March 25, 2004
BBC AFSOMALI WAA HORMAR
Dadka Soomaalidu waxay dhagaystaan BBCda Soomaaliga sadex jeer maalinkasta
waxaana ay u arkaan in ay ka heli karaan macluumaad badan oo somaliya
khuseeya iyo caalamkaba.
Waxaa
xiliyadan ay aad uga dhagaystaan shirka somaliya uga socda Kenya ee lagu
dhexdhexaadinayo hogaamiyayaasha kooxaha soomaaliya oo khilaafkooda ugu wayni
uu ku salaysanyahay damaca gaar ahaaneed iyo hormarinta qabiilka uu hogaamiye
walba ka dhashay.
BBCdu waxaa ay wariyayaal ku leedahay somaliya meelo ay
kamid yihiin muqdisho,hargaysa iyo boosaaso iyo meele kalaba waxaana
wariyaayshaas ay soo diraan wararinta badan isku dheeli tiran inkastoo
qaarkood laga dareemo buun buunin xad dhaaf ah.
Waxaa hadaba muhim ah in wariyayaasha ku sugan bush houska
ilaa in muda ah la hadlayay soomaalida xiliganna laga yaabo in ay shaqada ka
fariistaanba in ay ka sheqeeyaan midnimada soomaaliya oo aanay ka shaqayn
sidii soomaaliya loo kala jarjari lahaa.
BBCda ka sokoow waxaa jira idaacado kale oo ka hawlgala somalia oo iyagana
looga baahanyahay in ay ka sheqeeyaan sidii soomaaliya looga saari lahaa
dhibaatada ku habsatay.
radioraaso@yahoo.com
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|