Waa sax in la isu dardaarmo, waana wax wanaagsan in qofku ku hamiyo
maamulida deegaankiisa, iyo u istaagida danaha shacabkiisa, hase
ahaatee
qoraalkaagu waxa aad ka hadleyso, iyo waxa uu xambaarsan yahay ayaa
kala
duwan. Qoraalkaagu waxaa uu uegyahay mid dad kicin ah, oo abaabul salka
ku
haya.
Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag iyo weliba Ceyn waxaa ay ka wada mid yihiin
deegaamada Puntland, hase ahaatee hadaad gidigood cadawsato, kuna
tilmaamto
kuwo jeebkaaga faganaya, yaad u hadleysaa, yaadse ka hadleysaa. Waxaan
u
maleynayaa in taxadar laaanta heysata wargeysyada Somalida in aad ka
faaiideysaneyso, oo aad qoreyso hadalo aanan munaasab aheyn.
Waxaa dhici karta in qofku qolo uusan jecleysan dhinac kaga furo
dacaayad,
taasi ma xaqiijin karto in qofku waxa uu tabanayo ehel u yahay (La
qabiil
yahay), sababtoo ah dano qaas ah ayaa la gali kara, hase ahaatee waxaa
muhiim ah in la isweydiiyo waxa la qoray iyo xaqiiqdu inta ay isu
jiraan.
Waxaa badan dadka sheegta magacyo aanan jirin, iyo qabiil uusan aheyn
si uu
dhib u abuuro, waxaadse ogaataa dadka iyo indhahoodu in ay kala badan
yihiin, oo halkii qofba uu leeyahay laba indhood, taasina xigmada ku
jirtaa
ay tahay wax hubsiga.
Ma dhici karto in qof dareen wanaagsan, doonayana in dhibka uu arkayo
wax
laga qabto uu u hadlo sida aad u hadashay (Qoraalkaaga), sababta oo ah
Generalizing-ku ma aha wax possitive loo isticmaalo inta badan, hadaad
u
fiirsato Nugaal, iyo Mudug, iyo Weliba Puntland oo idil baad afka la
gaartay, keliya halkaa waxaa ka cad in aadan xaqiiqda ka tarjumeyn, ee
aad
caro-hadleyso.
Waxaan hubaa in Qabiilka aad sheeganeyso uu yahay mid wanaaga jecel,
kana
xishooda iska hor keenida, iyo musuq-maasuqa, yahayna qabiilada ugu
sharafta
badan Gobolka bari. Waxaa nasiib daro ah in aad aflagaado la gaarto
Beelo
dhan oo danahooda ku mashquulsan, nolol maalmeedkoodana la harjadaya.
Raga
aad sheegeyso in ay ummada horboodaan waa run in ay wataan asxaab kala
duwan, sidaa darteedna ay meel kastaa ku galaan magac guud, hase
ahaatee
taasi daliil uma noqoneyso in qabaailada Puntland oo idil ay dulmiyeen
keliya Gobolka Bari.
Hadaad xaqiiqda u baahan tahay, nolosha gobolada aad sheegtay ka jirta
kama
jirto inta badan ee Somalia, sababta oo ah waxaa jira waxyaabo
horumarka sal
u ah, waxaana ugu horeysa in shacabku ku mashquulo danahooda,
maamulada, iyo
hogaamiye kooxeedyada ay ku hoos sugan yihiina loo daayo waxa ay
walaaqanayaan, taasina waxaa ay kamid tahay waxyaabo badan oo xal lagu
heli
karo, waa hadii la doonayo in laga hortago Bur bur iyo dagaalo joogto
ah,
sida ka jirta Muqdisho iyo Gedo, oo ah They live with the problem oo ay
macnaheedu noqoneyso dad qabatimay hardanka iyo dagaalka dushooda ka
jira,
barteyna sida loogu dhex noolaado.
Mahamuud Saleebaan
Bossaso
mahamudsaleban@hotmail.com