ay ku doonayaan inay Guriceel isugu keenaan labada dhinac,
Si kastaba ha ahaatee Guriceel waxay
Imminka u muuqataa Magaalo ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan
taabanaya, Waana Magaalada kaliya ee ku guulaysatay Somalia inay ka madax
banaanaato Garabyadda Siyaasadda ee dalka ka jira, Waxayna maamul ahaan
hoos tagnaa Maamulka Gobalka Galgaduud ee uu Madaxda ka yahay Yuusuf
Xasan Ciyoow "Yuusuf Goobe"
Aadan Saransoor oo sheegay inay ka
hortagayaan Waxa uu ugu yeeray Fidnadda uu Moorgan la dhex wareegayo
Deegaanadadooda.
Aadan Saran Soor, Xoghayaha Guud ee
Jabhadda Wax Iska Caabinta RRA-da ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan
Meel kasta oo ka taggo Gen Moorgan Gobaladda Bay iyo Bakool,
Saransoor oo xalay Qadka Taleefoonka ugu
waramayay Warbaahintaayaa sheegay in imaanshaha Moorgan ee Xudur ay tahay
tallaabo dagaal huris ah oo uu ku doonayo inuu isaga hor keeno Jabhadda
RRA-da, Wuxuuna ugu eedeeyay Moorgan inuu masuul ka ahaa kala jabkii ku
yimid RRA-dii uu hogaamin jiray Shaatigaduud,
Saransoor waxa kale oo uu ku eedeeyay
Moorgan inuu sidoo kale lug ku leeyahay khilaafka soo kala dhex galay
Shiiq Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wuxuuna sheegay in
go’aan ay ku gaareen Guddiga Fulinta RRA inay ka hortagaan Qaska uu
Moorgan la damacsan yahay Gobaladooda, Waa sida uu hadalka u dhigayee,
Saransoor waxa uu dhinaca kale sheegay
in dhawaan la qaban doono shir wayne lagu dooranayo Guddoomiye ay yeelato
Jabhada RRA kadib markii uu dhamaaday xilligii uu xafiiska hayay Shiiq
Aadan Madoobe, Wuxuuse ka gaabsaday inuu ka hordhaco shaqsiyaadka ay
hadda is leeyihiin waa lagu badali karaa Shiiq Aadan Madoobe,
Jabhadda RRA garabka uu hadda horkaco
Maxamed Ibraahim Xaabsade oo gacanta ku haya Baydhabo ayaa si wayn u
diidan in Moorgan iyo Shiiq Aadan Madoobe ay wada yimaadaan Gobaladda Bay
iyo Bakool, waxayna ka hor imaanshahooda Xudur ku cel celin jireen
inuusan imaan Karin gobaladooda Shiiq Aadan Madoobe oo ay la socdaan
Moorgan iyo C/laahi Shiiq Ismaaciil, Laakiin imaanshahooda xilligan ayaa
cabsi wayn ka dhalisay Gobalka waxaana laga wal walsan yahay in Rabshado
ay ka dhashaan Imaanshaha Gobalka ee hogaamiyayaashan wada socda,
Dad Soomaali ah oo ku dhintay Saxaraha u
dhaxeeya Libya iyo Sudan.
Warar is khilaafsan ayaa waxa ay ka soo
baxayaan dad Soomaali ah oo tahriibayaal ah oo la sheegay inay dhinteen
qaarkood, halka qaarka kalena iyagoo dhibaateysan ay gaareen xadka Libiya
iyo Suudaan.
Inkastoo aan warar rasmiya laga hayn
xaaladda dhabta ah ee ay dadkaasi ku nool yihiin ayaa haddana warar aan
ka helnay Soomaalida Joogta Libya waxay sheegayaan inay dadkaasi intooda
badan iyaga oo bad qaba soo gaareen tuulada Kufru oo ku taala xadka
Libya,
Dadka dhintay ayaa la rumaysan yahay
inay gaarayaan Labo qof inkastoo wararka qaar ay tiradda dhimashadda
intaasi ka badaniyaan, iyadoo dadka bad baadayna la sheegay inay ku
biireen Soomaali iyo Ajaaniib kale oo Tahriibayaal ah isla markaana ku
xiran Xabsiga Kufra, Waxayna wararku sheegayaan in Xabsiyadda Kufra ay
buux dhaafiyaan Tahriibayaal u badan Soomaali,
Soomaalidan Tahriibayaasha ah oo in
muddo ah lagu la’aa saxaraha u dhaxeeya Libya iyo Sudan ayaa waxaa bad
baadiyay Ciidamadda Xuduudaha illaaliya ee Libya iyaga oo qarka u saaran
in intooda nool ay u dhintaan oon iyo Gaajo, Waxayna ciidamaddu markii ay
xaaladda dadkaasi caadi ku soo noqotay u dhaadhiciyeen Xabsiga Kufra,
Warkan ayaa soo baxay xilli la
qorshaynayay in Libya laga soo daad gureeyo Soomaali Tahriibayaal ah oo
ku xir xiran Xabsiyadda Libya kadib markii ay wadahadal Tripoli ku
yeesheen Madaxwaynaha Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia, C/qaasim
Salaad Xasan, iyo Hogaamiyaha Libya, Col Moamar Al-Qadaafi,
Daahir Riyaale oo sheegay inay qabteen
rag ka tirsan Al_Qaacidda.
Madaxweynaha Maamulka la magac baxay
Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa sheegay in maamulkiisu ay xireen
shan qof oo Soomaali ah oo uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-qaacidda.
Riyaale oo waraysi dheer siiyay
Jariiradda Al- Xayaat ee ka soo baxda Magaaladda London ayaa sheegay inay
qabteen shan nin oo argagixiso ah isla markaana falal qarbudaad ah ka
waday Deegaanada Somali Land, Wuxuuna sheegay inay rumaysan yihiin in
ragaasi ay xubno ka ahaayeen Ururka Al-Itixaad oo ka mida Kooxaha
Xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda,
Riyaale waxa uu ku eedeeyay ragga la qab
qabtay inay si gaar ah u ugaarsanayeen Ajaaniibta hawlaha samafalka iyo
ganacsiga ka wadda Somali Land, Wuxuuna sheegay in hawlaha argagixisadda
laga soo abaabulo inta badan Gobaladda Somalia, Waa sida uu hadalka u
dhigayee,
Riyaale waxa uu dhinaca kale qiray in
Maamulkiisa uusan aqoonsi ka helin Beesha Caalamka laakiin waxa uu
sheegay in mar kasta ay iyagu isku yaqaanaan inay yihiin Qaran Madax
banaan,
Daahir Riyaale oo imminka socdaal ku
jooga Brussels waxa uu sidoo kale sheegay in Sool iyo Sanaag ay ka tirsan
yihiin Somali Land, Wuxuuna meesha ka saaray sheegashadda Punt Land ee ah
inay gobaladaasi maamulkeeda ka tirsan yihiin, isagoo si gaara uga
dalbaday Wariyihii waraysanayay inuu waydiiyo dadka u dhashay
deegaanadaasi halka ay ka tirsan yihin,
Mar la waydiiyay Riyaale mawqifka Somali
Land ee ku aadan Shirka Kenya waxa uu sheegay inuusan shirkaasi iyaga
qusayn isla markaana aysan ahayn cidda la heshiisiinayo Somali Land balse
la dhex dhexaadinayo Kooxaha Hubaysan ee Koonfurta Somalia,
Riyaale waxa uu sidoo kale sheegay in
xiriir Sokeeyanimo ay la leeyihiin Dalalka Ethiopia iyo Jabuuti, Wuxuuna
sheegay in Ethiopia ay u ballan qaaday inay noqonayso Dalka Labaad ee
aqoonsada Somali Land,
Munaasibad lagu maamuusayo Maalintii la
aas aasay Xarumaha Agoonta Wiilasha Lafoole Iyo Gabdhaha Afgooye oo
Maanta lagu qabtay Xarunta Wiilasha Lafoole,
Munaasibad lagu maamuusayo Maalintii la
aas aasay Xarumaha Agoonta Wiilasha Lafoole iyo Gabdhaha Afgooye ayaa
maanta ka dhacday Xarunta Wiilasha Agoonta oo ku taala Agagaarka
Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed,
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen
Masuuliyiin kala duwan oo kala socday qaybaha Bulshada ayaa waxaa
Mehrajaan qurux badan ku soo bandhigay Wiilasha Agoonta Lafoole oo ay ka
muuqatay diif aad u daran kadib markii laga joojiyay kaalmooyinkii ay ka
heli jireen hay’adaha samafalka,
Agaasimaha Xarunta Wiilasha Lafoole, C/qadir
Awliyo oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay muujiyeen dhabar adayg
mudadii adkayd ee dalka ka jirtay dhibaataddu, Wuxuuna sheegay inay ku
shaqaynayeen si iskaa wax u qabso ah.
Awliyo waxa uu sidoo kale sheegay in
waxoogaa kaalmooyin ah ay ka heli jireen Hay’adaha Samafalka, laakiin
waxa uu sheegay in kaalmooyinkaasi laga joojiyay markii Tuuladda Carta ee
dalka Jabuuti lagu soo dhisay Dawladda Ku Meel Gaarka Ah ee Somalia,
Wuxuuna sheegay in hadda ay Raashin aan sidaas u badnayn ka helaan
Dawladda Ku Meel Gaarka Ah,
Xarumaha Agoonta Gabdhaha Afgooye iyo
Wiilasha Lafoole oo 34 jirsaday ayaa waxa gacanta ku haya Ciidamadda
Asluubta Soomaaliyeed, Waana xarumaha fara ku tiriska ah ee ka bad baaday
Bur burkii xooganaa ee ku habsaday Dalka inkastoo laga dareemayo in
saamayn ay ku yeelatay Xaaladda adag ee dalku marayo,
Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed oo aan
sidaa uga fogayn Xarunta Agoonta Wiilasha Lafoole ayaa waxaa ka muuqda
bur bur xoogan, waxayna isku badashay deegaan ay ku nool yihiin dadkii ku
soo barakacay dagaaladda Sokeeye, iyado inta badan Buugaagtii iyo
qalabkii kale ee ay Jaamacaddu ku shaqayn jirtay la bililiqaystay
inkastoo wali ay jiraan waxoogaa qalab ah oo ay gacanta ku hayaan dad
Waxgarad ah oo degan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed,
Maraykanka oo Codka Diidmadda Qayaxan u
adeegsaday Qaraar lagu Cambaarayn Lahaa Isreal.
Maraykanka ayaa codka diidmadda qayaxan
ee Vitowga ku hor istaagay qaraar la doonayay in lagu cambaareeyo
Tallaabadii ay Isreal ku dishay Shiiq Axmed Yaasiin,
Qaraarkan oo ay ansixiyeen Inta badan
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay marka laga reebo Britain,
Romania, iyo Maraykanka ayaa waxa uu ku cambaaraynayay Isreal inay
fulisay weerar dil ah oo aan sharci ahaan loo marin, Waxaana lagu
tilmaamay dilka Shiiq Axmed Yaasiin mid xadgudub ah,
Maraykanka ayaa ku adkaystay in
qaraarkaasi uu yahay mid qalad ah oo aan ka tarjumayn siyaasad dhex
dhexaadnimo ah, Wuxuuna u adeegsaday is hortaaga qaraarkaasi codka
diidmadda qayaxan ee Vitowga,
Dunida Carabta ayaa si wayn uga carooday
go’aanka Maraykanka iyo awooda dheeriga ah ee uu adeegsaday, Waxayna ku
eedeeyeen Maraykanka inuu ku dhaqmayo siyaasad aan dhex dhexaad ahayn,
W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com
garyare@msn.com
garyare20@yahoo.com
Muqidsho, Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2004
WARARKA MUQDISHO: 24/3/4
»
Dekadii Marka oo Dib loo furay,
»
UN oo ka hadashay Haweeneydii lagudiley
Berbera
»
Midowga Yurub oo 8 Milyan oo Yuuroowga ugu
deeqay Somalia
»
Katashiga cidii badali lahayd Shiiq Aadan
Madoobe
Wararkan ka akhri halkan...:
Maarso 24, 2004
.
Xagee Email Lagaaga Soo
diray...
.
Mikerowesoft vs M.
.
Barnaamijyo muhiim ah
Waxyaabaha
Carqaladeeyey Shirka Nairobi
Toddoba qodob ayaa sabab u ah carqalada
shirka Soomaalida uga socda Kenya, sidaas waxaa qoray...
Guji...
26/3/04
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO