Hadraawi muxuu ka yidhi Qadiyadda reer Falastiin?
- “Jiritaanka Falasdiin
- inaan xoog furfuri karin
- Faantoomna ridi karin
- Fiitoona tiri karin
- geesigii ufeydnaa
- ma ku qoray far waaweyn”
Abwaanka weyn ee caanka Maxamed Ibraahim Warsame
“Hadraawi” wuxuu mar hore oo dhawr iyo labaataneeyo sano laga joogo ka
hadlay qaddiyada Falastiin, isagoo si ba’anna u dhalliilay falalka foosha
xun ee ay Yuhuuddu ku hayso maatada iyo dadka aan waxba galansan ee ay
maalin walba laynayso.
Kun la dirira idinkoo
kontona, weydun kaafiyiye
Waxa shalay oo bishu ahayd 22/03/2004 lagu dilay
magaalada Qasa ee waddanka Falastiin halyeygii caanka ahaa sheikh
Axmed Yaasiin oo ahaa geesigii aasaasay ururka mintidka ah ee Xamaas.
Waxay ilaa shalay ahayd maalmo ay naxdini hadhaysay waddamada Islaamka
iyo caalamka oo dhan. Isla markaana ay ummadda islaamka soo waajahday
dhib aad u weyn. Caalamka intiisa kalena uu gilgilay dilkii foosha xun ee
Israaiil kula kacday halyeygii, geesigii reer Falastiin Shiikh Axmed
Yaasiin. Gaar ahaana ummadda Reer Falastiin waxa u dumey habeen madow,
waxaay waayeen halyeygii xoriyadooda iyo difaacooda ugu god galay.
Ilaahay naxaristii jano ha ka waraabiyee.
Shiikh Axmed Yaasiin
wuxuu ka geeriyooday gebi ahaanta ummadda Islaamka ah gaar ahaanna
ummadda reer Falastiin iyo ururkiisii Xamaas.
Mintid fara yar midhihii bataa kama macaashaan
Waxa laga hayaa inuu yidhi Shiikh Axmed Yaasiin
“Ariel Sharon must know that the day we become martyrs is a wedding day
for us. When we get killed it is the happiest day for our lives”. Ariel
Sharon waa inuu ogaado maalinta aanu shahiidno inay tahay arrooskayagii,
maalinta aanu idin laynona inay tahay farxaddayadii. Mid ka mid ah ururka
Xamaas ayaa isaguna yidhi “Ariel Sharon opened the gates of hell” Ariel
Sharon wuxuu furay albaabadii naarta. Shaki kuma jiro in adduunku cadho
ka muujiyey dilkaa xaqdarada ah ee uu ku shahiiday Shiikh Axmed.
Xaallada falastiin ayaa ahayd mid adduunku maanta
sharxi kari waayey, mar dadka reer Falastiin la weydiiyey waxay ku cabiri
karaan dilka Shiikh Axmed Yaasiin waxay yidhaahdeen cadhada, colaadda iyo
nacaybka aanu uurka ugu hayno Yuhuudda maaha mid ay dibnahayagu macnayn
karayaan. Waxay ilaa shalayto is farayeen.
- Lix halkaad ku joogtaan dagaal laabta
ka ogaada
- Haddii luqunta sare laydin jaro,
lugaha meermeersha
- Luxdanaanta kama soo hadhee, laliya
duulaanka
- Lalabaha sidaad ugu waddaan, laba
jibaar geeya
Maansadii uu
Hadraawi
1983 ka tiriyey qadiyadda Falastiina wuxuu ku bilaabay sedan:
Fido (Riix
maansada si aad u dhegeysato)
www.Hadrawi.com
- Nin fagaare Jaan-dheer
- ficil heesay baa yidhi,
- “inkastaad fariid tahay
- haddaan cidiba kuufurin
- fiicnaantu keligaa
- maxay kuugu filan tahay”.
- “Hadalkaan farshaxannimo
- ama fliro loo odhan,
- caanahaan fal qurux badan
- ama fiiqsi loo dhamin “,
- wuxu yidhi nin faaqidey,
- “feedhahay wax yeelaan “.
- Faaraxow’ halyeygii
- Falastiin dabka u sidey
- goobihii fas-loolkee
- foolba foolka ka hor-yimi
- ficilkuu ka geystiyo
- faalladuu is daba dhigay
- haddii noole faaqido
- faahfaahin lagu daro
- xaya calal falaax dhaha
- Fatax iyo Idaajaa
- fa ‘du qoran warkuna furan.
- Haddaannaan fadqalalliyo
- fiilooyin qoolayn
- ama qolo kufoognayn
- ama dhiigfaraa gelin
- waannaan fadhiyi karin.
- Faaraxow gumeystii
- Waanwaanta faygiyo
- faraceeda gooyee
- fiiddiyo kurkii jaray
- xididkčeda faadh faadh
- laga feydyey maradii
- belo fuursan loo yeedh
- iyaduna fitiligtii
- fannah orodka soo tidhi
- fartu damaqday boogtii
- ku fadhidey qunbacashada
- Riigan sii faddaadee
- fidmo qoriga loo dhiib.
- Falastiin raggeedii
- geerida hab faxannimo
- nafta ugu fideyn jirey
- Faqash waxay yidhaahdeen
- inta Farow sakalan tahay
- Falastiin henggelan tahay
- dadka lihi fongoran yahay
- belo wayska fududdahay
- imminkaabay fidhatee
- yaa fandhaal ba weli daray.
- Kol hadday fogaatoo
- faddarowdey nabaddii
- annaguna nin fara-baxay
- fasax baannu siinnee
- Faataxaannu leenahay,
- ninka cudud ku faaniyo
- foolaad ha soo baxo
- Fido waa naqaannaa.
- Haddaa Faantom keentaan
- bado soo faruurtaan
- Beegan fooso soo tubo
- ciidan faylsan soo guro,
- awel baanan fiicnaan
- iyo qabin fayoobaan.
- Ninka igu fekerayaa
- inuu fooror igu helo
- fadhi quusa igu dulo
- doqonnino igu falo
- Mar horraan ka faashaday.
-
- Cabsiyeey fur lagu geli
- Riiganow' falkaa yeel
- baaruudda firidhiyo
- fidhadiyo dabaylaha
- Naabaal ka fara-badan
- fidh-fidh go'a hubka u diran,
- sida fadhanfadh soo lali
- fallaadh baan cirka u diray
- fool bay Ia maqan-tahay
- Nin walowba ila filo.
- Haye dee Faqdiirow
- sharka aynu fuulnee
- awrka soo faruur-xidha,
- Xaajadu falaad iyo
- Umal feedha jiifoo
- furka ridey xanuunkiyo
- farsamay ku socotaa,
- hubka ficil ma lagu guray
- fooxana ma lagu ridey.
- Fud-fudaydka Geeshkii
- dhigi jirey fajicisada
- farta mawgu yeedheen,
- markii foodda lays-daray
- fagaxdiyo durduradiyo
- fahda orodka booddada
- fadal-boobka carashada
- Geeshkii cir-fanashada
- figta sare lahaan jirey
- fakadii ma laga degey
- fahma-guur ma lagu ridey
- filan-waa ma ka horyimid
- fatata 'a rasaastiyo
- falfaboosta Naatoo
- Bir finiin-ka-joogaa,
- fitir faatir gubatiyo
- ma ka dhigay fataatiir.
- Galaw fooridiisiyo
- fiintu maysu yeedheen.
- Geeshkii fasaadkiyo
- furashada haweenkiyo
- feenashada dhallaankiyo
- dhiigga fuuqsigiisiyo
- fantasaha ku caan baxay
- fadh fadhiyo is-waalkii
- iyo feejignaantii
- dhulka loogu fidin jirey
- ma fasakhay nin diiddani,
- sixirkiyo falkoodii
- falowgay yaqaanneen
- tu ka daran ma lagu falay,
- Ma fan-jeedshey Geeshkii
- Fule lagu cabsiin jirey,
- dhabankii fayoobaa
- shan farood ma lagu dhigay,
- Caga-jiidka fiindhaha
- dib u faana-gurashada
- goobihii fantaysnaa
- ma ka faadhumaysteen.
- Beegan tab ma faaqidey
- Faqash iyo walaalkii
- Fiqigii gumeystaha
- ma u diray farriimaha
- falanqaynta sheekada
- faqa maysku taabteen
- feleggiyo xiddigihii
- fiiro mawgu laabteen,
- xaajada faruur-xidhan
- ma furdaamin waayeen.
- Xaajada fal-nacaska ah
- faalkeedu bixi waa
- fixiweydey beentii
- runta filansho-waaga ah
- food saaro loo waa
- godob feedhanaysiyo
- Finjil iyo Fajaajuur f
- araqay is-haystaan.
- Faanow waxba ha tarin
- fooxaalligii mee!
- togga soo faruurmiyo
- webiyada fatahayaa
- fooraha cartamayaa
- fadadka is-galaa baxay
- ma fidaa‘igiibaa
- lagu qoray fallaaggee
- Faaraxow gumeystuhu
- beri hore faquuqee
- faddaraa gardiidiyo
- far-ku -tiris ku sheegeen.
- Wedku faata-faataha
- Faad faatintiisii
- hadduu meel ku foognaa
- guryo sixin fatahayuu
- ku ekeeyey foofkii
- fakabkiyo baroortii
- Falastiin ku koobnayd
- wakhtigaa fogeeyoo
- Faaraxow Talaafiif
- firka-naxa habeenkii
- iyo labada fiid-cawl
- fooladdeedu waa weer
- meydku waa is-feedh yaal
- Gaarriyow lafara badey.
- Riigan faygarkiisii
- falkintiyo shirqoolkii
- falalkii iska hor yimi
- wuxu ceeb ku foognaa
- fool-xumooyinkiisii
- ma la yidhi ku fool-dhaqo?
- Boqorrada faxaaxsadey
- faankii duleediyo
- ma dhigeen is fagalixis
- Fahad iyo bahdiis
- Falastiin cidlada dhigay
- Weji-dadab ma fiigeen?
- Il-fashaqa ma dhuunteen.
- Duubkii fatooshkiyo
- Shaalkii ma laga furay?
- Ma fadeexaddii baa
- laga feydey maradii
- Ma fadeexaddii baa
- Iyadoon fur saarnayn
- Fooruhu ku dhacayaa
- Ma fadeexaddii baa
- Fiddiggeed haaddiyo
- Cayayaanku fadhayaa
- Xaajadu farraarliyo
- Futo qaawan badannaa
- Fakasha gumeystuhu
- Falastiin xilkeediyo
- Nabaddii fayoobeyd
- Waakii ka faaqdee
- Arrintii fogeeyee
- sakalaha fardama sudhay
- Gartu fuli ma leedahay
- Dhegihii furaysnaa
- Baaruud ma lagu furay.
- Isticmaarku fiix iyo
- fin caloosha kaga yaal
- ma is yidhi ka faraxalo
- nabarkii ma sii fiday
- sida furuq tin iyo cidhib
- ma ku faafay xididda
- Ma fadhiistay dhuuntiyo
- meel aan farsamo gelin.
- Fara saarka Bayruut
- Xinjir faartay mooyee
- inaan faanaheediyo
- faranteeda cidi marin
- xilihii ma lagu furay
- foodho yaa car soo gala!
- Jiritaanka Falasdiin
- inaan xoog furfuri karin
- Faantoomna ridi karin
- Fiitoona tiri karin
- geesigii ufeydnaa
- ma ku qoray far waaweyn.
- Ma wareegey feleggii
- In la tago fagaaraha
- fursan-waa ma laga dhigay!
- Runtu maysku filan tahay
- farta dhiigga lala galay
- shaxda laysku fay go 'ay
- turubkii faska ahaa
- Falastiin ma haysaa,
- Gaarriyow fajicisada
- ninkii foodda dheeraa
- fatar kiil ma lagu yidhi!
- Guul baa lafilayee
- fooraddii ma lala tegey
- gobannimo ma faral baa.???
- Falastiin raggeedii
- figladiyo wadaamaha
- foosba foos ma ku hubsaday
- facfac maysu dhiibeen
- filka xiga ma lagu simay
- Cartan faylka maw baxay
- Fadal maw xidh-xidhan yahay
- Faaruuq ma korayaa
- Fido uurmaleedahay
- Faaqid maw calool galay
- Faayo maw mattaan tahay
- Falastiin ma geed baa
- Halka faash ku laba-dhaco
- laamuhu ka foofaan.
- Falastiin ma beer baa
- waqal fool eryaayoo
- laga guro fariidkoo
- fufka dhala halyeeyada
- hadba foodda laga jaro!.
- Fooraha Lubnaan maray
- ma ku fiday adduunyada!
- fara wada ilaysiyo
- ma ku ganay fallaadhaha
- wakhti fagadh ma soo yidhi!
- firxadkii is-waayiyo
- filqantii ma urursaday!
- Falastiin salkeediyo
- fidda-baxa Amriikiyo
- Fiyat Naam dusheediyo
- Foqom iyo Rashiidow
- togga Foolgo iyo Cadan
- ilaa fayga Keeb Tawn
- fadku maysu muuqdaa.
- Fegendaha gilgilashada
- falaxfalaxda laydha ah
- fudad kale ma burureen
- farxaddii ma tooseen!
- Feeraarta Bari-dhexe
- falladhkii madoobaa
- faynuus ma sudhan-yahay
- filashadu ma badantahay.
-
- Falba waa falkiisee
- Anna faajafaajada
- furashada Hargeysiyo
- fooqa buuraleydiyo
- fanaxyada Nugaaleed
- dhulka mudug ka foorora
- Faxfax-dhuun agtiisiyo
- Faannoole iyo Xamar
- faras mawgu joogaa.
Alle hortii shahiid waa
ahaa, mar haddii uu salaadii Subax soo tukaday, isla markaana ay gacan ka
gardarani dishay, laguna dilay jidkii xaqa ahaa. (Allow markaati baanu ka
nahay in jidkaaga xaqa ah lagu dilay, waxa aanu kaaga baryeynaa inaad
jannadii geyso, kana yeesho shuhadada jannada dhexdeeda ka soo laalaada)
Maansooyinka Hadraawi waxaad ka fiirsan
kartaa (www.hadrawi.com)
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan